Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa (ANN)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay halka qaranimada Somaliland ka dhitinay ee qorshaha ugu jirta inuu wax ka qabto.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in Somaliland u baahan tahay horumarin ay ku samayso cudduda iyo qalabka ciidammadeeda difaaca si ay u noqoto Qaran aan cawgiisu ku hamiyi karin, taasina ay ka mid tahay saddex qodob oo uu ka kooban yahay qorshe uu xisbiga KULMIYE doonayo inuu ka midho-dhaliyo si loo helo Somaliland oo gaadha horumar dhinac walba leh.
Sidaana waxa uu ka sheegay khudbad uu u jeediyey boqolaal qof oo ku soo dhaweeyey magaalada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle oo uu booqasho ku marayay deegaamada bariga, halkaas oo ay booqdeen isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku guda jira kormeer ku saabsan wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta ee ka socota Gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex.
Ugu horreyn, Guddoomiye Muuse Biixi oo sharraxayey qodobka koowaad ee saddex qodob oo saldhig u ah bartilmaameedka xisbigiisa waxa uu yidhi, “Aragtida iyo wax wadalahaanshaha lagu aasaasay xisbiga KULMIYE waa ta keentay in KULMIYE doorasho walba dad ku soo kordhaan, maanta Somaliland badankeedii boqolkiiba 80% ay isugu timi oo ay isku afgaratay, haddaba maxaa la isugu imanayaa ee Somaliland aynu isugu keenaynaa? Saddex qodob baan ku soo koobanayaa, KULMIYE waxaynu ugu midoobaynaa;
Qodobka koowaad, in aynu hore ugu marino dadkeenna oo carruurteennu nolosha aynu maanta ku noolnahay mid ka wanaagsan ay ku noolaadaan, markaynu isku nimaadno ee aynu wax wada qabsano ee caqligeenna aynu isku aamino ee isku darsanno xooggeenna iyo xoolaheenna ayeynu horumar iyo nolol tan ka wanaagsan gaadhaynaa, maanta Somaliland waa dhawr iyo siddeetan degmo oo mid waliba ay raadinayso riig biyo u soo saara, xarun caafimaad oo carruurta iyo hooyada lagu xannaaneeyo iyo saldhig boolis loo dhiso oo lagaga qabto dambiilaha, markaa waxaynu doonaynaa in marka degmo waliba isku tashato in intaas iyo wax badanba ay gaadho. Dalka oo dhan waxa ka jirta shaqo la’aan, kaga biximayno shaqo la’aan na caawiya oo hay’ad la baryo waynu ka daalnay, Ilaahay mooyee cid kale oo inna caawin kartaa ma jirto, horumar waxaynu gaadhi karnaa oo aynu shaqo la’aanta ka bixi karnaa marka lacagta qarankeennu haysto ee qof waliba jeebka ku haysto ka taajirka ah iyo ka faqiirka ahba iyo aqoonta dadkeenna badan oo jaamacadaha ka baxay leeyihiin intaynu isu gayno aynu helno sharcigii innagu dhaqaayey iyo baanankii wax isugu keen dari lahaa, kadibna xooggeenna iyo xoolaheenna aynu isku darno, waxaynu u shaqo la’nahay maanta waxaad aragteen magaalo kasta oo Somaliland ah meel walba dhulkaa la seesayaa (dhisme), waayo qof waliba lacagta uu hayo wuxuu galiyo ayuu garan la’yahay, dabadeed kii laba kun oo dollar haystay iyo boqol milyan haystay mid waliba sees dhul buu ku waashay.”
“Maanta caalamka aynu joogno dawladuhu ma hayaan lacag ee tujaarta iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa haya oo meel kasta horumarka keenay, laakiin lacagta ay hayaan waa tii qaranka, markaa lacagta shirkaduhu waa inay qaranka horumarisaa ee maaha inay meel fadhido oo lagu xidho ee waa in shaqo lagu abuuraa, shirkaduhuna waxay u baahan yihiin la ilaaliyo oo amni ay helaan, dadka muwaadiniinta fakaray ee sameeyey shirkadaha waawayn ee maanta inoo shaqeeyaa waxay u baahan yihiin sharcigii iyaga ilaalin lahaa, xoolahoodana hawlgalin lahaa si aynu baahida uga baxno oo aynu wax u wada qabsanno keenna tacliinta leh, ka xoogga leh iyo ka dhaqaalaha hayaa, waana taa ta uu KULMIYE u socdaa oo aragtidaasi ayuu hiigsanayaa,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu intaa raaciyey isagoo hadalkiisa sii wata, “Qodobka labaad, in KULMIYE dalkeenna horumariyo, waxaanna kow ka ah in qaranka difaaciisa la adkeeyo, dawlad aan ciidankeedu xoog lahayni waa dayac, markaa dalkeenna waxaynu horumarin karaynaa markaynu ciidankeenna cuddudiisa, qalabkiisa, caafimaadkiisa iyo dhaqaalihiisa kor u qaadno oo uu cadowgeennu dib u joogsanayaa.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu si adag ugu jawaabay madaxweynaha dawladda taagta daran ee ka jirta Soomaaliya oo dhawaan ku dooday in aanay Soomaali kala maarmayn oo ay dib u midoobi doonto, waxaannu guddoomiyuhu dib u xasuusiyey taariikhda sidii ay ku timi dawladdii Soomaaliya ee ka dhalatay midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya 1960-kii ay mid waliba xornimadeeda qaadatay, taas oo qorshaheeda iyo dadaalkeeda ay lahaayeen shacabka reer Somaliland oo qabay jacayl walaalnimo Soomaaliyeed, balse markii dhibaato loogu gaystay midnimadii ay sameeyeen ay dib ula soo noqdeen madaxbannaanida dalkooda 1991-kii oo ku timi dhiig loo daadiyey, isla markaanay aanay ahayn mid si fudud looga noqon karo.
“Soomaali goorma ayey wadahadlaysaa? Soomaali waxay miis isugu imanaysaa marka nin waliba wixii uu ahaa noqdo ee aynu Somaliland oo 26-kii June calanka qaadatay iyo Soomaaliya oo 1-dii July calan qaatay oo ah laba dawladood oo walaalo ah oo is qadarinayaa, inta aannu taa ogolayn ninka Xamar joogaa waxaan leeyahay ha ku fikirina Somaliland iyo Soomaaliya isu yimaada dab hadduu ka hellaacayo. Kamay dhicin weli adduunyada wixii la soo mariyey Somaliland, kamay dhicin in gabadh gashaanti ah oo Awr wadda inta iyadiina la kufsado aabbaheedna lagu hor dilo, awrkiina la qasho biyihii haamaha ku jirayna lagu karsado, ma ragga taa sameeyey iskaba daa diyaarad la isku garaacee ayaa maanta i leh igu soo noqo, ma dhacayso,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Ugu dambayntii, waxa uu xusay in qorshaha saddexaad ee xisbiga KULMIYE doonayo inuu ku maamulo Somaliland uu yahay ‘buu’ yidhi, “Waxaynu doonaynaa in Somaliland noqoto qaran nabad ah oo jaarkiisa nabad kula noolaada, shaqaysta oo wixii dantiisa ahna ka tashada. Xisbiyada mucaaradka ahi waa xisbiyo qaran, nin waliba wuxuu la yimaado dadkaa xukumi, laakiin KULMIYE waddada aynu maraynaa waataa.”