Araweelo News Network

Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cilmiyeysan u faahfaahiyey khatarta caafimaad ee ay la kulmi karaan dadka ku nool meelaha u dhawdhaw garoomada diyaaradaha.
Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in diyaaradaha isticmaalaya madaaradu ay sababaan khatar waxyeelayn karta caafimaadka dadka, gaar ahaan hooyada uurka leh, ilmaha yar iyo dadka waawaynba, waxaannu u hogotusaaleeyey bulshada sidii arrintaasi looga taxadiri lahaa.
“Waxyaabaha cajiibka ah aqoon la’aanta ina haysa waxa ka mid ah, dadku adduunyada meeshii khatar ah waa laga durkaa, garoonka diyaaradaha dadkan ku soo cararaya ee la leeyahay ka guura iyagaa loo talinayaaye dhul lagama rabo, waayo, guuxa diyaaraduhu gabadha uurka leh waa u khatar, dhegaha carruurtana waa u khatar, dadka waayeelka ah wadnahoodana waa u khatar, sababta uu khatarta u yahay guuxu wuxuu sameeyaa hirar (waves) sida ay sameeyaan biyo fadhiya oo aad dhagax ku tuuray oo kale, haddii hirarkaasi ay fara bataan oo ay xoogaystaan jidhka bani’aadamka way jarjaraan, bal ka soo qaad in ay degayso diyaarad wayn oo nooca Jet-ka ah oo aan marawaxad ahayni markay kacayso iyo markay degaysaba gariirka ay dhulka ku samaysaa gurigaaga ayuu kuugu imanayaa, kadibna ilmaha sariirta jiifa iyo qofka guriga joogaba waxa u imanaya ama ku dhacaya hirarkii dhawaqa ahaa oo duuban, hadda waa marka aan laga soo qaadin khatarta haddii diyaaraddu dhacdo ama haddii dab yimaado iyo shilalkan aynu aragno, haddana waxaad arkaysaa dadkii oo madaarkii ku soo cararaya, markaa ammaanka madaarka meelo badan buu in laga eego ayuu u baahan yahay, khatartiisana in dadka laga wacyigeliyo,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo uu booqday toddobaadkan isagoo ay ka socoto hawl dib-u-dhis loogu samaynayo, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Dhismaha Garoonka magaalada Burco waa mashruuc ballaadhan oo weliba u baahan aqoon gaar ah, markaa waxay u baahan tahay hubsiimo fara badan oo aan dhismaha oo keliya ahayn.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in garoomada diyaaradaha ee magaalooyinku u baahan yihiin mar walba dhul bannaan oo ay ku fidaan marka kastoo la ballaadhinayo, waxaannu yidhi, “Garoonka diyaaraduhu wuu kordhayaa sidaa magaaladu u kordhayso oo haddii maanta hal milyan oo qof ku nooshahay toban sanno kadib waa dadkii way badanayaan, hawl kale ayuu u baahanayaa madaarkii oo diyaaraddii way ka waynaanaysaa kuwii hore, dhismayaashii baa ka badanaya intii hore, ammaankii iyo dab-damiskii ayaa ka badanaya, taana waa in dadka la fahamsiiyo, markaa dadka ku wareegsan madaarrada diyaaradaha waxaan leeyahay caafimaadkiina iyo mustaqbalkiina ayaa ku jira ee ogaada marka la leeyahay ha laga durko.”
Waxa kaloo uu guud ahaan shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isku wada qabsadaan horumarinta kaabayaasha adeegyada qaranka ee ummaddu wada leedahay oo aan deegaan keliya lagu eegin, isla markaana waxa uu xusay in mashaariicda socda ee ay wado xukuumadda KULMIYE ay halkaa ka sii soconayaan oo ay qayb ka noqonayaan barmaamijka cusub ee xisbigu ku galayo doorashada oo uu dhammaystirayo haddii uu talada waddanka ku guulaysto mar labaad.
“Garoomada diyaaradaha, dekedaha, waddooyinka, cusbitaallada, xeryaha ciidammada, xafiisyada dawladda, jardiinooyinka dadku ku nasto qaranka ayaa leh waa hanti qaran ee ma laha magaalo, markaa waa in qaranku ka wada qaybgalaa oo loo wada gurmadaa, markaa mashruucan dhismaha madaarka Burco waa mid wayn, in aynu dhammaystirnaana waa waajib oo aynu qaran ahaan isugu tagno oo ay wasaaradda Duulistu hormood inoogu noqonaysaa in mashruuca hore loo dhammeeyo oo la dedejiyo,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.