Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay ka waayo-aragsan yihiin xisbiyada kale ee tartanka kula jira, isagoo xusay inay diyaar u yihiin tartan xor iyo xallaal ah oo dhexmara xisbiyada qaranka marka la gaadho doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan bisha November 2017.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xarun guud oo xisbiga KULMIYE ka furtay bariga Caasimadda Hargeysa, waxa uu ugu horayn bulshada u sharraxay ahdaafta iyo mabaad’iida guud ee xisbiga KULMIYE leeyahay, kuwaas oo ay taageerayaashu ka midaysanyihiin, waxaannu yidhi; “Xisbiga KULMIYE waxa uu leeyahay tiirar iyo mabaad’ii heshiis lagu wadayahay, dadkuna markay ay xisbiga gelayaan waxa ay ku heshiiyaan mabaad’ii, waxaana ka mid ah;
1. In lagu wada dhaqmo diinteena Islaamka
2. tiirka labaad ee KULMIYE ku heshiiska yahayna waa qaranimada Somaliland oo ah lama-taabtaan oo hadal iyo gorgortan ma gasho
3. in laga midho-dhaliyo oo adduunka ictiraaf looga helaana waa hiigsigeenna labaad ee aynu heshiiska ku nahay
4. ta afraad waa in dalka lagu maamulo sharci, caddaalad waxa la gaadhi karaa in wixii dadku ku heshiiyey ee sharci ah iyo in wixii diintu ina fartay in aynu ku dedaalno boqolkiiba 100% in aynu hirgelino. Waxa inoo yaal dhibaatooyinka ina haysta in aynu la dagaalno, dhibaatooyinka oo ah kuwo bulsho, qaar cimileed, maamul, dhaqaale.”
“Sida aynu waxaas u gaadhaynaana waa is aaminaad, isku kalsooni, wax-wada-qabasho iyo hawl, dadkuna haddii aanay hawlgelin oo aanay muruq iyo maskax hawlgelin meel ma gaadhayaan, waana wax kaloo aynu ku shuraakoobayno haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay.”
Waxa kaloo uu ku dooday in xisbiga KULMIYE yahay ruug-caddaa siyaasadda ku gaamuray oo waayo-aragnimo badan dheer axsaabta kale ee la tartamaya, isla markaana diyaar u yahay inuu galo doorasho xalaal ah oo cay iyo xagxagasho ka madhan tahay.
“Haddii aynu KULMIYE nahay waxaynu oggolnahay tartan xalaal ah, xisbiyada qaranka ee aynu tartamayno waxaynu ka oggolnahay tartan xalaal ah oo heer qaran ah oo aynu ku doodayno dalka waxaas ayaannu u qabanaynaa iyo waxaas ayaannu u qabanaynaa, KULMIYE waxa innaga reebban cayda, aflagaadada iyo xisbi kale wax-ka-sheegga ama bulshada kaleba, waayo umaynaan furan xisbiga in aynu xisbiyada kale cayno, madaxda xisbiyada kale waynu ixtiraamaynaa oo rag wada muddo-kar ah oo xisbiyo qaran. Waxaynu ku loollamaynaa tabtii iyo waddadii dalku ku horumari lahaa annagaa hayna iyo annagaa hayna. Waannu ka waayo-aragsanahay oo 15-jir baannu nahay, mucaarid iyo muxaafidba waannu soo marnay, hawlo badan oo ka horreeyeyna waannu soo marnay. Dhibaatooyinkii aynu soo marnay waannu ka baydhaynaa, laakiin ninka cusub dhibaatooyinkii aannu soo marnay buu ku dhacayaa iminka ileyn waayo-arag maahee,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.