Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo muddooyinkii dambe socdaal shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa oo maanta dib u soo laabtay, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ay dareen isbedel doonnimo ugu soo dhaweeyeen shacbi weynaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Soo dhaweynta weftigan oo ugu horreyn ay ka qeyb-qaateen mas’uuliyiinta ugu sar-sareysa Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaal baaxad weyn oo ka soo kala jeeday dhammaan ba degmooyinka caasimadda Hargeysa kuwaasi oo uu ka muuqday dareen isbedel-doonimo iyaga oo sida oo kale na muujinaayey taageerada aan kala hadhka lahayn ee ay ka shacbi ahaan u hayaan Xisbiga WADDANI, waxaana la arkaayey iyaga oo ku jeeni qaaran calanka bilicda iyo quruxda ba u saaxiibka ah ee midabkiisu sagalka yahay isla mar ahaantaana astaanta u ah Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale erayo soo dhaweyn ah oo ku dhawaaqayeen kuwaasi oo ay ku muujinaayeen taageeraddooda cajiibka ah.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo safarkan ay ku wehelinaayeen, murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga, hoggaamiyaha xisbigaasi, siyaasiyiin, xildhibbaano diblomaasiyiin iyo weli ba sida oo xoghayeyaal aad u tira badan, waxaana soo dhaweyntaas ka dib uu Cirro la hadlay Warbaahinta isaga oo ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey ujeedka socdaalkoodii ay ugu maqnaayeen dalka dibaddiisa iyo weli ba sida oo kale waxyaabahii uga soo qabsoomay.

“Aad baan ugu mahad-celinayaa shacbiga Somaliland ee ay wadato dabeysha isbedelku ee sida wanaagsan u soo dhaweeyey aniga iyo weftigii ila socday ba, waxa aanu ku maqneyn safar shaqo oo aanu ku metelaynay idinka shacab ahaan, waxa aanu markii hore marti qaad ka helnay dalka Ingiriiska, gaar ahaan machad caana oo la yidhaahdo CHatham House halkaas oo ah meel lagu gorfeeyo siyaadaha dunida, waxaana uu safarkaasi uu ahaa mid guud ahaan Somaliland u soo hooyey magaca wanaagsan, waxa noo suurto-gashay in aanu safarkayaga soo marno meelo badan oo ay ka mid ahaayeen dalka Ingiriiska, xarunta EU-da ee dalka Brussels, dalka Jarmalka, dalka Uastaria, dalka Sweden, dalka Norway iyo dalka Finland ba, arrinta ugu muhiimsan ee aanu dalalkaas u mareynay waxa ay ahayd arrinta dhibta badan ee xanuunka badan ee Somaliland ka jirta ee abaaraha ah ee macaluusha ah ee xanuunka ah oo gurmadkeeda maanta iyo hadhow ba siddii wax looggu qaban lahaa. Waxa kale oo aanu kala hadleynay iskaashiga guud ee Somaliland iyo dalalkaas aanu la soo kulanay, waxa kale oo aanu fursad u helnay in aanu la kulano jaaliyadaha Somaliland oo aanu uga waranay xaaladda abaarta iyo dhammaan ba xaaladda guud ee dalka iyo madaxda Xisbiga iyo laamahiisa ba. “.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Dr.Cabdiraxmaan Cirro sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa si adag uga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagay isaga oo ku baaqey in si deg-dag ah looggu gurmado dadka abaarahu saameeyeen gaar ahaan dadka u dhimanaaya xanuunada shuban biyoodka ah oo uu qeylo-dhaan ka diray, waxaana uu yidhi:

“Waxa aan Ilaahay innooga baryeyaa in uu abaarta inaga saaro, in uu roob kheyr qaba ina siiyo in xanuunada ka dhashay abaaraha uu Ilaahay inaga bogsiiyo, waxaana aanu fareynaa xukuumadda Somaliland in dadkaa shacabka Somaliland ee xanuunka shubanku uu ku dhacay ee qaar dhinteen ba in ay gurmadka ugu badan ee suurto-galka ah ay ka geystaan, anagu baaqyo badan baanu ka soo jeedinay imika na waanu ku baaqeynaa oo waanu ku celinaynaa.”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cirro, waxa sida oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay xadhiga sharci darada ah ee loo geystay siyaasiyiin ka tirsan Xisbigaasi oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa saldhiga dhaxe ee Hargeysa, waxaana uu sheegay in uu si aada u cambaareynaayo dhaqankaas foosha xun ee ay soo kordhisay Xukuumaddu isaga oo tilmaamay in aanay ka xisbi ahaan mar dambe aanay u dulqaadaneyn in la iska xidh xidhi siyaasiyiinta xisbigaasi.

“Waxa aan runtii aad iyo aad uga xumahay oo aan uga tiiraanyeysanahay in madax ka tirsan Xisbiga WADDANI oo ka mid ah madaxda ugu sar-sareysa Xisbiga oo uu ku jiro guddoomiyahii garabka dhallinyarada iyo weli ba sida oo kale xoghayahii ciyaaraha ee Xisbigaasi in la xidhay iyada oo aan wax dembi ah loo haynin, sifo sharci ah loo haynin, arrintaasi na waxa ay u eeg tahay sharci jebin, waxa ay u eeg tahay budhcadnimo, waxaana aan ka xumahay xaaladda ay ku sugan yihiin ee ay ka soomeen raashinka, waxaana aan ugu baaqeynaa xukuumadda ina laga noqdo arrintaa sharci darrada ah oo sharciga loo soo noqdo oo xoriyaddoodii na loo soo daayo, raali kama noqon karno mana aqbali karno in maalin walba saraakiil ka tirsan Xisbiga in la xidho, arrintaa si adag baanu uga soo horjeednaa mana aqbali doono.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Murashax Cirro, waxa sida oo kale uu tilmaamay in ay xukuumadda u soo jeedinayaan in ay cabudhinta ka deyso saxaafadda isaga oo ugu baaqey in ay xoriyaddooda u soo celiso inta xidh-xidhan ee ku jirta jeelasha Somaliland.

“Waxa kale oo aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa in ay cabudhinta ka deyso Saxaafadda, saxaafaddu umaddey u dhaxeysaa sharcigaana xoriyad siiyey, dastuurkaana siiyey , qofkii dembi gala waa lagu qaadi karaa dembigiisa laakiin cabudhintu sharci darro weeye, intii xidh xidhan ee saafadda ka tirsana waxa aanu rajeynaynaa in xoriyaddoodii loo soo celiyo.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu aad uga hadlay arrinta sicir-bararka oo uu sheegay in ay illaa hada wax ka qaban kari la’ dahay xukuumaddu isaga oo u soo jeediyey in ay si deg-dag ah ay xal ugu raadiso sicir-bararka ka jira dalka. Waxa kale oo uu baaq nabaddeed uu u soo jeediyey beelaha walaalaha ee dhawaan dirirtu ku dhex-martay gobalka Sool iyo weli ba sida oo kale deegaanada Ceel-afweyn.

“Arrinta sicir-bararka waad ka war-qabtaan oo xukuumaddu way ku fashilantay, talaabooyin bay sheegtay in ay qaadeyso laakiin may fulinin, waxa aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa arrinta sicir-bararka ee xadhkaha goostay iyo sarifka ba in ay tallaabo ka qaado oo dhakhso uga qaado, waxa aan baaq u soo jeedinayaa dhammaan ba beelaha Somaliland ee dega gobalka Sool iyo Ceel-afweyn ba ee dirirtu dhawaan dhex-martay, baaq nabaddeed baan u soo jeedinayaa oo in arrinta nabad lagu soo dabbaalo ayaan ka codsanaynaa dhinacyada oo dhan ba, maanta colaad iyo abaar mid na ma qaadi karno, markaa labada ba Ilaahay ha inaga baajiyo, waxaana aan ugu baaqayaa in nabadda loo soo noqdo oo caqligu shaqeeyo oo dadkaa walaalaha ah wixii dhex yaala si wanaagsan loogga wada xaalo ayaan u soo jeedinayaa.”.

Ugu dambeyntii, wuxu ugu baaqey Xukuumadda Somaliland in ay si deg-dag ah u bixiso lacagtii doorashada ee ay hore u balan-qaaday, waxaana uu ka digay muddo kordhin timaada mar saddexaad oo aan dalka iyo dadka toona dan ugu jirin, waxaana uu yidhi:

“Arrinta doorashada iyada na waad ka warqabtaan oo waxa ay ahayd in ay 2015kii dhacdo, 22 bilood baa la kordhiyey iyada oon wax cudur daar ah loo haynin, beesha caalamku na arrintaa aad bay uga xumaatay, KULMIYE na berigaa waxa ay yidhaahdeen beesha caalamka uma baahnin, lacagtii na anagaa bixinayna oo Sideed Malyana way ahayd sida la xaqiijiyeyna saddex Malyan uun bay bixiyeen, waxa aan xukuumadda u soo jeedinaynaa si ay u qabsoonto Doorashadu, diiwaan-gelintu u dhammeystiranto oo kaadhadhka loo qeybiyo in lacagtii la bixiyo, umaddu na mar dambe ma aqbali doonto doorasho dib u dhacda anagu na ma ogolin.”.