Jamal Cali XuseenHargeysa (ANN) Murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ugu baaqay mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland inay si degdeg ah u diyaariyaan xeerkii lagu dooran lahaa oo uu xusay in aannu jirin, ilaa haddana loo dhaqaaqin.
Mr. Jamaal Cali Xuseen oo Jamhuuriya la soo xidhiidhay shalay, waxa uu ku dhalliilay golaha wakiillada iyo shirguddoonkooda in aanay diyaar u yahay doorasho waqtigeeda ka qabsoonta Somaliland, jecelyihiina in aanay bannayn kuraasida, iskana fadhiyaan sida Golaha Guurtida oo kale.
“Golaha Wakiillada iyo shirguddoonkoodu waa inay sida ugu dhakhsaha badan u sameeyaan xeerkii lagu dooran lahaa, mana aha inay diyaariyaan xeer la isku qabqabsado oo khilaaf cusub inagu abuura, waqtina inaga lumiya, waxaana jira oo yaal xeerkii lagu doortay Golaha Wakiillada sannadkii 2005 (xeer Lr 20-2\2005) oo ahaa mid loogu talogalay in mar qudha la isticmaalo (one time use), markaa haddii dood cusub iyo xeer cusub la furana waxay noqonaysaa mid waqti dheer qaata, waxaanan ku talin lahaa in xeerkaas hore ee lagu doortay 2005 lagu sameeyo dib-u-cusboonaysiin, dib-u-habayn iyo baalashayn la jaanqaadaya waqtiga taagan, kaasoo ay tahay in mar kale dib loo ansixiyo, laakiin haddii la yidhaah xeer cusub hala abuuro waxay fursad u noqonaysaa qolooyinka jecel in doorashooyinku dib u dhacaan, mararka qaarna waxaad is odhanaysaa Golaha Wakiilladu diyaar uma ah doorashooyin oo waxayba doonayaan inay iska fadhiyaan kuraasida sida Golaha Guurtida,” ayuu yidhi Mr. Jamaal Cali Xuseen.
Waxa uu tilmaamay in labada doorasho oo isku mar qabsoomayaa ku soo waajahan yihiin Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa inagu soo waajahan oo is dulsaaran laba doorasho oo ah doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Xeerka lagu dooranayo madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenku waa xeer caadi ah oo diyaara, laakiin ma jiro xeerkii lagu dooranayey Golaha Wakiillada. Waxaanna nasiib-darro ah in Golaha Wakiillada oo muddo toban sanno ah joogay aanay ilaa hadda samayn xeerkii lagu dooranayey dadkii beddeli lahaa ama haddii ay doorashada gelayaan dib iyaga loogu dooran lahaa.”
Waxa kaloo uu xusay in mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo shirguddoonkoodu ka fikireen wax dantooda oo qudha khuseeya, ayna samaysteen xeer u ogolaanaya inay lacag sannad mushaharkii ah qaataan marka ay xilka ka degaan, waxaannu yidhi; “Mudanayaasha Golaha Wakiilladu waxa qudha ee ay ka fikireen waa jeebkooda oo ay samaysteen xeer (xeer Lr.62/2013) waajibinaya in marka ay xilka ka tagaan qaataan lacag ah sannad mushaharkiisa iyo xasaaniyaadkii kale ee guryaha loogu dhisayey shirguddoonkooda, waxaas oo dhan way dhammaysteen, fursadna way u heleen inay diyaarsadaan xeer dantooda khuseeya, laakiin xeerkii lagu dooranaye oo muhiim ahaa aanay weli diyaarin, iyadoo doorashooyinkiiba ay ka hadhsan yihiin bilo qudha, in xeerkoodii weli qabyo yahay waa wax aan runtii wanaagsanayn, masuuliyada arrintaasna waxa qaadaya shirguddoonka wakiillada iyo guud ahaan mudanayaasha golaha oo dhan, wayna arkayeen in muddo dheer laga hadlayey arrimaha doorashooyinka, weyna arkayeen in doorashadu soo dhawaatay, markaa waa wax aan la yaabayo in xeerkaas weli qabyo yahay.”
Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa tilmaamay in muddo dheer laga meeraysanayey, afkana laga xidhay in laga hadlo sida aannu u jirin xeer lagu doorto Golaha Wakiillada, arrintaasoo uu xusay inay ku ceebaysan yihiin mudanayaasha goluhu, xukuumadda KULMIYE-na qayb ku leedahay dhalliisha, maadama ay masuuliyad ka saaran tahay in doorashooyinku qabsoomaan.
“Haddii degdeg loo ansixin waayo xeerka lagu dooranayo Golaha Wakiillada oo ay jeclaystaan inay iska sii fadhiyaan waxa ay taasi afduub ku keenaysaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland, mana ah wax meesha inoo yaalay oo aynu suganay in Golaha Wakiillada oo ah hay’addii sharci-dejintu ay iska fadhiyaan iyadoo xeerarka dalka oo dhan wada qabyo yihiin,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Murrashaxa xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ku eedeeyey mudanayaasha Golaha Wakiillada in aanay diyaarin xeer badan oo dalka muhiim u ah, waxaannu yidhi; “Golaha Wakiilladu may diyaarin xeerar kale oo dalka muhiim u noqon lahaa oo ay ka mid yihiin xeerka maalgashiga iyo khayraadka dabiiciga ah, iyadoo ay sidoo kale jiraan xeerar badan oo haddii la sameeyo manfac u keeni lahaa dalka, shaqo-abuurna noqon lahaa, kuwaasoo Golaha Wakiilladu ku fadhiistay, waxbana aannu ka diyaarin.”
Waxa kaloo uu ku baaqay in si guud loogu wada diyaar noqdo in doorashooyinku qabsoomaan, si fiicana uga dhacaan Somaliland xilliga loo qoondeeyey, isagoo farriin u diray xisbiyada qaranka oo ay ugu horeeyaan KULMIYE iyo WADDANI.
“Si doorashooyinku inoogu qabsoomaan, si fiicana uga dhacaan waddanka, waxa wanaagsan in aan la carqaladayn, cidkastoo ay khusaysana ka hawlgalaan, haddii ay tahay xisbiyada, baarlamaanka, xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka, waxaana looga baahan yahay in xisbiyadu u diyaar noqdaan doorashooyinka, dhammaystiraana waxyaabaha dhinacooda ku xidhan. Tusaale ahaan, waa inay diyaarsadaan murrashaxiintooda, golahooda dhexe iyo hawlaha dhinacooda khuseeya oo dhan. Annagu haddii aannu UCID nahay waxa aannu nahay xisbiga qudha ee golihiisii dhexe shiray, lana doortay murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka, halka labada xisbi ee kale ee KULMIYE iyo WADDANI aanay weli qabsan shirarka golahooda dhexe, isla markaana aanay dooran murrashaxiintooda.
Waxa kaloo fiican in xisbiyadu noqdaan qaar ku dhaqma dimuqraadiyad oo aan la afduubin dadka, iyadoo ay waajib tahay in loo wada diyaargaroobo doorashooyinka, cidkastaana dhammaystirto wixii waajib ah ee dhinaceeda khuseeya,” ayuu yidhi Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com