Araweelo News Network

Brussels(ANN)-Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey socdaalka ku joogay boqortooyada dalka UK, ayaa socdaal ay isaga iyo qaar ka mid ah weftigaasi ku tageen dalka Biljam ee xarunta u ah Midowga Yurub, waxa ay kulan gaara kula yeesheen guddida Baarlamaanka Yurub u qaabilsan Afrika iyo arrimaha dibadda.

Weftigan oo socdaalka ay ku tageen xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels uu ahaa mid ku yimi marti-qaad rasmi ah oo ay ka helaan Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey, Marwaddiisa Marwo Farduus Maxamed Rooble, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xoghayaha arrimaha dibadda Dr.Maxamed Cismaan Fadal, la taliyaha guddoomiye Cirro ee arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid iyo weli ba xoghayaha xidhiidhka wadamada Yurub iyo Xisbiga WADDANI Ambassador Diinaari, ku waasi oo dhammaantood ba si heer caalami ah looggu soo dhaweeyey dalka Biljamka.

Ugu horreyn Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminaayo oo kulan la qaatay guddida baarlamaanka Yurub u qaabilsan Afrika iyo arrimaha Dibadda, ayaa ay si aada uga wada-hadleen xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan xaaladda abaareed ee hada ka taagan dalka iyaga oo ka codsaday in Midwoga Yurub uu sii laban laabo dedaalkooda ku aadan siddii looggu gurman lahaa shacabka tabaaleysan ee abaarahu saameeyeen, waxaana ay sida oo kale si aada isu la gorfeeyeen dib u dhaca dhowrka jeer ku yimi Doorashooyinka Somaliland, hannaanka dimuqraadiyadda iyo weli ba xoriyatul qowlka iyaga oo dhanka kale na ay weftiggii guddoomiye Cirro halkaas ku soo bandhigeen faa’idooyinka ku jira Ictiraaf ay hesho Somaliland oo ay sheegeen in ay wax badan ka tarayso nabadda Geeska Afrika gaar ahaan la dagaalanka budhcad-baddeeda.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdullaahi (Cirro), oo ka dib kulankaas ay la qaateen la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabahii ay ka wada-hadleen labada dhinac isaga oo hoosta ka xariiqay in ay si aada ugu adkeeyeen siddii Midowga Yurub uu qeyb xoogga uga noqon lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka abaarahu saameeyeen ee ku nool gudaha Somaliland.

“Waxa aanu halkan u nimi waxa ay ahayd in aanu Baarlamaanka Yurub kala hadalno arrinta ugu muhiimsan ee ah arrinta maanta ka taagan Somaliland, geeska iyo weli ba dhulka Soomaalidu degto ba oo ah abaarta iyo siddii looggu soo gurman lahaa shacbigaas. Waxa kale oo aanu halkan u nimi in aanu kala hadalno arrinta Somaliland guud ahaan oo Ictiraaf baynu muddo dheer dooneynay iyo Ictiraafku doorka uu ka ciyaari karo haddii Somaliland la siiyo oo ay ka mid tahay nabadda Geeska Afrika guud ahaan, la dagaalanka argagaxisada, shaqo abuurka, yareynta tahriibta, yareynta ama la dagaalanka budhcad baddeeda oo dhammaan ba waxyaalahaasi waxa ay ahaayeen waxyaalahii aanu kala hadalnay.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Dhanka kalena xildhibbaanada midowga Yurub ee kulanka la qaatay weftiga uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa waxa ay balan-qaadeen in ay fulinayaan balan-qaad hore ay u sameeyeen oo ay ku sheegeen in ay ka qeyb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Somaliland iyaga oo sida oo kale na si aada u soo dhaweeyey qadiyadda Somaliland isla mar ahaantaana muujiyey tix-gelin gaara oo ay sheegeen in ay siinayaan arrinta qadiyadda Somaliland.