Araweelo News Network

Laascaanood(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Murrashaxa Madaxweynaha Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar iyo xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. Musharraxa oo uu weheliyo hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti kale oo culus ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay gobollada Sool iyo Saraar maalintooda 5-aad ee ololaha doorashada.

Murrashax Cirro ayaa habeenimadii si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Wadaamo Goo, Gaatama, Oog iyo degaanno kale. Bulshada u heellan isbedelka ee la dhacsan siyaasadda xisbiga Waddani ayaa si balaadhan u qaabilay weftiga Musharraxa waxaanu Weftigu dhagax dhigay Jidka Isku Xidhaya Wadaamo Goo ilaa Buuhoodle, sidoo kalena waxay masuuliyiintu ballanqaadeen in ay wax ka qaban doonan baahiyaha bulshada.

Weftiga Musharrax Cirro ayaa subaxii ololaha doorashada 13 November ka bilaabay xarunta gobolka Saraar ee Caynaba halkaas oo taageero laxaad leh loogu muujiyay. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Hoggaamiye Xirsi ayaa bulshada u balanqaaday isbedel khayr qaba. Mudane Xirsi waxa uu bulshada u sheegay in ay xor yihiin oo aanay cidna u khasbanayn sida uu Kulmiye ku ololeeyo waxaanu sheegay in ay codkooda bulshada si xor ah u waydiisanayaan. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ballanqaaday in uu gobol buuxa ka dhigi doono gobolka Saraar. Waxa uu sheegay in Muuse Biixi oo hadda cod ka doonaya reer Saraar uu ahaa ninkii Caynaba ka dhigay derejada saddexaad ee C markii uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa.

Taageerayaasha xisbiga Waddani ee isbedel doonka ah oo ku gaashaaman calanka liimiga ah iyo sawirrada Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa Dr Maxamed Cali ayaa dhammaan degmooyinka u dhexeeya Laascaanood iyo Caynaba si heer sare ah ugu soo dhaweeyay wefiga Musharrax Cirro. Dadweynaha oo ay masuuliyiintu la hadlayeen ayay waydiisanayeen codkooda, islamarkaana u ballanqaadayeen in ay baahiyahooda wax ka qaban doonan. Dadweynaha xamaasadaysan oo weftiga soo dhawaynayay ayaa sii sagootiyay iyada oo laga dareemayay rabitaankooda isbedel.

Weftiga Musharraxa xisbiga Waddani ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Musharraxa oo ay boqolaal gaadiid ahi kaga hortaggeen duleedka Laascaanood ayaa iyada oo la galbinayo kumanaan dadweyne ahi ku soo dhaweeyeen gudaha magaalada, halkaas oo lagu qabta munaasibad balaadhan. Garaadada, salaadiinta iyo cuqaasha gobolka Sool ayaa madasha ka sheegay in ay si weyn u taageerayaan xisbiga, islamarkaana ay bulshada ku boorrinayaan in ay codkooda siiyaan xisbiga Waddani oo ay ka rajaynayaan in uu wax ka qabto tabashada reer Sool. Waxay sheegeen in albaabka xukumadda Kulmiye ka xidhna bulshada gobollada bari laakiin, ay xisbigan ka filayaan xukumad ay wax ku leeyihiin.

 

Wasiirkii biyaha Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta saamaynta ku leh gobollada Sool iyo Sanaag ayaa bulshada ku boorriyay in ay Waddani u codeeyaan “Kulmiye wuxuu noqday guri qaniin leh, Guriga qaniinka lehna waa laga guura, waxa looga guura guriga cosobka leh, waxaynu u guurayna oo u codaynayna xisbiga isbedelka ee Waddani. Anigu waxaan soo maray Ceerigaabo, Dibqalax, Ardaa, Awrboogays, Fiqifuliye, Xuddun, Adhicaddeeye dhammaan degaannadaasi waa Waddani. Waa in aynu hal meel u wada codayno, Sool, Sanaag Bari iyo Sanaag Koonfureedba waa in aynu Waddani u codayna, Waddani baynu isku ognaha ay,” Sidaas ayuu yidhi Baashe. Sidoo kale Cabdirisaaq Khaliif Axmed wasiirkii hore ee gaadiidka oo isna awood ku leh gobolka Sool ayaa isna bulshada reer Sool ku boorriyay in ay taageeraan isbedelka xisbiga Waddani wado.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Mr Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bulshada Gobolka Sool uga mahadceliyay taageerada laxaadka leh ee ay xisbiga u muujiyeen “Guul baynu doonayna Qarankeena guud ahaan in aynu u keeno, guul in aynu u keeno Somaliland barwaaqo ah, Somaliland la wada leeyahay, Somaliland caddaalad ah oo loo siman yahay in aynu samayno ayaynu doonayna,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi oo intaas raaciyay in Muuse Biixi musharraxnimada ku helay hebel iga reeb haddana uu doonayo in uu qabyaalad kursiga ku fuulo “Qoladdii Kulmiye waxay marayaan hebel igu ballami, reer Hebel igu ballami, saw halkan may iman oo may odhan reer hebel igu ballami, Garaadada, Cuqaasha, Odayaasha iyo dadka wax garadka ah ayaa loo yeedhaya waxaa la leeyahay ‘reerka nagu ballami’ dee reerku wakaas ee cod u doono. Anagu waxaanu idiin wadna Madaxweyne codkiina idin waydiisanaya oo aan loo khasbanayn haddii iyagu yidhaahdeen waa naloo khasban yahay waa mid aan loo khasbanayn. Dadku waa xor dalkuna waa dimuqraadi oo kolba qofkii ay doonan ayay dooranayaan, sidaas aad imikaba muujiseen ikhtiyaarkiina ku doorta Waddani. Waddani waxa uu samaynaya isbedel nololeed oo dhinaca horumarka adeegyada bulshada ah sida ku qeexan buugga barmaamijka xisbiga,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi oo intaas raaciyay in ballamaha Waddani qaadayo uu fulin doono.

 

Guddoomiyaha Waddani waxa uu sheegay in ay guud ahaan Somaliland gaar ahaana Reer Sool ka horumarin doonan baahiyaha aasaasiga ah sida: caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo Waddooyinka kuwaas oo ay horumarin doonan “Waxaanu doonayna in aanu dastuurka furano oo aynu wada dhisano Somaliland la wada leeyahay. Waxaanu doonayna in dawladda Waddani ee aynu rajaynayno 10 cisho kadib ay noqoto dawlad shacabku wada leeyahay oo ka turjunta dareenka dadweynaha,”sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu intaasi raaciyay in waxa ugu horeeya ee uu Laascaanood ka qaban doono noqonayso sidii magaaladu biyo macaan u heli lahayd, sidoo kalena uu qorshihiisa dhaw ku darayo dhismaha waddooyinka Laascaanood iyo Kala Baydh, Laascaanood iyo Taleex iyo Laascaanood ilaa Ceerigaabo kuwaas oo muhiim u ah horumarka dhaqaalaha iyo isu socodka gobolka.

 

Waxa uu sheegay in sannadkan ay dhaceen saddex kun oo arday kuwaas oo sababta riday ahayd tayo xumada waxbarashada sidaas awgeedna ay wax ka qabanayaan tayada tacliinta, sidoo kalena uu sixir bararka Somaliland guud ahaan aafeeyay wax ka qaban doono “Waxaan ku celinaya ballanqaadkii Ciidanka, waxaanu ciidamada u ballanqaadayna markii aanu aragnay duruufaha ay ku sugan yihiin iyaga iyo xaasaskooda in aanu mushaharka u kordhino 250%, waxaanu ballanqaadnay in aanu samayno xafiiska xaqsiinta ciidamada. Waxaanu ballanqaadnay in aanu askariga dhinta  ee maanta xuquuq la’aanta lagu ilaabo isaga oo shaqo ku dhintay in uu xuquuq yeesho. Waxaanu samayn doona unug nabadgalyada ilaaliya iyada oo ciidamada Qaranka shaqadoodu haysan doonan unuggaasna aanu u bixin doono Daraawiishta. Waxaanu dhammaystirayna heshiisyadii xukumaddu la gashay reer Sool ee qabyada ahaa ee ka mid ahaayeen heshiiskii Awr Boogays iyo Khaatumo,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

 

Guddoomiyaha Waddani waxa uu sheegay in Somaliland leedahay taariikh soo jireen ah oo aan ahayn tii ka bilaamata 1960 iyo bacda 1991 waxaanu ku dheeraaday halgankii gobanimo doonka ee Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo uu sheegay in taariikhdaasi reer Sool leeyihiin la qori doono si loo sameeyo taariikh guud oo Somaliland leedahay, islamarkaana aan da’ayarta loo akhriyi doonin taariikho gaar ah. Waxa uu ku dheeraaday in uu hoggaamin doono Somaliland la wada leeyahay oo ay Reer Sool xaq u leeyihiin kursiga Madaxweynaha, hoggaanka Baarlamaanka, Maxkamadda Sare iyo jagooyinka kale isaga oo soo qaatay in kursigiisii wakiillada ay hadda ku fadhiyaan reer Sool. Waxa uu sheegay in xukumadda Kulmiye iyo nidaamka cusub ee Muuse Biixi reer Sool u arkaan dad marti ku ah Somaliland oo kolba kursi looga kaco.