Araweelo News Network

Raila Odinga

Nairobi (ANN)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka Kenya ee ODM Mr. Raila Odinga, ayaa si adag uga digay in ku shubasho dhacdo codbixinta doorashada madaxtinimada ee dalkiisa ka dhacaysa Salaasada maanta.
Mr. Odinga oo wareysi siiyey telefishinka Aljazeera oo la Shaaciyay saacado Ka hor Intii aan Loo dareerin codbixinta, waxa uu sheegay in xisbigiisu diyaariyay qorshe uu kaga hortagayo in natiijada codbixinta doorashada la farageliyo, isagoo ku eedeeyey xisbiga tartanka adag ka dhexeeyo ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Uhura Kenyatta.
“Waxa ay rabaan xisbiga Jubilee in ay natiijada khiyaameeyaan. Ma jirto wax kale oo sameyn karaan, balse waan ku kalsoonahay in aan guul weyn ka gaadhayno doorashada Salaasada dhacaysa,” ayuu yidhi murrashaxa madaxweynaha iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.
Waxa uu intaas sii raaciyey, “Ma aqbaleyno isku day kasta oo lagu khiyaameynayo codadka shacabka reer Kenya, waxaanan aad iyo aad uga digayaa khataraha dhibaatooyin lagu hoobto oo ka dhasha in natiijada doorashada la carqaladeeyo.”
Madaxweyne Kenyatta oo khudbad ka jeedinayey meel fagaare ah horraantii toddobaadkan, ayaa beeniyey inay doonayaan in ay ku shubtaan doorashada ama khiyaamo sameeyaan, waxaannu ku eedeeyay mucaaradka inay doonayaan qorshe lagu dhiso dawlad wadajir ah.
“Mucaaradku waxa ay waqtigooda ugu badan ku lumiyaan shirar jaraa’id iyo la-dagaallanka Guddiga Doorashada, hadda ayeyse garowsdeen in ay guuldarro la kulmayaan oo doorashada lagaga horreeyo,” ayuu yidhi Uhura Kenyatta.
In ka badan 19 milyan oo qof ayaa isu diiwaangelisay in ay codkooda dhiibtaan doorashooyinka guud ee la filayo inay dalka Kenya ka dhacaan Salaasada berri ee taariikhduna tahay 8 August 2017.
Murrashax Raila Odinga oo hore ra’iisal-wasaare uga soo noqday Kenya, ayaa lagu wadaa in tartan xoog leh oo dhinaca madaxtinimada uu la galo doorashada berri madaxweynaha xilligan Mr. Uhuru Kenyatta oo hogaamiya xisbiga Jubilee, iyadoo sidoo kale walaac laga qabo in xaalado nabadgelyo-darro ah hadheeyaan doorashada Kenya.