Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)–Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefti culus oo uu hoggaaminayo oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  oo maanta gaadhay magaalada xarunta u ah Gobolka Awdal ee Boorama, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay halkaa.

Weftigan Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayo Musharax Cirro , ayaa socdaalkooda lagu tilmaamay inuu yahay mid la xidhiidhaa dar-dar-gelinta howlaha Xisbiga WADDANI , iyo munaasabado isa daba-joog ah oo uu Xisbigu ugu qabanayo magaalada Boorama siyaasiyiin, aqoon-yahan iyo hal-door kusoo biiraya Xisbiga.

Halkan Ka Daawo sida loo soo dhoweeyay murrashaxa WADDANI Iyo wefdigiisa.