Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeedada kulan uu maanta Madaxweynaha Somaliland la yeeshay xubno isugu jiray Salaadiin, Ganacsato iyo Culimo-awdiin.

Kulanka oo maanta ka qaybsoomay xarunta Madaxtooyada ayaa waxa laga wada hadlnay arrimaha geedi socodka doorashooyinka, Wasiirka Madaxtooyada oo kulankaasi khudbad ka jeediyey ayaa sidoo kalena ka hadlay sida ay xukuumad ahaan ugu diyaar garoobeen doorashooyinka waxaanu yidhi “ Ugu horayn waxaan jecelahay in aannu halkan ugu mahad-celino, madax-dhaqameedka kala duwan ee Salaadiinta leh, culimada iyo ganacsatada madashan fadhida, ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku soo marti-qaaday kulankan ajiibitaanka iyo ka soo qayb galka waannu idinku boggaadinaynaa, waana idiinka mahad-naqaynaa.”

Wasiir Xaashi oo ka hadlay ujeedada kulankaasi ayaa yidhi “ Ujeedada ugu weyn ee kulankan waxa uu salka ku haysaa waxa inooga hadhay doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland wakhti kooban oo maalo yar, inaynu isu dardaaran lahaano waa laga maarmaan, Madaxweynuhu wuxuu u arkay inay dan weyni ku jirto in aynnu u balanno hawlaha inala dariska ah, doorashooyinku maaha wax ummadda Somaliland ku cusub, waa wax khibrad iyo waayo aragnimo badan aynnu leenahay. Ummaddani waa ummad bisil oo qaran madax banaan ahayd muddo dhawr iyo labaatan sanadood ah, daruufo adag soo martay, waxay soo martay kala qayb sanaan, waxay soo martay maalmo qadhaadh, waxay soo martay xili meel walba wiil qori haystaa maamusho madax ka yahay oo uu ku tacadiyo xuquuqda muwaadiniinta kale, waxaa ina soo maray waxaynu kaga baxnay ILAAHAY ayaa ku galad leh, qadar EEBBE iyo inaga oo isku tashanay, dadaalkaas nabadda ee aynnu maanta hayno iyo tacabkaas maaha wax caqliyo dibadeed inoo soo waarideen, maaha wax beesha caalamku ay aduun ku bixisay, waa wax ka yimid caqligeena, maalkeena, muruqeena iyo maskaxdeena, waxa gundhig u ahaa Madax-dhaqameedka, ganacsatada, culimo-awdiinka iyo dadkii qaranka hoggaaminayey ee kala dambeeyey, waynu isku tashaynay waxbaynu noqonay.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa intaasi ku daray “ Madaxweynaha iyo kaaliyeyaashiisa hadaanu nahay anagu werwer ma qabno, Ummaddan noloshooda iyo nabadd-galyadooda werwer iyo dayro kama qabno maanta, umaddana cabsi galin mayno, balse waanu kalsooni galinaynaa, waxaannu far waaweyn ku dhigaynaa in ummaddan nabadgalyadeeda, xasiloonidooda iyo deganaanshahoodu ay mu’damin yihiin, oo ay tahay wax aan la taaban karin, umaddan waxa waajib ku ah inay dhinac uga soo wada jeedsato cid kasta oo qalalaase iyo kala qo’qob wada, doorashada waa la loolaymayaa, sadex xisbi ayaa loolamaya, muwaadiniinta Somaliland waxa ay xaq u leeyihiin in mid waliba uu u codeeyo halkii uu doorto ama dan bido.”

“ Murrashaxiintu waxa ay xaq u leeyihiin inay dadka cod waydiistaan, xaq uma laha inay dadka dhex-dhigaan colaad, cadaawad iyo ciil-qab, kala qaybin iyo wax la mid ah, doorashooyin ayaa la soo maray, najiitadana marka guddida garsoorka gacanta ku haysaa ay soo saarto nin waliba waa ku khasban yahay. Axmed Siilaanyo oo ah Madaxweynaha maanta amba baxayaa Sideetan cod ayuu kaga tagay 2003-dii, far waaweyna ayaa lagu dhigayaa xeer ayey ummaddan u tahay, musharraxiinta bedelaysa iyo hoggaamiyaha bedelaya, kuwa maanta tartamaya inuu ku jiro ka bedeli doona Ilaahay ogyahay, xeerkaas ayaa u yaala, waxa u yaala ninkii doorashadaas laga helaa inuu hambalyeeyo.”

Wasiirka Madaxtooyada oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi “ Xilku waa qayb-san yahay guddida garsooraysaa maaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaba laga yaabaa in anaga dhinac nala xisaabiyo, anaggu garsoor kama nihin, Axmed Siilaanyo iyo kaaliyeyaashiisu garsoor doorashada kama aha, doorashada waxa ka garsooraya guddida doorashooyinka qaranka, dhammaan waxa la xidhiidha oo dhan iyaga ayaa maamulaya, ammniga qaranka waxa maamula Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Komishanka doorashooyinka iyo cid kale midna ma maamulo. Madaxweynaha Qaranku ummadda waa hoggaamiyeheedii markuu maamulaya hawlaha qaranka Ummadda waa u dhex, si cadaalad iyo sinaan leh ayuu ku maamulayaa, far waaweyn ayaannu iyadana ku dhigaynaa, siyaasada markay noqoto dhex maaha dambina kama raaco, xaq sharci ayuu u leeyahay, xisbi ayuu oday u ahaa ee inuu taageero, laakiin laba shay mid walba dhex ayuu ka yahay maamulka ammaniga qaranka waa ka dhex dhinac u dheeliyi maayo, dhinacna ugu shaqayn maayo, ragga u shaqaynaya ee gacan yare-yaasha u ahna iskagama kaayo khaladana markaanu waxa ummadda hayno ee aannu dhexda nahay iyo markaanu dhinacaha nahay.”

“ Waxa saaka kulanka nuxurkiisu daaran yahay maadaama oo ay hadhay wakhti yar inaynu talo midaysan ka yeelano arrimahaas oo dhan in aynnu ka hor tagno wax kasta oo carqaladaynaya doorashada geedi socodkeeda, wax kasta oo umadddan khalkhal galinaya xasiloonida iyo deganaanshaha ay haystaan, doorashaduna waa tartan furan oo nadiif ah oo xalaal ah.”