Saed Ali Giir
Laascaanood(ANN)Alla ha u naxariistee Marxuum Siciid Cali Giir oo ahaa halgaamaa ka mid ahaa hadhaaga halyeeyadii Somaliland, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo mudooyinkii u danbeeyay uu ku noolaa.
Marxuumka ayaa taariikh weyn ku lahaa halagamadii kala duwanaa ee dalka oo uu door muhiim ah kasoo qaatay, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sida gaarka ah ay mustacmaradii Boqortooyadii Britain ugu soo tababartay Somaliland ka hor intii aanay xoriyadeeda siin 26 Jun 1960, isagoo marxuumku ka mdi ahaa dhawr iyo toban sarkaal oo si gaar ah loogu soo tababaray Jaamacada Culuunta Milateriga ee Sand Hurst (Royal Military Academy Sand Hurst).

Marxuum Siciid wuxuu qayb ka ahaa saraakiishii inqilaabkii fashilmay ee 1961-kii, wax yar kadib markii ay guuldaro u arkeen midnimadii Soomaaliya ee ay ku midoobeen Woqooyi iyo Koonfur, wuxuuna ka mid noqday saraakiishii iyo aqoonyahankii jabhadii SSDF, ee dhinaca dalka Ethiopia u talaabay markii uu dhamaaday dagaalkii labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
Sida ay shebekadda Araweelo News Network ku heshay xoggaha qayb yar oo ka mid ah taariikhda ballaadhan ee uu lahaa Marxuum Siciid Cali Giir, wuxuu markii danbe ka mid noqday dhaq-dhaqaaqii Ururkii SNM.
Marxuum Siciid Cali Giir oo ahaa saraakiisha aqoonta milateriga iyo hoggaaminta loo carbiyay (Military Academy), wuxuu ahaa aqoonyahan qoraa ah, wuxuuna kasoo qayb qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka, isagoo xili kooban xil ka qabtay dhawr iyo labaatankii sanadood ee ay jirtay Somaliland oo mar loo magcaabay Guddoomiyaha Wargeyska Dawlada ee Maandeeq ee hadda loo yaqaan DAWAN, xiligii xukuumaddii Daahir Rayale, balse wuxuu markiiba iska casilay xilkaa.

Marxuumka oo ahaa shaqsi dhawrsoon, wuxuu tan iyo markii dib loo xoreeyay dalka ku sugnaa magaalada Caasimada ee Hargeysa, mana uu ahayn dadka siyaasada ka dilaala iyo kuwa quuta midna, balse sannadii u danbeeyay xaaladiisa Caafimaad oo aan wanaagsanayn dhaq-dhaqaaqiisa ayaan lagu arag goobihii lagu arki jiray, iyadoo qarankii daryeeli ahaa shaqsiyaadka sidan oo kele aanay xukuumadda masuulka ah wax war ah ka ahayn, balse ku baraarugto geeridooda, kadibna dhanbaal tacsi ah ku sagootida, waxayna sida tibaaxo kala duwan oo aan ka helay dad ku dhow dhow sheegeen in sababta uu Laascaanood maalmihii u danbeeyay noloshiisa ugu boqoolay ay arrimahaasi sabab u noqdeen.kaddib markii mid ka mid ah qoyskiisu ku qanciyay inuu geeyo magaalada Laascaanood si xaaladiisa looga war hayo. Sidaana xaqii ugu yimi Marxuum Siciid Cali Giir oo ahaa halyey ka mid ahaa hadhaagii halyeeyadii naftooda iyo noloshooda usoo hibeeyay xoriyada iyo qaranimada Somaliland.

Dhanbaal kooban oo madaxtooyadda Somaliland kaga hadashay geerida Marxuum Siciid Cali Giir, waxa lagu yidhi sidan:- “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Siciid Cali Giir oo ku geeriyooday Laascaanood maanta oo taariikhdu tahay 31/08/2015.

Siciid Cali Giir waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyey ee qaybta ka ahaa ciidamada wakhtigii ay Somaliland qaadatay xoriyada 1960kii, isagoo ka mid ahaa 1961kii koox saraakiila oo ka qaybqaatay inqilaabkii fashilmay oo ay doonayeen saraakiishaasi in ay ku soo celiyaan midnimadii lagu hungoobay.

Marxuumka oo Xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, 1991kiina waxa uu ka mid ahaa hormuudadii kaalin muga leh ka qaatay sidii loo xaqiijin lahaa himiladii ahayd in qaranka dib loola soo noqdo oo ahayd wixii uu ku taamamayey 1961kii kana midho dhaliyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalka Madaxweynaha.

Muuqaalka Sawirka oo markhaati ka ah halgankii uu Somaliland ugu jiray iyo sidii naftiisa ugu soo huray, waxa laga qaaday sawirkaa Mujaahidiinta Siciid Xabashi iyo Nakruuma 33 sannadood ka hor marxuumka August 1982, isagoo ku lebisan dirayskii ururkii SNM, isla markaana astaantii ururkaasi ka muuqato koofiyada uu xidhanyahay kuna hubaysan qorigiisii iyo qalabkiisi kale.
Gebagebadii geerida Marxuum Siciid Cali Giir waxay ahayd murugo mid ka mid ah geesiyaashii iyo halgamayaashii qaranka ee la ilaaway, iyadoo aan taariikhu ilaabi doonin, wuxuuna ahaa hadhaagii halyeeyo baddan oo naftooda iyo noloshooda usoo huray qaranimada Somaliland, balse dhaqamada noocan ah waxay qaranka u horseeyadaan in aanu yeelan halyeeyo iyo halgamaa danbe marka ay jiilasha maanta iyo kuwa ka danbeeyaa arkaan sida aan loo marin milgihii iyo sharaftii ay lahaayeen kuwii noloshooda iyo naftoodaba usoo huray himilada halgan iyo hilitaanka qarimo taam ah.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews