calankaKulmiye

Araweelo News Network

Hàrgeysa(ANN)Musharixiinta doonaya inay ku tartamaan Shirka Gollaha Dhexe ee  xisbiga  ee loo asteeyay 10 November 2015, ayaa Ishaaray buuq siyaasadeed iyo kala qaybsanaan xisbiga kusoo Waajahan, kuwaas saluug ka muujiyay qorshaha hoggaanka xisbiga ee maalmihii u danbeeyay lagu wargeliyay inay xubnaha Gollaha Dhexe ee ku sugan Hàrgeysa maalinbta Sabtida ee 17 Oct, 2015, iska xaadiriyaan xarunta si loogu sameeyo Kaadhadhka shirka Gollaha Dhexe.

Hase yeeshee sadex ka mid ah Musharixiinta  u tartàmaya shirka gollaha dhexe ee lagu dooranayo musharaxa doorashada Madaxtooyadda ee la filayo inay qabsoonto 3 April 2017, uga qaybgelaya  xisbiga  KULMIYE.isla martkaana  isubahaystay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo haysta tageerada inta bàddan xubnaha golaha dhexe . kafib markii uu maalmihii u danbeeyay kulamo casuumadeed la lahaa deegamada ay kasoo kala jeedaan xubnaha golaha dexe , taas ooo cabsi ku abuurtay musharixinta doonaya inay shirka golaha dhexe kula loolaman Guddoomiyaha KULMIYE.

 

 

Saddexda Musharax ee kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa cabasho ay ka qabaan habka loo maamulayo qabanqaabada shirka Gollaha Dhexe u gudbiyay shalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Abdirahmaan Saylici, bàlse kulankaa kaddib  Maxamed Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ah xubnaha taabacsan murrashaxiintan, kuna hadlay afkooda xalay, ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan mawqifkooda la xidhiidha qabashada shirka golaha dhexe iyo waxyaabaha ay saluug san yihiin Sabtida berri, wuxuuna ku  dooday in shirku culays wayn leeyahay oo loo baahan yahay in si wayn looga wadatashado.

 

Xildhibaan Waabeeyo,  isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Shirkaasi culayskiisa ayuu leeyahay, maadaama uu ka soo baxayo Madaxweynihii mustaqbalka ee KULMIYE, markaa waa wax iska caadi ah shirku, in guddiga fulintu shirto oo golaha dhexe shiro, Mar walba waanu shirnaa, waxaanna laga hadlayaa sidii shirkaasi uu u hagaagi lahaa oo si hufan oo caddaalad ah ugu dhici lahaa, markaa waxaannu go’aansanay in la jilciyo sida shirka loo gelayo, waayo mustaqbalka KULMIYE wuxuu ku xidhan yahay habka loo maamulo shirkaa, ayaanu anniga iyo rag kaleba qabnaa.”

 

“waxaanu qabnaa in  shirkaa loo maamulo si caddaalad iyo waadix ah. Markaa xubno dhawr iyo soddon ah oo isugu jira guddiga fulinta iyo golaha dhexe ayaa halkan ku shirayey, waxaanna inta badan murrashaxiintu isla qaateen in aannu Sabtida qabanno shir wayn oo aannu kaga hadlayno arrimaha xisbiga, waxa kaloo aannu ka hadli doonaa wargelintii uu soo saaray Xoghayaha guud ee xisbigu ee uu yidhi Waabeeyo.

 

Xildhibaan Waabeeyo, Wuxuu sheegay in aan muran ka taagnayn Liiska Gollaha Dhexe ee waxa ay ka hadlayaan tahay arrin farsamo, isla martkaana Sabtida mawqifkooda si cad u shaacin doonaan.

 

Ma cadda jawaabta rasmiga ah ee Madaxweyne ku xigernku kaga jawaabay cabashada xubnahaa, bàlse waxa jira xogho sheegaya in Madaxweyne xigernku ku qanciyay in arrimahaa loo raacayo sharciga.

 

 

 

Arrintan isbahaysiga Sedexda Musharax iyo dhawaàqyada hordhaca ah ee kasoo baxaya ka hor intà aan là gaadfhin shirka Gollaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa muujiyay inuu xisbigu waajahayo loolan siyaasadeed oo muujinayay Kala Qaybsanaan aan loo baahnayn oo horseedikarta khilaaf xooggan oo ka culus khilaafyadii uu  hore  uga soo dabaashay, waxayna jawaabta ay bxiyaan Sabtida Musharixiinta is bahaysatay noqon doontaa mid wax baddan laga saadaaalin kàro.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380