faaraxgeedeele

 

 

 

 

 

 

Hargaysa (ANN ) Musuq-maasuq iyo maamulxumo, ayaa hadhaysay, isla markaana ku habsatay Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo saamayn ku yeelatay Malaayiin Dollar oo lacag mashaariic la doonayay in dalka lagu hormariyo, gaar ahaan dhinaca Beeraha iyo wax soosaarka.

Waxa xusid mudan in markii xisbiga talada haya ee kulmiye uu xilka lawareegay 2010kii waxay wasaarada beerahu ahayd wasaarada ugu mashaariicda badan waxana loo dajiyay hadafyo iyo mabaadii sal u ah siyaasada wasaarada kuwaasi oo ay sal u ahayd sidii wasaaradu ay uga shaqaynlahay in lagaadho himilada iskufilaanshaha cuntada dalka ,waxana ay la wareegeen xukuumada kulmiye barnaamijyo waxtarleh oo waliba deeqbixiyeyaashu lacagahooda ay la sugayeen xukuumada cusub, waxana kamid ahaa:-

• Mashruuca beerida bariiska dalka.

• Mashruuca durdur water shed,

• Mashruuca badabaadinta cuntada ,

• Mashruuca cagafyada iyo dib u soo celinta xaruntii onodka looyaqaanay.

• Mashruuca kala xadaynta beeraha.

• Mashruuca FFS (Farmer Field School).

Intaas waxa sii dheer oo uu wasiir faarax diiday in laga hirgaliyo dalka

• Mashruucii ladagaalanka ayaxa ee hore xaruntiisu u ahaan jiray Hargaysa oo bishii dhawayd lagu soo ansixiyay Malaayiin doolar magaalada Adis, sargaalkii keenay iyo xafiiskiisii Empres u laabay jagaafta oo ka joojiyay shaqadii dalka ay u hayeen iyo

• Mashruuca SDF(Somaliland Development Fund) oo walwal badani ka taaganyahay inuu sii shaqayn waayo cabadaha wasiirku ku hayo awgood.

Intaas oo mashruuc oo lacagtoodu diyaar ahayd oo ay mudo dheer ka soo shaqaynayeen madax badan oo isku soo badashay wasaarada ayaa nasiib wanaag waxa Wasiir Geedoole uu la kulmay lacagdiyaar ah oo aanu ogayn meel la isla soo maray, walaw uu ahaa wasiirka ugu nasiib badan ee uu magacaabo Madaxwayne Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo xiligaas.
Waxana la rumaysanyahay in mashaariicdaasi horumarineed ee soo maray wasaaradaasi intii xilka uu hayay wasiir Geedoole in ay ahaayeen kuwo hadii si wanaagsan loo maareeyo anficilahaa beeralayda dalkeena isla markaasina lagu gaadhi lahaa horumar xaga waxsoosaarka beeraha ee dalkeena iyo isku filaan taaba gal ah oo dal iyo dadba ku faani karaan waxana wasiir Faaraxna uu noqonlahaa wasiirka ugu sharafta iyo maamulka wanaagsan ee dalka soo mara.

Balse “lamood se noqon wayday” nasiibdarada dhacday waxaytahay iyada oo wasaaradiiba noqotay meesha ugu musuqmaasuq iyo maamulxun ee hayadaha qaranka taasi oo ay sababtay hogaan xumo, Khibrad xumo, iyo isaga iyo la taliyayaashiisa oo aan inaba aqoon iyo xirfad beereed midnaba lahayn.

maadaama oo aanu waligii xafiis maamulin oo shaqadiisu ahayd kaliya macalin iyo lacag aanu abid maqal oo layidhi maamul.
Tusaale ahaan waxa la ogyahay in wasaarada beeruhi ay bilawday 2010 kii mashruuc loogu talo galay in bariis lagu beero laguna maalgaliyay wajiga koowaad oo soconayay Sep 2010-ilaa Feb, 2011 looguna tala galay 2 Milyan, kaasi oo loo qorsheeyay qodaal ganacsi si looga maarmo bariiska faraha badan ee laga keeno badankiisa wadamada Aasiya , sida Thialand, ee shacabka reer Somaliland ay quutaan runtiina todobaadkasta dalka looga diro lacag malaayiin dollar oo bariis lagu soo badalo, waxa se nasiibdaro noqotay in masuuliyiinta wasaaradu in mashruucii muhimadaasi lahaa ay u maareeyaan si qaldan iyaga oo kaliya laba beerood oo ku kala yaala Berbera iyo Garbadadar ka sameeyaan tijaabo la xidhiidha in bariis laga beeri karo dalka taasi oo hore ba dawladii Somaliya u hubisay in xeebaha Somaliland laga soo saari karo bariis, waxana taasi ka sii darnayd markii ay madaxtooyada ku qabteen xaflad ay ku sheegeen in uu bariis dalka ka soobaxay ,kaasi oo madaxda dawladu ku casheeyeen,balse aan cidi xaqiijin in bariiskaasi uu ahaa waxsoosaar run ah, oo ka soo baxay beeraheena, dhamaan lacagtii loogu tala galay mashruucaa waxa loo maareeyay sifo qaldan waxaanay ku dhacdat jeeb shakhsi kaliya leeyahay, arimahaasi oo keenay in dawlada Sucuudiga oo iyadu maalgalisay wajigaa hore diyaarna ula ahayd malaayiin doolar oo bariis lagaga soo saarayo dalka hadii mashruucan sidii loogu talo galay loo fuliyo ay ka xumaadeen joojiyeena qaybtii labaad ee mashruuca waayo waxay arkeen in ujeedadii mashruuca la leexiyay.
Dhinaca kale waxa jirtay in mashruucii kala xadaynta beeraha ee uu kii Britishka ahaa ee Jonh Draystal ka wadi jiray gobolka Gebilay oo wakhtigii Rayale la hoosgeeyay wasaaarada beeraha JSL, isla markaana lagu amray deeqbixiyayaasha in lacagtii mashruucaasi lagu daro miisaaniyada wasaarada, ayna ku dareen 2.4 Milyan oo doolaar si ay barnaamijkaasi wasaaradu u maamusho ilaa iyo hada lama yaqaano halka uu ku danbeeyay waxana la tuhunsanyahay in masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradaasi leexsadeen lacagihii mashruuca qaybtiisii koowaad ay kala qaateen iyada oo aanay waxba fulin, illaa hadana lama arag xogbeereed la soo gudbiyay oo lagu qabtay lacagtaas, arintaasi waxa deeqbixiyeyaashii mashruucu ay ka biyo diideen habka wasaaradu samaysay kadibna waxa ay go aansadeen in ay gabi ahaanba joojiyaan lacagtii mashruuca maadaama oo mashruuca dhan ka bilaabmo kuna dhamaado kaliya Wasiir Faarax, looguna taag waayay warbixin iyo xisaabcelin toona.
Barnaamijyada kale ee la iswaydiinayo sida loo maamulay ayaa waxa ka mid ah cagafyo loogu talo galay in beeralayda dalka wax soo saar kooda lagu kobciyo, kuwaasi oo hayada FAO ugu deeqday wasaarada waxana ilo xog ogaal ahi oo ka cudurdaartay in la magacdhabo ay u xaqiijiyeen warbaahinta in ugu yaraan 10 cagaf lagu iibiyay suuqa madaw, oo la siiyay lacagdhan laba boqol oo ku oo Dollar (200,000) ilaa hada aan la ogayn halka ay martay, halka 10 kalena ay hada yihiin kuwo wasaaradu ay ka kirayso beeralayda Koonfurta Gabilay oo kaliya balse lacagta cagafyadaasi ee kiradu waxa ay ku dhacdaa jeebabka wasiirka, agaasimaha guud iyo la taliyaha wasiirka oo masuul uga ah cagafyada Mr. Ibraahhin Carab, waxa intaas sii dheer Katarabilar aad u wayn oo balayada qoda, beerahana xidha oo wasaaradu leedahay lacagteedu si gaar ah ugu dhacdo jeebka wasiirka beeraha, taasi oo ka mid ah musuqmaasuqa wasaaradaasi ee uu Madaxwayne Siranyo indhaha ka qarsanayso.

Iskadaa maamulka wasaarada beeruhu in ay wax qabtaane dhibaatada wasaarada beeruhu ay ku hayso dalka iyo dadka beeralayda ah waxa ka mid ah in ay cuna qabatayn ku soo rogtay goobihii neersariga ee laga beeri jiray geedwaynta iyo dhamaan abaqaalka ee ku yaalay Hargaysa, Arabsiya, Borama, Beer iyo Baki oo lagu beeri jiray khudaarta/geedaha ee dalka ku yaalay, kuwaas oo beeralaydu ka iibsanjirtay sida Liinta, Babayga, Canbalafka iyo wixii la mid ah, oo hay’adaha caawiya beeralayda ay goobahaas neersariga uga iibin jireen beeralayda danyarta ah una qaybin jiray, wax soosaar wadanka ka baxay oo wanaagsan lacagna soo galin jiray dalka si ay u korodho awooda dhaqaale ee beeralaydu, dhiiri galina u noqoto kuwo kale.

Balse hada qandaraasyadaa waxa la siiyay ururka beeralayda Kiiniya.

abaqaalo geedka Liinta ah oo wasaaradu ay ka keentay dalka Keynya 2010, 2013 iyo 2014 oo ay ahayd in baadhitaan lagu sameeyo oo la hubiyo dhibtiisa iyo wanaagiisa ay wasaaradu si indha la’aan ah ugu qaybiyeen beeralayda kadib markii la beerayna geedihii kale ee hore uga sii yaalay beerahaasi lagu beeray ay qalalaan, ama markasta midhaha daadshaan, sida uu noo sheegay mid ka mid ah beeralayda dhibku ka gaadhay abaqaalkaasi Cabdilaahi Faarax Boqore oo beerkuleh deegaanka Arabsiyo waxa uu yidhi . “Marka geedkaasi canbaha/liinta ah meel lagu joojiyo ee lagu beero geedihii liinta ahaa ee hareeraha ka xigay ee mudada badan aanu ku tabcaynay way qalalalaan oo way daataan, intaba waxa sii dheer hadhuudhka la qodo oo siidhkiisa wasaaradu bixiso xiliyada qaar in ay hal mar oo kaliya baxayaan oo marlabaad hadii aad beerto aanay baxayn siidhadhkan oo wasaaradu noo sheegto in ay ugu deeqayaan hadana markii dhibaatadaasi aanu wasaarada beeraha u gudbinay cabashooyinka arintaasi la xidhiidha si ay waxnoogala qabtaan masuuliyiinta wasaardu dheg nooma ay dhigin mana garanayno cid aanu kaga dacwoono Ayuu yidhi mudane Cabdilaahi.

Maaha dhibtaasi oo kaliya balse wax badan mushkuladaha beeralayda ee waliba ay wasaaradu abuurto kuwaasi oo ay kamidtahay siidhadhka ay keenaan oo intabadan nabaadguur kuhaya dalagyada taasina waxay sababtay in dhalinyaro fara badan oo beeralay ah in ay soogalaan magaalooyinka markay la qabsan waayaan magaalada way tahriibaan oo nin dhinta iyo nin nool ba leh halka qaarkood iyaga oo waalan wareega ama ku xidh xidhanyihiin goobaha waalida, waana ta sababtay in meelaha iclaashyadu kordhaan 80% afartii sano ee u danbaysay.
Sikastaba ha ahaatee wasiirka wasaaradan mr. Geedoole oo ka mid ah wasiirada ilaa iyo hada aan jagada wasiirnimo laga bedelin , waxa uu ka mid yahay wasiirada muqarabiinta ah ee madaxwaynaha aad ugu dhowdhow , waxana dadka naqdiya siyaasada Somliland ay u arkaan in sababaha u sahlay wasiirgeedoole in uu sameeyo musuqmaasuqan qaawan iyo maamul xumada isla mar ahaantaasina madaxwayne Siranyo uu bedaliwaayo ay tahay xidhiidhka gacal tooyo ee ka dhexeeya isaga iyo wasiirka madaxtooyada mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la sheego in gabadh ay xigto yihiin uu qabo Faarax Geedoole taasi oo fududaysay in uu ku nagaado wasaaradaasi oo madaxwayne Silaanyo indhaha ka qarsado arimihiisa, waxase muhiim ah in shacabku ay ku baraarugsanaadaan waxyaabaha noocaasi oo kale ah ee ay madaxdu samaynayaan oo bulshadu barato sidii ay ula xisaabtami lahaayeen xukuumada.

Dhamaan mashaariicda sare ku xusan iyo kuwo kale oo qarsoon waxaan mid mid isku dul taagi doonaa maqaaladeena danbe, oo si todobaadle ah aan idiinku soo gudbin doono.

Maxamed Xasan
dalkahooyo2@gmail.com