Araweelo News Network

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro)

Hargeysa (ANN)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii doorashada Madaxtooyada loogu qaban lahaa waqtiga loo muddeeyey oo ah 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Waxa kaloo Sheekh Aadan Siiro sheegay in kooxo gaar ah ay gacanta ku hayaan talada dalka Somaliland, isagoo ku taliyey in aan la qabyaaladayn xisbiyada qaranka.
“Xisbiyada yaan la reerayn, si aan khilaaf reereed inoogu iman. Dawladda waxaannu kula talinaynaa in la qabto doorashada, si uu u soo baxo Madaxweyne dadkan kala farsameeyaa, dhibaatada inna haysata waynu qarsanaynaa ee kooxo ayaa dalka xukuma, Wasaarad walba nin baa goostay, Waayo? Awooddii Madaxweyne-nimo ayaa innaga itaal-daraysay, markaa waa in Doorashada la dedejiyo ciddii doontaa ha soo baxdo’e, nabadgalyadeenaa ku xidhan, mustaqbalkeennaa ku xidhan, markaa Komishanka waxaannu ku dardaaraynaa waar wakhtigaa la qabtay yaanay Doorashadu ka dib dhicin,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo khudbad ka jeediyey salaadii ciidal-fidriga ee lagu tukaday garoonka Xawaadle ee caasimadda Hargeysa maalintii Axadda.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Ilaahay (SWT) wuxuu yidhi, ‘Anigaa naftayda ka xaaraantimeeyay dulmiga, ee ha is-dulmiyina.’ Maanta waad ogtihiin dhaqaalaha dalka inyar baa haysa, siyaasaddii inyar baa oodatay, dhulkii inyar baa oodatay, wax walba kooto ayay galeen, dulmigu halkuu marayo taariikhda ma iman. Hargeysa marka saddex loo qaybiy waxa soo ootay laba (oo aan waxba haysan), kooxina dollarka ayay karsadaan, kuwaasi oo iyagu ah kuwa hantida ummadda isticmaalaya baabuur baa lagu doonaa raashinkooda. Rasuulka CSW oo ummadda hoggaaminayey saddex bilood oo isku soo wareegtay gurigiisa dab lagama shidin, haddana marka uu ogaado qof jilicsan oo baahan, waxaan leeyahay waar dadkiina jilicsan u gargaara oo u gurmada.”
“Walaaleyaal, waad ogtihiin oo lixdan sannadood ayay dadkani lee-leelayeen, dagaalo badan oo siyaasi ah ayay soo galeen, dagaalo fool ka fool ah ayay soo galeen, innamo badan oo aynu jeclayn oo midhaheena ahaa ayaa ku indho beelay, ku lugo beelay, hooyooyin badan baa illaa maanta ooyaya. Walaalayaal, sababtii loo soo halgamay ee loo dumiyey Magaalooyinka Somaliland oo dhan ma ahayn in kooxi noolaato. Halgankaasi wuxuu ahaa halgan ummadeed oo dadku doonayeen inay xornimo ku helaan, laakiin koox ayaa ka faa’iideysatay, kuwaasi waa kuwa aynu ognahay ee qaarkood maanta xajka jooga, ee u baxay Cumrada, iyadoo aynu leenahay sida la idiinka aqbalaa way adag-tahay. Nebigu (CSW) isagoo sheekaynaya wuxuu xusay nin safar dheer ku jira oo boodhaysan, oo gacmaha cirka u taagay (isagoo Ilaahay baryaya), laakiin wuxuu cunay xaaraan, wuxuu xidhan yahay waa xaaraan, waxa lagu soo koriyeyna waa xaaraan, Rasuulku wuxuu yidhi kaasi sidee looga aqbalayaa ducada?
Waxa kaloo sheekh Aadan Siiro ka xog-warramay musuqmaasuq baahsan oo Somaliland ka dhacay, waxaannu yidhi; “Musuqmaasuqa iyo hanti-boobka saacado kooban ka dhacay Somaliland, kama dhicin Dawladdii aynu la dagaalanay (ee Siyaad Barre). Nin ka mid ah dadka reer Somaliland ee aqoonta leh oo u (war hayey) Dawladdii aynu la dagaalanay, wuxuu ii sheegay in nin ka mid ah shantii nin ee ugu awoodda badnaa dawladdaasi oo Wasaarad laga beddelay uu baryeyay saddex kun oo doollar oo deyn ah in la siiyo. Laakiin waa maanta jira (Somaliland) niman kooxo ah oo isku xidhan, oo marka qandaraas la bixinayo wax isku og, ee marka imtixaanka (shaqada loo gelo) laga qaadayo ardaydii dedaashay ee Jaamacadaha muddada dheer fadhiday natiijada imtixaanka wax ka beddela, imika waxa Internet-ka ku jira qofkii u soo baxay shaqada oo toos qof kale loogu beddelay, waa kooxahaa waxaa sameeya.”
Sheekha ayaa tilmaamay in la iskala xisaabtami doono hantida ummadda ee uu xusay in la boobay, waxaannu yidhi; “Kun guri oo shacabka ah (xaafadda Shacabka Hargeysa) haddaad qaadato, kun deyr haddaad samaysato, ma shaqaynayso, Waayo? waxa iman doonto maalin Ilaahay keeno Dawladdii u fikiraysay ummadda oo dib loo xisaabtami doono, ama daaro dhaadheer ka dhiso (waal la xisaabtami). Dawladdii aynu la dagaalanay waxay Hargeysa badhtankeeda kaga tagtay 15km oo dhul ah oo ummaddu lahayd, waynu ku kala tagnay, iskuulka ay dhiganayeen 1400 ee hablood ayaa cid gaar ahi qaadatay. “
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tagay Sicir-bararka lacagta dollarka, waxaannu yidhi; “Sicir-bararka, dawladdii ay beddashay Dawladdani Miisaaniyaddeedu waxay ahayd $48 milyan, Maamulkaa aynu qaabka khaldan u beddelnay boqolka doollar waxay ku haysay 650,000 kun shilin, taasi waxay keentay in wakhtigaa askariga furinta jooga ee tobanka carruurta ah leh ay wax u tarto shanta boqol ee uu mushaharka u qaato. Aqoontayada iyo aqoonta dadka khibradda u leh (dhaqaalaha) markii la isku wada geeyay sicir-bararka maamulkaa (dawladda) ka dambeeya, Waayo? Daabacaaddii lacagta ee dawladdii hore boqol-laab bay soo daabaceen, ha soo daabacaan ee ma haynayaan, ee qof baa loo qorayaa laba bilyan, iyagoo og inuu doollar ka dhiganayo, haddana way soo daabacayaan, iyadoo sababtuna tahay baahidii ay iyagu lahaayeen.”
Sheekh Aadan Siiro, waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in lacagta bishii ka soo baxda Dekedda Berbera si gaar ah loo maamusho, “Waxa kale oo sicir-bararka keenaya DP World, Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera lagu wareejiyey waxa bishii kaaga soo xerooda saddex milyan (doollar), lacagtaasi way wareegi lahayd, laakiin saddexdaa milyan toos baa loo qaadaa oo Dubai baa lagu shubaa, nidaamka lacagtaasi u shaqeynaysaa maaha nidaam sharciya oo dastuurkeenna waafaqsan, waa nidaam ay ingaar ahi isku ogyihiin,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray.