Araweelo News Network

Muuqaalka sawirkan oo la qaaday 7 bilood ka hor ,ayaa muujinaya sida degdeg ah ee uu isu bedelay maamulka Madaxwayne Donald Trump.

Washington(ANN) – Muuqaalka Sawirkan oo la qaaday 28 January 2017, ayaa muujinaya Madaxwayne Trump oo fadhiya,  islamarkana ay hareeraha ka  joogaan madaxda Aqalka cad, wuxuuna Madaxweyne Trump ku hadlayaa taleefoon uu ka helay Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin, kaas oo Mr. Putin ugu hambalyaynayay guushii doorashada ka dib markii xilka loo dhaariyay Trump.

Madaxwayne Donald Trump, waxa uu xilka hayaa muddo aan gaadhayn 7 bilood, waxaana mudadaa iska casilay, ama xilka laga caydhiyay saraakiil badan oo qaarkood ahaayeen rukunada ugu muhiimsan ee guusha doorashadiisa iyo siyaasadauu kursiga ku fuulay.

 

Jimcihii todobaadkan Mr. Steve Bannon ayaa noqday qofkii ugu danbeeyay ee shaqada laga eryay, kaas oo ku biiray liiska sii kordhaya ee saraakiisha Aqalka cad ee shaqada ka tagay dhawrkii bilood ee Madaxweyne  Donald Trump xilka hayay, iyadoo arrimahaa ay dheer yihiin cadaadis dhinacyo badan ka soo waajahaya oo kaga imanaya gudaha iyo dibada iyo kacdoono ka socda qaybo ka mid ah gobolada dalka,  balse wali waa Madaxwaynaha Maraykanka  Donald Trump .

 

Qorasha siyaasadiisa, ayaa u muuqda mid aan caggo adag ku taagnayn oo ay hadheeyeen  baadhitaanka ku socda ee ku waajahan xidhiidha  uu la leeyahay Ruushka,  sidoo kale wax aka mid ah dhibaatooyinka hadheeyay siyaasadiisa, iyadoo aanay wali u suuragalin,  islamarkana uu caqabad kala kulmay inuu meesha ka saaro caymiska caafimaadka ee Obamacare iyo xayiraada  dhanka safarada ah ee uu soo rogay qaar badan oo dalalka Islaamka ah.

Madaxweyne Trump, waxa uu sidoo kale canbaarayn kala kulmay madaxda sarsare ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Democratic, waxaana si gaar ah loogu dhaliilay jawaabtii uu ka bixiyay dhacdooyiinka dadka caddaanka ah ee ay cunsuriyada madax martay ka gaysteen magaalada Charlottesville iyo meelo kale.

Read More:  Halkan ka Akhri Saraakiisha shaqada Aqalka cad laga eryay iyo kuwa is casilay muddo aan ka badnayn Lix Bilood oo Madaxweyne Trump xukunka hayay.