Muuqaalka Soo dhowayntii Madaxweynaha 19 Oct 2015 Madaarka Hargeysa

Muuqaalka Soo dhowayntii Madaxweynaha 19 Oct 2015 Madaarka Hargeysa

Araweelo News Network
Warbixin: By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa Wasiiradda iyo Marwadiisa, ayaa maanta kasoo degey Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport. Kadib markii uu kasoo laabtay booqasho uu dalka Ireland ku maqnaa oo qaadatay dhawr todobaad, isla markaana kusoo maray Dalka Britain ee cariga Ingiriiska.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Warancade oo salaan kadib weedho is weydaarsanaya,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Warancade oo salaan kadib weedho is weydaarsanaya,Madaarka Hargeysa 19 Oct, 2015.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa madaarka Hargeysa kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, shirgudoonka Baarlamaanka ee Wakiiladda iyo Guurtida, Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, Masuuliyiinta Xukuumaddiisa iyo dad weyne baddan.

Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Kulmiye Guddoomiye Xigeenka Wakiilada, Xildhibaan Talyanle, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale soo dhowayntii Madaxweynaha Madaarka Hargeysa 19 Oct, 2015

Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Kulmiye Guddoomiye Xigeenka Wakiilada, Xildhibaan Talyanle, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale soo dhowayntii Madaxweynaha Madaarka Hargeysa 19 Oct, 2015

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu dalka kusoo laabtay, iyadoo ay saaxada siyaasada ee Xisbiga KULMIYE, ka aloosantahay xiisad ka dhalatay loolanka adage ee loogu jiro tartanka musharaxnimada Madaxweynaha ka danbeeya ee la doonayo inuu xisbiga KULMIYE, uga qaybgalo tartanka doorashada Madaxweynaha marka la gaadho doorashooyinka loo asteeyay 3 April 2017, iyadoo musharaxa xisbiga u metelaya lagu dooranayo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, oo loo asteeyay inuu qabsoomo 10 November 2015, mudadaa oo ay inaga xigaan wax ka yar saddex todobaad.

Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE

Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE soo dhowayntii Madaxweynaha 19 Oct, 2015, Madaarka Hargeysa

Diyaargarawga shirka golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa abuuray loolan xooggan oo laga dareemayay maalmihii u danbeeyay magaalada Hargeysa, kaas oo la xidhiidha tartan musharixiinta doonaya inay u tartamaan musharaxa Madaxweynaha ka dhex abuuray xiisad kulul oo sababtay in ciidamada Amaanka laysu adeegsado, iyadoo loolanka ugu kulul u dhexeeyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ay isu xulufaysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Bixii Yoonis, wasiirkii hore ee Maliyadda Cabdiciis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe, kuwaas oo iyagu saluug ka muujiyay qaabka loo maamulayo shirka golaha dhexe ee lagu dooranayo musharaxa Madaxweynaha ee doorashooyinka soo socda u metelaya Xisbiga KULMIYE.
Xukuumadda iyo Xisbiga, ayaa ku kala qaybsamay loolanka maalmihii u danbeeyay, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo mudadii Madaxweynuhu ka maqnaa dalka sii hayay xilka Madaxweynaha qayb ka noqday loolanka, isla markaana dhinaciisa shaaciyay inuu yahay musharax qayb ka ah tartankaa, taas oo sababtay in isaga iyo xubnaha golaha Wasiirada, qayb ka mid ah hoggaanka iyo Wasiirkii hore ee Maaliyaddu ku canbaareeyaan inuu la saftay dhinaca Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi ee tartanku ka dhexeeyo. Kadib markii kulan ay doonayeen inay ku qabtaan Huteelka Mansoor lagu amray in aan la qaban, iyadoo lagu dalbay Ciidamada amaanka, balse Xubnaha musharixiinta is bahaystay iyo Wasiiraddu u wareejiyeen kulankooda Huteel Guuleed.
Dhacdooyinkaa, ayaa muujiyay in loolanka xisbiga Kulmiye kusoo waajahan ee shirka golaha dhexe abuuri karo khilaaf hore u huursanaa oo marar baddan kusoo noq-noqday xisbiga Kulmiye, balse xiligan shirka golaha dhexe ee qabashadiisu fooda inagu soo hayso daaha ka fayday.

 

Madaarka soo dhowayntii Madaxweynaha loolankii

Muuse Biixi oo salaamaya musharaxa tartanku ka dhexeeyo Maxamed Bixii munaasibadii lagu soo dhowynayay Madaxweynaha Somaliland 19 Oct 2015 Madaarka Hargeysa

Loolanka musharaxiinta, waxa saamayn ku leh jawaabta weli ku laalan dhinaca Madaxweyne Siilaanyo oo aan weli cadayn inuu yahay musharax u taagan doorashada danbe iyo inuu ka hadhayo oo uu qorshaystay inuu cid kale dhiso, taas oo aan weli si dhab ah loo ogayn, isla markaana oo inta baddan la socday dhacdooyinkii dalka ka socday ee loolanka musharixiinta xukuumaddiisa iyo xisbigiisa, ayaan soo hadal qaadin markii uu maanta kasoo degey madaarka Hargesa, wuxuuna su’aasha keliya ee saxaafada loo ogolaaday oo noqotay mawqifkiisa musharxnimada iyo inuu ka hadhay si dublamaasi ah ugu jaaabay inuu ka hadlayo marka la gaadho oo aanu hadda arrintaa jawaab ka bixinayn, balse wuxuu xusay in Xisbiga KULMIYE, aanu cidna u xidhnayn ee uu yahay Xisbi dumuqraadi ah oo si dumuqraadi ah loogu tartamayo, sidaa awgeed loo bahanayahay in la ilaaliyo shuruucda xisbiga, taas oo u muuqatay jawaabta xiligan laga filayay inuu ka bixiyo Su’aashaa,

Munaasibada lagu soo dhowaynayay Madaxweynaha, ayaa laga arkayay muuqaal ahaan mid uu ka muuqdo loolanka u dhexeeya musharaxiinta KULMIYE iyo xukuumaddiisa, marka laga reebo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo aan ka muuqan, taas oo koox walba doonaysay inay isku muujiso soo dhowaynta Madaxweynaha iyo inuu Madaxweynuhu arko koox walba cududooda, ama miisaankooda, kuwaas oo u wada socday sidii ay isaga soo horjeedeen, waxaana mararka qaar mudadii lagu jiray soo dhowaynta Madaxweynaha muuqanayay ismaqiiq koox walba doonayso inay muuqaalkeeda ku muujiso, isla markaana humaaggooda iyo higilkooda aan laga hormarin.
Hase yeeshee Guddoomiye Muuse Biixi oo ah Musharaxa ay isu bahaysteen musharxiinta kale ee saaxiibadii, ayaa la arkayay salaan ugu tegey safka ay kooxda kasoo horjeedaa joogeen, wuxuuna salaam gacanqaad ah la maray madashii ay taagnaayeen Musharaxa ay sida weyn u loolamayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo xulufadiisa, kuwaas oo dabcan ereyo kaftan ah uu ku tuuray, waxaana la arkayay Guddoomiye Muuse Biixi oo salaanta kadib ay gaar isugu dhoola cadaynayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ah musharaxa labaad ee loolanka weyni ka dhexeeyo.

Sidoo kale waxa muuqaalkooda la arkayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Warancade oo salaan kadib weedho is weydaarsanaya, kuwaas oo loolanka siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE, maalmhii u danbeeyay kala riixay, balse fursada maanta ee munaasibada soo dhowaynta Madaxweyne Siilaanyo isu keentay.

Si kastaba ha ahaatee munaasibada lagu soo dhowaynayay Madaxweyne Siilaanyo maanta ee madaarka Hargeysa, ayaa u muuqatay mid si dhab ah uga bixinay sawir loolanka xisbiga KULMIYE iyo xiisada u dhaxaysa musharixiinta, balse uma muuqan mid wax ka bedelay xiisada loolanka dhinacyada ku hirdamaya shirka golaha dhexe ee xisbiga oo maalmo ka yar saddex todobaad inaga xigaan, isla markaana aamuska arrrinta loolanka ee Madaxweynaha iyo jawaabta uu ka bixiyay musharxnimadiisa, ayaa ah hal-xidhaale siyaasadeed oo aanay musharixiintu fur-furi karin, balse go’aanka iyo mawqifka Madaxweyne Siilaanyo oo ah Odaygii iyo aasaasihii xisbiga ayaa wax baddan ku laalan yihiin.
“sidaynu ka war hayno waxaa fooda inagu soo haya doorashooyinkii, haddana waxaa taagan shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Sida dalka lagu yaqaano, wadanku waa dimuqraadi, xisbigana waxaa loogu tartami doonaa si dimuqraadi ah oo loo siman yahay. Waxaan xisbiga iyo dawladdaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada qarannimada, wada jirka iyo anshaxa suuban ee tartanka dimuqraadiga ah iyadoo la dhawrayo xeerarka xisbiga Kulmiye u yaala. Waxaan guud ahaan dadka kula dardaarmayaa ilaalinta nabada iyo wada jirka,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

inkasta oo weedhihii Madaxweynaha ee maanta u baddnaayeen kuwo ay ku baddantahay weedhao dar-daaran oo ku waajahan Xukuumaddisa, Xisbigiisa iyo Bulshadaba, isla markaana loo fasriran karo in aanu ahayn musharax qayb ka ah tartanka, balse waxay wax baddan kala caddaanayaan maalmaha iyo saacaddaha soo socda tallabada u horaysa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo mawqifka uu ka qaato arrimahan oo haddii ay sidaa ku guda gaalan mudada gaaban ee ka hadhay shirka golaha dhexe khatar ku ah mustaqbalka siyaasadeed Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay.
Warbixin: By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380