maalinta qashinka madaxweyne silaanyoHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta shacbiga Somaliland kala qaybgalay maalinta nadaafada Somaliland oo hore Madaxweynuhu ugu asteeyey 7 April in dalka oo dhan guud ahaanba laga hirgeliyo, laguna nadiifiyo.

madaxweynesilanyo iyo maalinta qashinka

Dhamaan waxa saaka subaxnimadii hore laga hirgeliyey olole nadaafadeed oo aad u balaadhan kaasi oo ay ka qaybqaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL, Wasaaradda Dalka, dawlada hoose ee Hargeysa iyo shacbi weynaha Somaliland ee ku dhaqan Caasimada Somaliland ee hargeysa.

maalinta qashinka iyo madaxweyne silanyo

Madaxweynaha oo hogaaminaayey shacbiga iyo waaxaha kala duwan ee wasaaradaha dalka waxa uukormeer guud iyo mid shaqo oo uu gacmihiisa ku fuliyey madaxweynuhu ku soo maray shan degmo oo ka mida degmooyinka caasimada kuwa ugu muhiimsan oo ayka mid ahayd Degmada Axmed dhagax, Degmada Maxamuud Haybe, Degmada gacan libaax, degmada 26-ka Juun iyo degmada Ibraahim Koodbuur.

ololaha qashinkmadaxweynaha oo ka hadlaya

Ololaha qshinkaOlolaha qshinkaOlolaha qshinka

Madaxweynaha oo shacbiga la hadlayna waxa uu yidhi, ” Maanta waxaa weeye maalintii nadaafada waxaynu u tashanay qaran ahaan inaynu maanta u qoondayno maalinta nadaafada oo aynu kuligeen ka wada qeyb galno, sidii dalkan iyo dadkan nadaafadiisa aynu kor ugu qaadi lahayn, Magaalooyinkeena iyo wadooyinkeena weyn oo dhan, Ololahan nadaafaduna waa mid alnaafatu minal iimaan,

aad iyo aad bay muhiim inoogu tahay saxada dadka nadaafada iyo quruxda magaalooyinkeena, waxweyn bay ugu fadhidaa inaynu dad ahaan dawlad ahaan iyo shacbi ahaan iska kaashano in aynu nadaafada aad iyo aad kor ugu qaadno taasoo aan ka socon gobolkan oo keliya ee ay ka socota dalkoo dhan maanta insha allaahu tacaalaa illaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo taana aynu marwalba meel uga soo wada jeesano”

Waxa xusid mudan oo qayb libaax ka ciyaartay ololaha nadaafada dawlada hoose ee Hargeysa oo uu hormuud ka ahaa maayar ku xigeenka Caasimada ahna ku simaha Maayarka caasimada oo ay wehelinayaan xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada iyo shaqaale weynaha dawlada hoose oo aan iyagu u kala hadhin maanta ololahan balaadhan.maalinta qashinka madaxweyne silaanyo

Sidoo kale waxa iyana si weyn uga dhex muuqday ololahan Wasaaradaha Dalka oo ay hogaaminayeen Wasiirada xukuumadda iyo saraakiisha kale ee Hay’addaha dawlada, waxaana dhamaan gobolada dalka saaka laga sameeyay ololaha nadiifinta oo ay gobolada kale masuuliyiintu kala qaybgashay bilshada.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markaa ka dib ku laabtay qasriga Madaxtooyada isaga oo u mahadnaqay shacbiga Somaliland meel ay joogaanba intii maanta ku hawlanayd nadaafada dalka iyo saxaafadii sida qiimaha badan saaka subaxnimadii uga hawlgashay inay baahiyaan soona tebiyaan ololaha nadaafada ee dalak laga hirgeliyey waxaanu markii uu madaxweynuhu soo gaadhay qasriga madaxtooyada uu sawiro la galay guud ahaan intii la socotay saxaafada ee ku hawlanayd shaqadan qiimaha badan.
Halkan Ka Daawo Madaxweyne Siilaanyo Oo shacbiga kala qaybgalay Ololaha Nadaafada Riix.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews