Djibouti(ANN)-Warar kala duwan iyo muuqaalo laga soo duubay duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ku jira Xabsiga ayaa bixinaya jawaabo kala duwan oo iftiiminaya xaaladda uu ku suganyahay Fu’aad, kadib markii xalay laga baahiyay Telefishanka Dawladda ee RTD, muuqaal la sheegay in xabsiga lagaga soo duubay maxbuuskaa.

Balse waxa soo baxay mar kale muuqaal uu ka muuqdo maxbuusku oo uu kaga hadlayo xaaladda, isla markaana ugu baaqayo Bulshada in ay fadhiga ka kacaan oo mudaharaadaan.

Hase yeeshee Qareenka u doodaya duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa si weyn u dhaleeceeyay muuqaalka laga baahiyay Telefishanka RTD, wuxuuna sheegay in lagu tuntay xuquuqda Aadamaha ee dastuuriga ah ee maxbuuskaa.

Telefishiinka Qaranka Djibouti ee RTD, ayaa laga baahiyay muuqaal muujinaya xubno ka socda guddiga xaquuqul Insaanka dalkaasi oo xabsiga ku booqday, isla markaana waraysanaya duuliye Fu’aad Yuusuf Cali.
Maxbuuska, ayuu ku sheegay muuqaalka in aan xabsiga wax dhibaato ah loogu geysan, iyadoo hore loogu shaaciyay baraha bulshada muuqaalka sida weyn looga cadhooday ee uu Fu’aad kaga hadlayay xaaladda xabsiga uu ku jiro iyo sida loola macaamilay, balse muuqaalka laga baahiyay RTD, oo ka duwanaa muuqaalkii sida weyn uga cadhaysiiyay dadka ee sababay mudaharaadyada, ayuu qareenka Fu;aad ku tilmaamay mid gef iyo meel ka dhac ah.

“Xabsiga marka la i geeyey go’ yar ayaa la i siiyey intaan xabsiga ku jirayna lugaha ayaa i googo’ay, waadna arki kareysaan waxaan u baahanahay dhakhtar maqaar oo jidhkeyga eega, la ilama hadlin, reerkeyga inaan la hadlo la iima ooggoleyn oo aan u sheego Gabood baan ku jiraa oo dadkeyga waa i doondoonayaan, taleefan waa la ii diiday”, ayuu ku yiri muuqaalka, isagoo sheegay in aan wax jidh-dil ah loo geysan.

Balse Garyaqaan Zakariye Cabdullaahi oo waraysi uu siiyay Idaacada BBC, kaga hadlay arrinta maxbuuska iyo muuqaalka laga baahiyay Telefishanka RTD, ayaa yidhi, “Ninkaa sharci darrada ku xidhan ayaa si sharci darra ah telefishiinka ay dowladdu leedahay uga yirahdeen waxa ay doonaan, ama hadallada ay u dul dhigeen,” ayuu yidhi.

“Weligeed nin xabsi ku jira oo ay warbaahin wareysato lama arag, qolooyinka xuquuqal insaanka inay tagaan oo ay wax ka qoraan way jiri kartaa – oo qoraal la sameeyo oo la yidhaahdo ‘jeelka sidaasaan ku aragnay’, dadka dhibaatada haysata waa taa iyo in xaaladda guud looga warramo.” Ayuu yidhi qareenku.

Sidoo kale Zakariya ayaa yidhi, “Meeshan dowladdaa iska xukunta, iyakaa sideey doonaan wax ka yeela, iyagaa sharciga dariiqey doonaan mariya waxaas oo dhan waa wax sharci darra ah oo qareenkiisa aannay u sheegin kuwa sheeganaya inay u shaqeeyaan xuquuqul insaanka dowladda, kuwi la socday iyo RTD Djiboutii, sharci darro ayay sameeyeen, waxaanu odhan ayay sheegeen, waxay doonaan ayay sameeyeen uma ay sheegin xaaskisi iyo qareenkiisi,” ayuu ydhi, garyaqaan Zakariye Cabdullaahi.

Waxa kale oo Qareenka Fu’aad sheegay in dowladda aannay weli geynin Cusbitaal si xaaladdiisa caafimaad loo eego maxbuuska, “Maanta aad muuqaalka ka arkayseen jidhkiisa dhibaatada ka muuqata marka dowladda Djibouti, halkii ay RTD iyo kuwan xuquuqda aadanaha sheeganaya ay u geyn lahayd ninkan ha iska sii daayaan,” ayuu yidhi.

AKHRI: Hay’ad Xuquuqda Aadamaha Ah Oo Xukuumadda Djibouti Ku Canbaaraysay Xadhig Iyo Tacadi Ay Sheegeen Inay Ku Kacday

“Waxyaabaha cajiibka ah ee ay dowladda samaynayso ayay ku tusaysaa; ‘anigu waxaan doonaan sameeynayaa markaan doonaan u tagayaa,’ tan kale xubnahan sheeganaya inay u shaqeeyaan iney xuquuql insaanka dowladda u shaqeeynayaan ee mushaarrada ka qaata markay booqanayaan inay ila hadlaan ayay ahayd.”

“Hadday u tageenna waxay ahayd iney wareystaan oo ay sameeyaan qoraal ay meeshaa kaga hadli karaan, laakiin waxa la geeyay RTD oo dowladdaa leedahay, qoladan dowladda ayay u shaqeeyaan, ninkana wuxuu rabin baa laga yeedhsiiyay oo la yidhi sheeg,” ayuu yirdhi, qareenka u doodaya Fu’aad.

Dhinaca kale, waxa la baahiyay muuqaal kale oo Fu’aad ku baaqayo in ay dadku kacaan oo aannay biqin, waxaana muuqaaalka oo lagu baahiyay baraha bulshada uu ku muujinayaa sida xaalkiisu yahay, isagoo leh “Waar kaca oo soo baxa, ha biqina.”.