Dubai (ANN)-Madaxweynihii dhowaan xilka Wareejiyay Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Imaraadka Carabta ayaa sheegay in ay Magaalada Dubai ku kulmeen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.
Lama ogga Arrimaha dhabta ah ee kulanka labada Madaxweyne ee xukunka Somaliland soo maray iyo waxa isku soo beegay, iyadoo Madaxweyne hore maalmo ka hor ka dhoofay dalka, isla markaana safarkiisa uu sababay tacshiirado rasaas ah oo ka dhacay Madaarka xilligii uu ka dhoofayay.
Sidoo kale, Madaxweyne hore Daahir Rayaale Kaahin ayaa degan dalka Faransiiska. Sidaa awgeed lama ogga in labada hoggaamiye si lama filaan ah ugu kulmeen Dubai iyo inay ku balansanaayeen oo kulankooda Dubia hore uguu qorshaysnaa.
Haseyeeshee Madaxweyne Biixi ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban iyo sawiro muujinaya kulanka
Ujeeddada kulanka ayuu dhankiisa sheegay inay Madaxweyne Daahir Rayaale ka wada hadleen xaaladda dalka.
“Waxaan maanta kulan gaar ah ku wada yeelanay magaalada Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii 3aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Waxaanu iska xog-waraysanay xaaladaha kala duwan ee dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland.” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv





