Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Fri, Oct 9th, 2015

Muuse Biixi Oo Fariin U Diray Musharaxiinta Ku Loollamaya Musharaxa KULMIYE Ee Doorashada Madaxweynaha

muse biixi
Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin baaq ah u diray murrashaxiinta jagada madaxweyninimo tartanka ugu jira ee ka qaybgalaya shirka Golaha Dhexe ee xisbigaas oo la qorsheeyey inuu qabsoomo 10 November 2015., kaas oo lagu dooranayo Musharixiinta uga qaybgelaya tartanka doorashada Madaxtooyadda ee loo qorsheeyay 3 April 2017.
Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu hadalkaa ka jeediyey xaflad qado-sharaf ah oo ka dhacday Hargeysa shalay, laguna muujiyey taageerada murrashaxnimadiisa, taas oo ay taageero ugu muujiyeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Xubno ka mid ah golaha dhexe oo kasoo jeeda Galbeedka Magaalada Burco.

Mr. Bixii,waxa uu ka hadlay tartanka murrashaxnimada KULMIYE iyo saamaynta uu yeelan karo, isagoo kula dardaarmay kaadirka xisbiga inay midaysnaadaan oo aanay ku kala tagin xamaasadda dimuqraadiga ah ee caadada u ah reer KULMIYE.
“Shacabka Somaliland inuu KULMIYE oo keliya eeganayo waxaad ku garataa maanta dalka oo dhan Laas-qoray ilaa Saylac wuxuu hadal hayaa shirka golaha dhexe ee KULMIYE, xisbi kalena lama hadal hayo. Sidaa darteed, sidii caadada inoo ahaan jirtay dhammaanteen waxa innagu waajib ah xisbigu inuu tartamo oo qof kastoo golaha dhexe ahi xaq buu u leeyahay inuu tartamo, laakiin waa inuu noqdaa tartan nadiif ah, inteena iminka is raacsan waxaan farayaa inay ka ilaaliyaan wax xanaf ah tartankaa dhexdiisa, waa KULMIYE ee tartanku waa in aannu keenin xanaf ee waa in aynu isu soo hillowno, waa inuu tartanku ku dhammaado innagoo isku mid ah oo isjecel oo kaftamayna, taasina innaga ayey masuuliyaddu ina saaran tahay oo bilaabayna,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu caddeeyey inay soo dhawaynayaan murrashaxiinta kale ee loolanka ugu jira jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, waxaannu yidhi; “Ragga inala tartamaya waynnu soo dhawaynaynaa oo waa walaaladeen, waxaannu leenahay aynu u tartanno si nadiif ah oo qabow, marka uu tartanku dhammaadana innagoo KULMIYE ah oo midaysan ayeynu is raacaynaa, waa sababta ummaddu innagu aamintay ee ay hadda inoo hayso,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp