Araweelo News Network

 

“Haddii aan bogaadin lahaa haldoorkii KULMIYE, waxa shaasheeyay iscaleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee sharci darada ahaa” Maxamuud Haashi Cabdi

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Maxamud Xaashi Cabdi, ayaa dhaliilay natiijada shirweynihii Afraad ee Xisbiga KULMIYE oo dhowaan ka qabsoomay Hargeysa.

Maxamuud Xaashi oo ay weheliyaan xubno kale oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, waxay maanta shir-saxaafadeed ay ku qabteen Magaalada Hargeysa si weyn u dhaleeceeyeen siyaasasda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo shirkii dhawaan loogu doortay inuu mar kale Muuse Biixi  noqdo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye shanta sannadood ee socda.

 

 

Siyaasiga Maxamuud Haashi, wuxuu hadal qoraal uu soo diyaarsaday oo suxufiyiinta u jeediyay ku qodobeeyay dhaliilaha iyo naqdiga Madaxweyne Biixi iyo hoggaamintiisa, wuxuuna ku bilaabay sidan:-

“Horre ayaan uga hadlay aragtida aan ka qabay shirweynihii 4aad ee xisbiga Kulmiye, war la qabaa xiiso ma leh, waxba kaga noqon maayo, “Malle rag waa nooli baa hore loo yidhi, sidii aan hore u saadaalinaayay ayuu u dhacay shirweynihii xisbiga Kulmiye

Ma ihi qof xaasida oo ka xun libinta haldoorka kale iyo labeenta xisbiga kulmiye, hadii aan bogaadin lahaa waxa shaasheeyay iscaleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ahaa mid sharci daro ahaa, sidaa daradaeed ma taageeraayo sharci daro laf jab ah

Arrintani waa arrin ugub ku ah xisbiga Kulmiye, hadii madaxweyne Muuse Biixi uu guul u arko usoo hoyatay doorashadiisa,anigu waan ka aragti duwanahay, waxan aaminsanahay in ay tahay guul daro usoo hoyatay xisbiga Kulmiye, waxan aaminsanahay in ay tahay cudur iyo cawaaqib xumo usoo hoyatay xisbiga Kulmiye

Madaxweyne Muuse xaq uma laha in uu mar kale isku soo sharaxo jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, hasa yeeshee xaq buu u leeyahay in uu mar labaad isku soo sharaxo jagada Madaxweynenimo ee uu hada hayo, xaqa uu leeyahay duudsiyi maayo, xaq aanu lahayna noqon  maayo kuwa u jaameeya ee jarka ka tuura

Jagada gudoomiyenimada ee Madaxweynuhu jujuubka ku qaatay waxay ka dhigan tahay, murtidii somalidu odhan jirtay,“ Hal booli ahi ma dhasho Nirig xalaal ah” waxa kale oo ay somalidu ku maahmaahda “lugtii Jeeniga dhaafta way jabtaa”

Waxan leeyahay Madaxweynaha, Hummaaga maskaxdaada iyo hugunka hareerahaaga ka baxaya ha moodin dhab,ee waa dhalanteed,guul wadaynta,garabyaaca iyo gacan qaadka salaanta badani halbeeg uma aha in aad tahay hogaamiyo guulaystay, sidaa daraadeed halku dhegyada iyo heesaha lagu qaadaaya, yay ku marin habaabin oo aannay ku hodin

Waa nasiib daro weyn in madaxweyne Muuse oo noqon lahaa marjicii iyo musdambeedkii xisbiga Kulmiye ee khilaafaadka xisbiga ka odayeeya ee xaliya uu noqday halka uu khilaafku ka bilaabmo kuna dhamaado

Halkani waa Hilinka ay ku Khatalmaan, kalitaliyayaasha iyo hogaamiyayaasha aan garaadka Koran lahayn ee uu saaqo jibada iyo jawhareerka kursigu, gabaygii gudgude

Waan arkaa saaxiibkay Madaxweyne Muuse, waxan leeyahay waan arkaa in aad tashatay, waanan arkaa in aad  tunka taagayso, waxaadse tashatay talo xun, waxad tashatay in aanad cidna u tudhin, waxna ka tegin, waxad tashatay in aanad cidna waxba weydiin,cidna u tanaasulin,waxad tashatay in aad noqoto keligii taliye nin joogana aan tirin, nin tegayna aan tebin. Taladaada Xumi marka ay kuu Urto cidna ha eersan ee adkayso

Maalinta ay taladaada xumi kuu urto cidna ha eersan ee adkayso  muusow

Walaalkay maxamed Iid Dhimbiil ayaa si wanaagsan u sheegay, Muuse Biixi wuxu halkaa ku soo gaadhay hogaamiyenimadii iyo hayinimadii  Axmed Siilaanyo” ayuu yidhi. Maxamuud Xaashi Cabdi.