Araweelo News Network

Xirsi iyo Muuse

Boorama(ANN)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal uu Murrashaxa XIsbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Xisbigaa u mariyay Warbaahinta Hoggaamiye Xirsi iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi, isla markaana ah Murrashaxa Madaxweyne ee Xsibigaa.
Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadalkaa ka sheegay munaasibad ay maanta ku kulmeen isaga iyo Guddoomiye Musue Biixi oo lagu daahfuayayr Kaadh bixinta Doorashada Madaxtooyadda ee loo qorsheeyay sanadkan 2017, taasoo lagu qabtay Magaalada Boorama.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlayey munaasibadaas, ayaa hadalka ku bilaabay, “ Faysal iyo Cirra isku Madersid ahaa oo Maderisada Faysal baa ka sheekh ahaa Faysal Waxba odhan mayo Laakiin se Muusaanu isku Maderisad nahay Maderisadii Siilaanyo oo isagaa hore u sheegay oo yidhi waxaan ku jiraa Maderisadii Siilaanyo anigu imika waan ka qalin jabiyey meel kalaa lay diray oo aan macalin ka ahay, Maderisadaha had iyo jeeraale waa laysku soo gaadhaayo anna 10-sanaan ku jiray Muusena 30-sano odhan maayo wuu ku saaqiday ee wuu ku yara raagay oo qur’aanka ku adkaaday weli wuu ku jiraa, anigu se qalin jabiyey ee aan isu soo ducayno”

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu wuxu sheegay in mucaaridku xaq u leeyihiin inay wax toosiyaan cida maamulka haysaana ay adkaysan keda yeelato “Waxaan waafaqsanahay oo shalay markan joogay iyo maanta waxba aan iska kay bedelin cidda mamulka haysa halooga danbeeyo waa sax, waxaan kaloo waafaqsanahay sida sharcigeenu farayo Role-ka uu leeyahay mucaaradku oo ah toosin mid caafimaad qabta hala yimaado, tii uun baanu wadnaa caafimaadka qabtay oo toos toosinaynaa xaq baanu u leenahay, shalayna Role-kii aan waafaqsanaa wuxuu ahaa inaan Madaxweynahayga la shaqeeyo oo dalkayga dhiso horumariyo maantana waxay tahay inaan toosiyo waliba Team-kaygii baa jooga iyo Madaxweynahaygii oo sidaas ban waliba anigu is uruurinayaa, waxaan se leeyahay Culimada islaamka mid ka midoo la yidhaahdo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya ayaa wuxuu leeyahay maqaalo cajiiba “ Muslimku muslimka kale wuxu u yahay labada gacmood oo kale, labada gacmood midba midbay dhaqdaa ama maydhaa marmar baanay suurto gal ahayn in wasakhda laga nadiifiyo gacantii kale ilaa la xoqo oo lagu yara xejiyo” markaa hadii laydinku xejiyo oo la yara xoqo la jabin maayee weerarna maaha, anigu Xirsi ban ahay oo wixii igu dhici jiray waydinkii garanaya adkaysta waa ayaamo yar Lixbilood oo keliya ka hadhay”

Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Waddani ayaa xusay inay waajib tahay in dadka loo gurmado cidna aan laga baryeyn waxana uu yidhi “Muusaan arkayey oo hadalkaygii damqay hadalka damqayna aan tilmaamo, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo nin saaxiibkay ah aanu booqanay baan ka hadlayey waxan kale oo aan ka hadlayey dadka is deldeliya ee dhibaatadu soo gaadhay iyo abaartu oo aan lahaa haloo gurmado dadkeena, adaa xaga masuuliyada iga sii xiga hadaan ku idhaahdo xaq baan kugu leeyahay, ka isdeldelaya ka daciifka ah, ka buka iyo ka dhibaataysan aan dhibta ka saarno waar ma ceebay noqotay? Waliba muuse waa jaarkiisoo waa guriga ku dhegan markaa hadaan taa idhaahdo goormay ceeb noqotay? Waar dadkena aan u gurmano imikaanu ku celinaynaa”

Hogaamiye Xirsi waxa uu meesha ka saaray hadal dhawaan muuse kasoo yeedhay oo ahaa inuu awoodii wasiirnino ku takri falay wakhtigii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada isagoo Xirsi Cali Xaaji Xasan sheegay inaanay taasi jirin isla markaanala ilaaliyo karaamda madaxweynaha “Muusa wuxuu xusay wasiirkii ugu Power-ka badnaa ba imika dhawaaqaya, Power-ka Ilaahay baa bixiya oo Power-ka had iyo jeer waan dafiraa, manaan filayn aniga iyo Muuse isku maderisad baanu ahayne inayadii isku maderisada ahayd inay yidhahdaan Madaxweynaha Power-kiisa cid kala ku shaqaysanaysa dadka kalaa nagu odhan jiray bal Muusow Madaxweynihii anigu ka tegaye Power-kiina ku shaqayso Madaxweynahana Karaamada yaan laga qaadin oo la odhanin awoodiisiiba cid kale ku shaqaysanaysaa waabu ku dhisayayaaye alle hakuu barakeeyo, Power-kii anigu ka tegay hadii beryo laygu xamanayey agtiisa, laakiin Power-ka Madaxweynaha xukuma isagaan la shaqaynayey”

Md. Xirsi Cali X. Xasan wuxuu isbarbardhig ku sameeyey wakhtiyadii kala duwanaa ee isaga iyo Muuse biixi lasoo shaqeeyeen Madaxweynayaasha Cigaal iyo Siilaanyo isagoo hoosta ka xariiqay inuu Muuse Bixii ahaa Astaanta Dagaalkii Sokeeye Xukuumadii Cigaal “Waan se kaa Nasiib badanahay Labadeena nine ee isku maderisada ah markaynu nahay ee kala yara weyn ee isku soo gaadhay, waxaad adigu soo gaadhay Madaxweynihii qaaliga ahaa Allaah yaa Arxama Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, sida Odayga Madaxweynaha laysku kaayo xejinayo bay meel kasoo wada jeedaan Muuse Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, nasiibku labadayaba wuxuu nasiiyey inan la shaqayno Labadaa Madaxweyne e Experience-ga leh ragga waxba maanu dheerayn nasiibka nasiiyey, basle nasiib ku aniga waxa uu isii siiyey Shan Sannadood iyo badh horumara inaan ka shaqeeyo 11-waddo ayaan dhisayey maalintaan ka tegay oo gacanta ku hayey iyo wixii xadhig la jarayey oo aan isleeyahay Ishaa macalinoo taa imika marag ma doon weeye anigu nasiibku taasu isiiyey, Dee Muusow iimaanso haduu nasiibku adiga kuu siiyey anigu carabka waan ka dhawrayaayoo odhan maayo dagaalkii sokeeye adaa ridaye haddii nasiibku kuu siiyey wakhti dagaal sokeeye dhacayey oo aad ku dhamaysatay labdii sannadood nasiibkaaga iimaanso ana kaasuu I siiyey, adna kasuu ku siiyey waa nasiib”

Markii ugu horaysay wuxuu Xirsi Cali Xaaji Xasan bedka soo dhigay inuu Muuse Biixi ahaa caqabii ugu weynayd ee hortaagnayd horumarkii ay wada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxaana uu yidhi “Ninbaa laga sheegay Sodohdii buu yara dhibsaday markaasuu yidhi annigu sodohyaha waxba ku odhan maaye , hadaan se wax ku odhan lahaa waxaan ku odhanaya reerkeena adaa hor iyo diba u rogay, markaa muusow waxaan ku leeyahay wakhtigii aynu Development wadnay aynu isku jaalka ahayn hadaanad dhufayska noo gelin shantaa sannadood halkan waynu kasii dheerayn lahayn maanta Nalamay tartameen iska iimanso wixii kaala kulma anigu meel kalaan macalin ka ahay”