Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay xubnihii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyayaasha labada gole ee guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiillada,Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha  guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo Guddoomiyaha Wakiillada,Baashe Maxamed Faarax. 27 Nov 2019, Qasriga Madaxtooyadda. Araweelo News Network.

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka, waxa lagu sheegay in ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha  guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo Guddoomiyaha Wakiillada,Baashe Maxamed Faarax. 27 Nov 2019, Qasriga Madaxtooyadda. Araweelo News Network.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo Guddoomiyaha Wakiillada,Baashe Maxamed Faarax. 27 Nov 2019, Qasriga Madaxtooyadda. Araweelo News Network.

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxayna tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaadkii qaran ee ay u guteen si Dastuuri ah. ayaa lagu yidhi, qoraalka kooban oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Madaxtooyadda Somaliland, Nasir Yusuf Dahir.

Dhinaca kale, kulanka ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Golaha Guurtida Somaliland muddo kordhiin laba sannadood ah u sameeyay golaha wakiiladda, 24 Nov, 2019, taas oo noqonay muddo kordhintii Lixaad ee loo sameeyo tan iyo markii lasoo doortay Oct, 2005, waxayna ka dhigaysaa inay kuraasta ku fadhiyaan 17 sannadood.

AKHRI: Muddo Kordhinta Markii Lixaad Guurtidu Ku Duugtay Iyo Dhawaaqa Mucaaradka Somaliland

Labada Xisbi mucaarad, ayaa si weyn uga qayliyay muddo kordhintaa oo ay sheegeen in aan waxba laga weydiin, sidoo kale waxa kulanka Madaxweynaha, Guddoomiyayaasha Labada gole ee Guurtida iyo wakiiladda iyo xubanaha Komishankii hore kusoo beegmayaa, kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, dhaariyay Lixdaa xubnood ee Komishanka cusub, kuwaas oo golaha wakiiladdu ansixiyeen Nov 12th, 2019, iyadoo ay weli ka maqantahay xubintii laga sugayay xisbiga mucaardka ee WADDANI, waxayna labada xisbi mucaarad ansixinta golaha wakiiladda ee Lixdaa xubnood iyo muddo kordhinta labada gole ku tilmaameen waxyaabo aan sharci ahayn oo aanay aqbalayn, iyadoo tallaabooyinkaasi noqdeen kuwo sii xoojiyay xiisaad siyaasadeed iyo muran isa soo tarayay oo u dhexeeyay Xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarad ee Somaliland, WADDANI iyo UCID.

Kulanka ayaa u muuqda mid Madaxweyne Biixi uga mahadcelinayo Guddoomiyayaasha labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda hawsha ansxinta Xubnaha Komishanka cusub iyo muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen oo ahaa laba qodob oo aan meelmarintooda wax taageero ah looga helin axsabta mucaardka Somaliland, isla markaana si weyn rayalcaamka bulshada u kala qaybisay.

AKHRI: Somaliland: Golaha Guurtida Oo Kordhiyay Muddo Xilleedka Wakiiladda Iŷo Xisbiyada Mucaaradka Oo Dhawaaqyo Kala Duwan Ka Bixiyay Jan 21st, 2019