Nairobi(ANN)-Koox hubaysan, ayaa gugaha u galay dhismaha Hotelka DusitD2,oo ka mid ah Hotelada ugu caansan Kenya ee lagu raaxaysto, kadib qarax weyn oo laga maqlay halkaa, waxaana weli qasan xaalada.

Weerrarka, ayaa dhacay maanta gelinkii danbe, waxaana lala beegsaday Hotelkaa oo ku yaal xaafadda Westland ee galbeedka Nairobi iyo dhismayal ku yaal halkaa, iyadoo weli laga maqlayo gudaha dhismayaasha tacshiirado rasaas ah, isla markaana maydad gaadhaya ilaa 7qof la arkay.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee weerrarkaa, balse caawa xili danbe war kasoo baxay dowladda Kenya, ayaa lagu xaqiijiyay weerrarkaa oo ay ciidamadda amaanku la tacaalayaan, iyadoo muuqaalada laga arkayay gaadiid ku gubtay dhimayaasha ku yaal goobta weerrarku ka dhacay. 

Taliya Guud ee Booliska Kenya,  Joseph Boinett oo goor dhowayd  warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in koox hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay weerrarka kusoo qaadeen “Weerarku illaa iyo hadda waa socdaa , dagaalyahanno hubeysan ayaana gudaha ugu jira xarunta ciidamo gurmad ahna goobta waan geynay”

Dhinaca kaleTaliska ciidanka Al Shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerraarkaa, iyagoo ku sheegay warbaahintooda in ugu yaraan 47 qof ay ku dileen weerarka ka socda xaafadda Westland, balse saraakiisha dawladda Kenya, ayaa dhankooda sheegay in ilaa hada la arkay 7qof maydkooda, iyadoo dadka qaarkood dhaawacyo soo gaadheen, isla markaana laga badbaadiyay dhismahaa dad badan oo ku sugnaa goobta weerrarku ka dhacay, isla markaana xaalada lala tacaalayo si looga safeeyo dadka weerrarka soo qaaday.

Hotelka DusitD2 oo ka mid ah kuwa lagu raaxaysto ee ugu caansan dunida ee loo yaqaan five-star, ayaa ka kooban 101 qol iyo barxado waaweyn, waxaana inta badan uu xarun u yahay Hay’addaha qaramada midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo Nairobi.

Ciidamo dheeraad ay, ayaa goobta dhimaha Hotelka iyo meelaha ku dhow la geeyay caawa fiidkii, waxaana weli socda hawlgalka lagu soo afjarayo weerrarkaa oo si weyn cabsi ugu riday dadka Kenyanka ah, isla markaana xusuusiyay weerrarkii September 2013, ee Westgate oo qaatay ku dhowaad 80 saacadood, kadibna ay baxsadeen kooxdii fulisay, iyadoo inta la ogyahay lagu dilay 67 qof.

Sidoo kale, wuxuu weerrankan xusuusiyay shacbiga Kanya jamacadda Garissa University College ee April 2015, kaas oo lagu dilay 148, ka mid ahaa Ardaydii wax ka baranaysay Jaamacadda.

Weerrarka xiligan ee Kenya eel ala beegsaday  Hotelka DusitD2 , ayaa kusoo beegmay saddex sannao kadib weerrarkii Al-shabaab ku dileen ku dhowaad 200 Askari oo Kenyan ah, kadib markii ay qabsadeen xerada Ceelcadde ee ay ku lahaayeen gudaha Soomaaliya.