Nairobi(ANN)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la soo gebagebeeyay weerakii shalay ka dhacay magaalada Nairobi ee lagu qaaday mid ka mid ah Hotelada ugu caansan ee ku yaal Caasimada Kenya iyo dhismayaal ku yaal goobtaa.

Mr. Uhuru, ayaa ku eedeeyay Ururka Al-shabab ee ka dagaallama Soomaaliya inay fuliyeen weerarkaa, iyadoo Al-shabaab dhinacooda sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Madaxweynaha Kenya, wuxuu sidoo kale sheegay in hawlgalka lagu soo afjaray 19 sacadood oo xidhiidh ah Isla markaana kooxda weerarka soo qaadayna la dilay, wuxuuna ku hanjabay in ay tallaabo ka qaadayaan cid walba oo ku lug yeelata weerarkaa oo aanay ka hadhayn.

Dad laga soo badbaadinayo weerarkii DusitD2 hotel
Dad laga soo badbaadinayo weerarkii DusitD2 hotel

Mar uu ka hadlayay dadka ku dhintay, wuxuu sheegay inay ku dhinteen 14 Qof oo ku nafwaayay weerarkaa dhismaha ganacsi ee ku yaalay degmada Westlands, oo ku taalla magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Saraakiisha ayaa markii hore sheegay in weeraka la soo afjaray saaka aroortii, bakse qaraxyo iyo tacshiirado rasaas ah, ayaa laga maqlayay dhismahaa oo ku dhowaad 48 saacadood oo ku dhow xiligii shalay weerarku bilbaamay lasoo afjaray.

Dhinaca kale weli ma cadda tirada saxda ah ee dableyda soo weertay Hoteelka DusitD2 iyo dhismayaashaa, balse hadalka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu maanta khudbad toos ah oo uu ka jeediyay telefishinnada maxalliga ah ku sheegay in 14 qof la dilay, Isla markaana 700 oo qof oo kalena laga soo samata bixiyay dhismaha.


Waxa warbixin ka duwan tirada khasaaraha shaacisay hay’adda Laanqeyrta Cas ee kenya oo sheegtay in tirada dhimashada ku sheegtay ugu yaraan 50 Qof ay noqdeen dadka lagu tiriyay dhimashada iyo kuwa la la’ayahay.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan laba qof oo Soomaali ah iyo laba muwaadin oo u dhashay Dalalka Maraykanka Iyo Britain, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka.

Sidoo kale dadka ayaa qaarkood weli raadinayaa qaar ka mid ah eheladooda oo weli la la’ayahay, kuwaas oo ay rumaysan yihiin inay ku dhinteen weerarkaa.

Dhinaca kale Xukuumadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa canbaaraysay weerarkaa, waxayna War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isla markaana waxa lagu xusay in dawladda Soomaaliya oo ka xun weerarkaa ay dawladda Kenya ku garab taagan tahay dawladda Kenya dagaalka lagula jiro kooxda Al-Alshabaab

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Nairobi, wuxuuna bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, lagu amaaan sida degdeg ah ee ay ciidamada Kenya uga falcelinayaan weerarka.

Dhinaca kaleTaliska ciidanka Al Shabaab oo xalay sheegtay mas’uuliyadda weerrarkaa, ayaa ka sheegay warbaahintooda in ugu yaraan 47 qof ay ku dileen weerarka ka socda xaafadda Westland, balse saraakiisha dawladda Kenya, ayaa Ilaa xalay iyo maanta oo ahayd maalintii labaad ee lasoo afjaray weerarkaa sheegayay tiro intaa ka yar, waxayna xukuumadda Kenya markii ay sheegtay in lasoo afjaray weerarkaa sheegeen inay ku dhinteen 14 Qof oo 11 ka mid ah ay ahaayeen Muwaadiniintooda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in ilaa 700 Qof, laga soo badbaadiyay dhismahaa, balse lama Sheegin tirada dadka ku dhaawacmay.

Hotelka DusitD2 oo ka mid ah kuwa lagu raaxaysto ee ugu caansan dunida ee loo yaqaan five-star, ayaa ka kooban 101 qol iyo barxado waaweyn, waxaana inta badan uu xarun u yahay Hay’addaha qaramada midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo Nairobi.

Weerarkaa oo si weyn cabsi ugu riday dadka Kenyanka ah, isla markaana xusuusiyay weerrarkii September 2013, ee Westgate oo qaatay ku dhowaad 80 saacadood, kadibna ay Al-shabaab xiligaa shaacisay in kooxdii fulisay si nabad uga badbaadeen oo ku laabteen gudaha Soomaaliya , Isla marakana inta la shaaciyay lagu dilay 67 qof, walaw dawladda Kenya xiligaa sheegtay in la dilay dadkii fuliyay weerarkaa”

Sidoo kale, wuxuu weerrankan xusuusiyay shacbiga Kanya jamacadda Garissa University College ee April 2015, kaas oo lagu dilay 148, ka mid ahaa Ardaydii wax ka baranaysay Jaamacadda.

Weerrarka xiligan ee Kenya eel ala beegsaday Hotelka DusitD2 , ayaa kusoo beegmay saddex sannao kadib weerrarkii Al-shabaab ku dileen ku dhowaad 200 Askari oo Kenyan ah, kadib markii ay qabsadeen xerada Ceelcadde ee ay ku lahaayeen gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale maalmo yar kadib markii xukuumadda Kenya sheegtay in laga adkaaday Al-shabaab oo ay diciifiyeen weeraro dalkooda kaga yimaada kooxdaa.