Erdogan (AKP), wuxuu haystaa codadk la tiriyay oo ku dhow kala badh 52.0%, iyadoo dadka codkooda dhiibtay doorashooyinka tiradooda lagu sheegay 64milyan, waxaana la tiriyay 51.03%.

ALt: Araweelo News

Kemal Kilicdaroglu oo hoggaaminaya mucaaradka, wuxuu loollan addag kula jiray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan doorashooyinka 14 May 2023, Image File Araweelo News Network

Kilicdaroglu (CHP)  wuxuuna haystaa codadka la tiriyay 42%, halka Ogan (ATA Alliance) uu codadka la tiriyay uu helay 5.3%, Ince (Homeland Party) uu haysto 0.5%. tirada codadka la tiriyay.

Murashax kasta oo xaqiijiya kala badh in ka baddan codadka Madaxweynaha ee doorashada May 14,  ayaa noqon doona guuleystaha. Haddii aannu murrashaxna ku guulaysan, ama xaqiijin karin, waxaa jiri doona wareeg labaad oo u dhexeeya labada murrashax  ee ugu sarreeya laba toddobaad kaddib.

Bishii Ju;y 2018, bil kaddib markii Erdogan uu ku guuleystay madaxtinimada, Turkiga wuxuu ka guuray nidaamka baarlamaaniga ah, isagoo u guuray nidaamka Madaxtooyada, wuxuuna meesha ka saaray jagada ra’iisul wasaaraha. Doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka oo shantii sanaba mar la qabto.

Codbixinta Doorashooyinka Turkiga Oo Kusoo Dhammaatay Loollan Laysku Cidhiidhyay