Araweelo News Network

Guddoomiyaha UCID Faysal iyo Murashaxa Xisbiga  Jamaal

Guddoomiyaha UCID Faysal iyo Murashaxa Xisbiga Jamaal

Hargeysa (ANN) Guddi ku jiray Khilaafka UCID oo ahaa Madax-dhaqameed, Salaaddiin iyo Cuqaal iyo weliba Wax-garad kale oo kala metelayey dhinacyada deegaamada ay kasoo kala jeedaan Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyey xal u helista khilaafkaas ku jiray, ayaa maanta kulan ay isugu yimaaddeen oo ka qabsoomay Magaalada Hargeysa ku sheegay inay soo gebo-gabeeyeen hawsha ay ku jireen, isla markaana ku guulaysteen Axadda Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20-ka Bisha December ee sannadka 2015-ka, inay soo af-jaraan khilaafkaa.

Kulankaas ka dib waxaa Saxaafadda la hadlay Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Shariif Batuun iyo Cabdikariin Aar oo dhammaantood Xubno ka ahaa Guddiga deminta Khilaafka u dhexeeyey Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaanay sheegeen inay Masuuliyiinta is-hayey aqbaleen khilaaf-demintooda, isla markaana isku qacan-qaadeen, sidaasna uu Jamaal ku yahay Musharraxa Madaxweynaha UCID sida uu hore-ba u sheegay Faysal.

Guddiga ku jirtay xallinta Khilaafka Xisbiga UCID oo ka warramaya sida ay ku soo af-jareen khilaafkaas iyo sida wax ugu dhammaadeen, halkan ka Daawo weedhihii Salaadiinta iyo Odayaasha arrintaa ku jiray.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews