Araweelo News Network

haweenaydaikhtiraacdaysaacadamuraayadaGabadh magaceedu yahay Moyinoluwa Adeyemi oo culuunta kombuyuutarka ka dhigatay Jaamacadda Obafemi Awolowi ee dalka Nayjeeriya (Nigeria) ee galbeedka qaaradda Afrika, waqtigana ah ijineer borogaraamada kombuyuutarka ah (Software Engineer), ayaa samaysay muraayad saacad ah oo waqtiga ku sheegaysa lah-jahad degaankeeda lagaga hadlo oo la yidhaa Yoruba.
Haweenaydan oo ka shaqaysa shirkadda Swifta Systems, isla markaana ka mid ah koox shirkadda Google soo abaabushay si ay ikhtiraac cusub u sameeyaan, ayaa waqti ay shaqada ka rawaxday oo Jimce ah ku guulaystay samaynta saacad sida muraayadaha indhaha loo xidhanayo, waqtigana sheegaysa.
Waxa ay sheegtay in iswaydiisay bal inay samayn karto saacad lah-jadeeda Yorubada waqtiga ku sheegi karta, su’aashaasna waxay hormood u noqotay in la ikhtiraaco saacad casri ah (android Watch) oo sida muraayadda loo xidhanayo, xilligana ku sheegaysa lahjadda ay rabtay.
Ma ahayn wax fudud oo kow iyo laba loo qabn karo, balse waxay fikrado ka heshay qaar ka mid ah asaxaabteeda, kadibna waxa ay samaysay cilmi-baadhis aad u badan ka hor inta aanay shaqada bilaabin. Waxa ay noqotay saacaddii ugu horraysay ee Afrika lagu sameeyo ee ku hadasha isla luqaddeeda oo gasha kaydka Google-ka.
“Saacadda Yoruba Watch Face ee ay samaysay Moyin waa isu ururis saacado oo lagu dhisay gudaha Nayjeeriya, isla markaana ku waqtiga ku sheegaysa isla luqadda goobta lagu sameeyey. Hadda waxa jira laba sacadood oo wejiga lagu xidhayo (Watch faces) oo labadooduba afka Yoruba ah. Waxa ay u nashqadaysan yihiin muraayad ragga iyo dumarka qaabkooda oo kale ee ay xidhaan dhaqan ahaa dadka Yoruba. Saacaddani waxa ay wax ka sheegaysa dhinac kasta oo muraayadda qofku xidhan yahay ah haddii uu eego,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu sharraxay saacaddan.