Hargeys(ANN)-Axmed Cabdiweli Al Qaasimi oo ah nin reer Yamaneed ah ayaa soo gaadhay Somaliland. Ninkan oo afartii sanaba mar socdaala ayaa waddamo badan ku soo maray socdaal dhinaca dhulka ah isaga oo adeegsanaya Awr waxaanu socdaal ku gala bixin doona meelo ka mid ah dhulka SomalilandHama

Axmed Cabdiweli Al Qaasimi oo sita calanka Somaliland, calanka Yemen iyo astaanta shirkadda Dahabshiil Group ayaa telefishanka Universal u sheegay in uu shirkadda Dahabshiil dalal badan ku soo arkay waxaanu ammaanay masuuliyiinta shirkadda oo uu sheegay in uu maalgalin ka helay markii uu yimid Somaliland.

“Socdaalkayga waxaan ka bilaabay Yemen, kadibna Ereteriya, Suudaan, Liibiya, Aljeeriya, Marooko, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, Urdun, Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Qadar, Cumaan, Kuwayd, Baagistan, Hindiya, Bangaladheesh, Barma, Thailand, Malaysiya, Jabuuti, Kenya, Tansaniya, Musanbiik, Saambiya, Koonfur Afrika, yacnii dalal badan ayaan soo maray,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Al Qaasimi.

Al Qaasimi ayaa la waydiiyay sida ay ugu suuro gashay in uu wada maro dalal ku kala yaalla qaarado kala fog waxaanu ku jawaabay “Badda waxaan soo fuula doon meel ilaa meel kadibna waxaan lugeeyaa dhulka,” ayuu yidhi

Axmed Al Qaasimi oo uu weheliyo Cabdulqafaar Al Qamari oo Hargeysa ka raacay waxa uu socdaal lug ah ku mari doona degaanno ka mid ah Bariga Somaliland waxaanu sharraxay ujeedada socdaalkiisa ee dalal kala duwan iyo Qaarado kala duwan uu ku maro “Waxay tahay aqoon korodhsi iyo ku cimro qaadasho barashada bani’aadamka iyo arlada iyo dabeecadda oo aan wax ka qoro oo aan sawiro oo ah wax qurux badan,” ayuu yidhi Al Qaasimi.

Al Qaasimi oo 25 sanadood waday socdaalka ayaa sheegay in afar sanno marka uu hawlihiisa qabsadaba hal sanno safro waxaanu ka hadlay sababta uu u sito calamada Somaliland iyo Yemen “Waxaanu sidana calanka Somaliland iyo calanka Yemen oo is garab yaalla, waddan kasta oo aanu tagno waxaanu qaadana calankiisa, calanku wuxuu muujinaya nabad cid kasta oo nagu aragta waxba nama yeesho.”

Waxa kale oo la waydiiyay sababta uu u sito astaanta shirkadda Dahabshiil Group waxaanu sheegay in uu ku soo arkay guud ahaan dalalka uu marayay haddana uu qaabilaad fiican kala kulmay “Waxaanu u mahadnaqayna Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) iyo shirkadihiisa Dahabshiil Group oo aanu maalintii u horaysay u tagnay waxbaanay na tartay oo way na maalgalisay Dahabshiil, dallaayaddan iyo astaantan magaca shirkadda waxaanu u soo qaadanay waa nooc ka mid ah karaamaynta iyo mahadnaqa,” sidaas ayuu yidhi Axmed Al Qaasimi.

Al Qaasimi ayaa marka uu ka laabto Somaliland waxa uu ka qayb gali doona tartan dhanka awrta ah oo sanadkan ka dhici doona dalka Imaaraadka Carabta.