Ma xasuusataa qorshihii shanta sano? Wuxuu ahaa mid aad u caan baxay.

Shuuciyiintii heystay maamulka Ruushka ayaa aaminsanaa in muddo shan sano ah lagu dhisi karo dhaqaalaha uu leeyahay waddan.

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Ruushka, Vladimir Putin ayaa hadda fikirkaas dib usoo cusbooneysiiyay. Shantii sano ee lasoo dhaafay, dhaqaalaha ma ahayn waxa ay ballaarineysay madaxtooyada Ruushka: balse waxay bal;laarineysay saameynta siyaasadeed ee ay Moscow leedahay.

Aan dib u milicsanno 2014-kii.

Ka dib markii Ruushka uu goostay gobolka Crimea, milatarigiisuna ay faragalin ku sameeyeen bariga Ukraine, Moscow waxaa ciqaab ahaan looga dhigay cunaqabateyn ay kusoo rogeen waddamada reer galbeedka.

Arrintaas waxay sababtay in Ruushku uu u muuqdo waddan go’doonsan, oo la necebyahay.

Hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka waxay wada cambaareeyeen madaxweyne Putin, iyadoo kalsooni buuxda ku qabay in cadaadiska la saaray Moscow uu sababi doono inay bedesho dhaqamadeeda la qoonsaday.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, oo markaas xilka hayay wuxuu ruushka ku tilmaamay “awood goboleed”, eraygaasna wuxuu xanuun ku ahaa in loogu yeedho waddan horay uga mid ahaa awooddaha ugu waaweyn dunida.

Dib aan ugu soo laabanno 2019-ka.

Maanta , Ruushka wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa caalamka. Wuxuu faragalin ku sameeyay doorashadii madaxtinnimada Mareykanka ee dhinaca Donald Trump, sida uu sheegay sirdoonka Mareykanka; Wuxuu doonayaa inuu sare u qaado doorkiisa Afrika iyo Latin America; Sidoo kalena wuxuu wax ka qabanayaa khilaafkii kala dhaxeysay Yurub.


Dhexdhexaadinta Bariga Dhexe

Dhinaca gobolka Bariga Dhexe, horumarka uu Ruushku ka damacsanyahay dhinaca awoodda caalamka wuxuu uga socdaa si xowli ah.

Afar sanno ka dib howlgalkii milatari ee ay Moscow ka billowday Suuriya, wuxuu sababay in Ruushka uu Mareykanka kala wareego doorkii ahaa dillaalka dhinaca awoodda ee gobolkaas.

Dhowr maalmood uun gudahood, Vladimir Putin wuxuu telefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga, wuxuuna ku martiqaaday inuu booqasho ku tago Moscow; waxaa kale oo uu telefoon kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, oo uu kala sheekeystay “arrimaha amniga”; wuxuuna sidoo kale booqasho ku maray dalalka Sacuudi Carabia iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.


Taasi waxay calaamad u tahay in Ruushka uu aad u xoojiyay doorkiisa siyaasadeed ee gobolka Bariga Dhexe.


Moskovsky Komsomolets, waa qoraa caan ah oo ka shaqeeya wargeys Ruushka kasoo baxa, tanina waa fikradda uu ka qabo isbaddalkan:

“Xaaladda hadda ka taagan Bariga Dhexe waa mid aan lagu fikiri karin inay suurtagasho xilligii uu Henry Kissinger Mareykanka ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda, fikraddiisii ku saabsaneyd ballaadhinta doorka uu Mareykanku ku leeyahay siyaasadda caalamkana maalin cad ayaa laga takhalusay… halka ay hadda diblomaasiyadda Ruushka ku horreyso ciyaarta.

“Ruushku wuxuu hadda ciyaarayaa doorka dhexdhexaadinta caalamka, waana dillaal dhinaca siyaasadda ah, mana jirto awood ka jirta gobolka oo taas iska indho tiri karta”.

Khubarada siyaasadda arrimaha dibadda ee ku sugan Moscow waxay aad ula yaabeen go’aankii uu madaxweyne Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray xadka kala qeybiya Suuriya iyo Turkiga.

“Waxaa la aaminsanyahay in Mareykanku ay caqli badan yihiin, oo haddii ay wax khaldan sameeyaan uusan khalad ahayn”, sidaas waxaa yiri Fyodor Lukyanov, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo arrimaha dibadda ah, isla markaana ku dhow madaxtooyada Ruushka.

“Dadka Ruushka ah way ku adagtahay inay aaminaan in Mareykanku uu sameyn karo wax waalli ah. Balse arrintaas hadda way soo ifbaxeysaa”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Suuriya: Maxay Ruushku u guuleysanayaan

Waxaa jira dhowr hab oo Moscow ay uga faa’iideysaneyso xaaladda hadda ka taagan waqooyiga-bari ee Suuriya.

Ruushka waa garabka ugu weyn ee taageera madaxweyne Bashaar Al Asad, siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba. Sidaas awgeed dhul kasta oo ay ciidamada dowladda Suuriya sii qabsadaan waxay dan ugu jirtaa Ruushka.

Markii uu Mareykanka ka baxay garabka Kurdiyiinta, waxaa hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay xulafonimada Mareykanka. Arrintan waxay Ruushka u sahleysaa inay saaxiib ka dhigato dhinacyada gobolka Bariga Dhexe, ayna u noqoto awoodda kaliya ee dillaalka ka noqota halkaas. Booliska sida milatariga u tababaran ee Ruushka waxay haddaba ku kala dhex jiraan ciidamada Suuriya iyo kuwa Turkiga ee qarka u saarnaa inay dagaallamaan. Halkaas waxaa ka muuqata in haddii aan nabad ka rabtid Bariga Dhexe aad u tageysid Ruushka.

Sanadihii lasoo dhaafay, Moscow waxay isku dayeysay inay daciifiso xulafada reer galbeedka, khaas ahaan Midowga Yurub iyo isbahaysiga Nato, waxayna soo bandhigeysay kala aragti duwanaanka waddamada xubnaha ka ah. Isku dhac walba oo u dhaxeeya Turkiga iyo waddamada kale ee ay ka wada trsan yihiin Nato, oo salka ku haya arrimaha Suuriya, waxaa ku faraxsan Ruushka. Mareykankuna horayba wuxuu uga careysnaa in Tirkiga uu hubka S-400 ee difaaca hawada kasoo iibsanayo Ruushka.

Markii ay Moscow billowday howlgalkeeda Milatari ee Suuriga sanadkii 2015-kii, Madaxtooyada Ruushka waxay sheegeysay in ujeeddadoodu ay tahay sidii ay ula dagaallami alahaayeen argagixisada caalamiga ah. Laakiin ujeeddada ugu weyn ee tallaabadaas ka dambeysay waxay ahayd in dib loo dhiso doorkii awoodeed ee uu Ruushka ku lahaa Bariga Dhexe.
Ciidanka Ruushka waxay saldhiggooda badda ee Tartus, ka maamuli karaan awooddooda milatari ee badda Mediterranean-ka.

Warar dhawaan soo baxayna waxay sheegayaan in Ruushku ay ballaarinayaan saldhiggooda ciidanka cirka ee u dhow Latakia.
Isku dheelitirka awood baddalista?

Sare u kaca doorka siyaasadeed ee uu Ruushka ku leeyahay caalamka wuxuu si lama filaan ah ugu soo aaday xilli waddamada reer galbeedka ka jirto siyaasad isku soo dhawaasho ah.

“Waxaan aaminsanahay in awoodda Mareykanka iyo dalalka Yurub ay isaga dhowyihiin sidii ay ahaayeen sanado ka hor”, ayuu yiri Fyodor Lukyanov believes.

Ruushka ayaa xoogga saaray inuu marka ugu horreysa horumar ka sameeyo dhinaca Bariga Dhexe.
Ruushka ma aha waddan dhaqaale ahaan heer sare ka jooga Dunida. Dhaqaalihiisu waa mid heer dhexe ah oo ay suurtagal tahay inuu hoos usii dhaco, taasina ay horseeddo inay caqabad soo wajahdo rajada ay Ruushku ka qabaan galaangalka ay caalamka ku yeelanayaan.

Gobolka Bariga Dhexe, xaaladdiisu way cakirantahay, waxaana ragaadiyay kala qeybsanaan, colaad iyo isnacayb. Ruushka ayaa laga yaabaa inuu yahay dalaalka dhinaca awoodda ee gobolkan. Hase yeeshee waxaa Moscow qudheeda laga rabaa inay isku dheellitirto miisaankeeda dhinaca diblomaasiyadda ee waddamada Bariga Dhexe, haddii ay dooneyso inay dib usoo celiso nabadda.

Warbixintan waxa lagu daabacay BBC