Hammer1Berbera(ANN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland dejisay Hubkii saarnaa Markab dhowaan Badeecaddo u siday dad ganacsato u dhashay Somaliland oo kusoo xidhtay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, kaas oo la oggaaday inay saaran yihiin shixnad Hub ah oo aan ku qornayn waraaqaha cadaynaya badeecaddaha iyo waxa saaran Markabkaa.
Cali Warancade, wuxuu sheegay in Hubkaa oo isugu jira Madaafiic, Beebeeyo, Babuurta Gaashaaman iyo waxyaabo kale laga dejiyay Markabka, isla markaana ay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayso oo lagu wareejiyay Ciidamada amaanka, balse ma sheegin tirada uu ka koobanyahay Hubku.

 

Wasiir Warancade, wuxuu sheegay inay Kooxda dabagalka Hubka u qaabilsan qaramada midoobay ee Maritain Group tuseen Hubkaa oo sida uu sheegay ahaa mid sharci daro ah oo aanay jirin ilaa hadda cid sheegatay, isla markaana ay kala xaajoon doonaan haddii ay soo baxdo cid sheegataa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Port Sudan, ayaa laga soo raray Hubka, ayaa la leeyahay, waxaana lagu waday Dubai, balse war cad oo ah cidda iska leh ma hayno weli, Dawlada Sudan nalama soo xidhiidhin, waxanse maqlaynay fariin laga keenay” ayuu yidhi Cali Maxamed warancade.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade, wuxuu sheegay in Markabka ganaax lagu riday, isla markana loo raacayo xukunka Maxkamadda.

Dhinaca kale warbixin shebekadda Araweelo News Network soo urursay oo la xidhiidha markabkaa, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixisay macluumaadka la xidhiidha Markabkaa iyo meelaha uu ka yimi, nooca tirada Hubka uu siday iyo dekeddaha uu soo maray, waxayna warbixintaasi ahayd sidan:-

SHAKER_1
“Markabka Shaker 1, wuxuu qaataa Calanka Dalka Togo, waxaana laga leeyahay Dalka Sudan, Shakir, waxay Xukuumadda Somaliland ku qabatay Hub sharci daro ah horaantii bishii hore, kadib markii uu soo galay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, isagoo 19 January 2015, kasoo kicitimay Dekedda Djibouti ee ay Dekedda Berbera Jaarka yihiin, waxa laga dejiyay Badeecad muddo dhawr bilood ah saarnayd oo ay lahaayeen ganacsato Somaliland ah iyo Ethiopian.
Markabka Shaker 1, wuxuu Dekedda Dubai kasoo baxay 19 sep 2014, ee kal hore, waxaana waayay ganacsatadii uu baddeecadaha u siday ee u dhashay Somaliland iyo Ethiopia, wuxuu isaka xidhay isgaadhsiinta oo dhan si aan loola soo xidhiidhin, balse mid ka mid ah ganacsatadaa oo u dhashay dalka Ethiopia, ayaa ka hadhi waayay, wuxuu ka dacweeyay meelo baddan, taas oo khasab kaga dhigtay inuu kusoo xidho Dekedda Berbera 19 January 2015.
Markabka, ayaa markaa ka dib la oggaaday inuu sido Hub aan sharci ahayn oo aan ku qornay waraaqaha baddeecadaha maraakiibt iyo doonyaha, ama gaadiidka kale ee Baddu bixiyaan marka ay ku xidhaan dekeddaha sharciga ah, Markabka, ayaa la oggaaday inuu soo maray ka hor intii aanu Dekedda Berbera ee Somaliland iman 11 Dekedood oo dunida ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Yemen Makha, Kenya Mambasa, Djibouti iyo Port Sudan oo dalka Sudan ee laga leeyahay Markabka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta ka dejisay Hubkii iyo gaadiidkii uu siday ee gaashaanaa, kuwaas oo ahaa 7 gaadhi oo nooca loo yaqaan Humar oo ay ku rakiban yihiin Qoryaha nooca loo yaqaan Siikawi , waxayna gaadiidkaa qaarkood yihiin kuwa aan rasaastu Karin ee Hummer bulletproof.
Doon kuwa dagaalka ah oo qaadaysa ilaa 200 qof, Hal Bae oo nooca Badda iyo Beriga lagaga dagaalamo ah, hal Taangi oo casri ah iyo Gaadhi nooca Kaare Xanbaarka loo yaqaan, iyadoo dhamaan Hubka la qabtay iyo gaadiidka gaashaaman ay yihiin kuwa ay sameeyaan inta baddan shirkaddaha Maraykanka ee Hubka iyo qalabka Milateriga.

Markabka Shaker 1 oo laga leeyahay dalka Suudaan, waxa Kabtankiisa oo u dhashay Dalka Suuriya iyo Chief Enginerkii oo u dhashay Lubnaan loo taxaabay xabsiga markii ay cadayn waayeen halka ay ka keeneen Hubka ay sideen iyo halka ay ku wadeen, balse waxa sidoo kale warbixinta iyo macluumaadka shebekadda Araweelo News Network ka heshay arrimaha la xidhiidha Markabku sheegayaan inuu ka mid yahay Maraakiib caan ku ah inay Hubka u gudbiyaan qaaradaha, waxaana Kabtanka iyo Chief Enginerkii Markabka markii la qabtay loo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com