Hargeysa(ANN)-Munaasibad ballaadhan oo abaalmarino lagu gudoonsiiyay 10-ka Arday ee ugu sareeyay Dugsiyada Sare iyo Hoose Dhexe ee Nuuradiin, ayaa lagu qabtay Dugsiga sare ee gaarka u ah Hablaha ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa.

Gabdha ugu saraysay nuuradiin oo la gudoonsiinayo abaalmarinta Gaadhiga iyo Dakhamka dahabka ah 4 Sep 2019.
Gabdha ugu saraysay nuuradiin oo la gudoonsiinayo abaalmarinta Gaadhiga iyo Dakhamka dahabka ah 4 Sep 2019.

 Munaasibad Dugsiyada Nuuradiin ku muujiyeen farxada guusha ay soo hooyeen ee Ardayda ugu saraysay Dugsiyada Sare ee Nuuradiin iyo Hoose/Dhexe oo weli safka hore kaga jira natiijada Imtixaanada Dalka Somaliland, waxa kasoo qaybgalay masuuliyiinta axsaabta sida Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Xisri Cali Xaaji Xasan, Dr: Xuseen Cabdilaahi Bulxan, Abwaan Xasan Dhuxu l laabsaalax, Aqoonyahan, Salaadiin iyo haldoor kale.

Wiilka Abaalmarinta la gudoonsiiyay Nuuradiin
Wiilka Abaalmarinta la gudoonsiiyay Nuuradiin
ka qaybaglayaasha munaasibada abaalmarinta Nuuradiin
ka qaybaglayaasha munaasibada abaalmarinta Nuuradiin

Sidoo kale, waxa xaflada abaalmarinta, waxa kasoo qaybgalay Boqolaal ka mid aha Ardayda iyo waalidiinta caruurtoodu wax ka barato, kuwaas oo ay ka mid yihiin waalidiinta Ardayda Abaalmarinta la gudoonsiinayay.

Xaflada abaalmarinta Nuuradiin
Xaflada abaalmarinta Nuuradiin

Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed (Nuuardiin) oo ka hadlay munaasibada, ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray, “Maanta waxaynu xafladaynaynaa sannad dugsiyeedkii 2018/2019, Ardaydii ugu saraysay imtixaanada  oo Abaalmarino waaweyn aynu u diyaarinay, in lays abaalmariyo iyo in la tartamo waa Diintu ogoshahay.”

   Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed (Nuuardiin) Araweelo News Network.
Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed (Nuuardiin) Araweelo News Network.

Wuxuuna intaa ku daray inay balanqaadayaan sidii loo horrumarin lahaa waxbarashada iyo Aqoonta da’ayarta ee Bulshada, “Ardaydayada waxaanu ku dhiiri gelinaynaa inay dedaalaan oo tartamaan annaguna itii awooddayada ah waanu abaalmarin, mana aha kuwa ugu sareeya keliya ee kuwa guulaysta inaanu Abaalmarino siino.” Ayuu yidhi, Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin.

Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Nuuaradiin,  Cumar Faarax Cabdullaahi
Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Nuuaradiin,  Cumar Faarax Cabdullaahi

Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Nuuaradiin,  Cumar Faarax Cabdullaahi oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa sheegay in sababta dugsiyada Nuuradiin u guulaystaan  ay tahay tayada waxbarashada, sidaa awgeed wuxuu sheegay in lagu daydo oo la daba-socdo.

Muuqaalka  munaasibada Ardayda Hablaha Nuuradiin 4 Sep 2019 ee Abaalmarinta lagu bixinayay
Muuqaalka munaasibada Ardayda Hablaha Nuuradiin 4 Sep 2019 ee Abaalmarinta lagu bixinayay

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada, ayaa sheegay in 24 sannadood ka hor Mahad Nuuradiin uu ku bilaabay qol yar, isla markaana uu dedaal badan iyo juhdi geliyay dalkiisa, waana ku hanbalyaynayaa ayuu yidhi, Xirsi oo xusay inay xilligaa saaxiib ahaayeen Nuuradiin, maantana uu ku faraxsanyahay guusha uu gaadhay.

Munaasibada Abaalmarinta nuuradiin
Munaasibada Abaalmarinta nuuradiin

 Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa yidhi, “waxan soo taagnaa Nuuradiin oo Habluhu Daasadaha Caanaha ku fadhiyaan, markii danbena waxan arkay iyagoo kuraas ku fadhiya, maantana Illaahay mahadii.”ayuu yidhi, Faysal.

Dr.  Xuseen Cabdilaahi Bulxan  oo ka hadlaya munaasibada Abaalmarinta Nuuradiin
Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ka hadlaya munaasibada Abaalmarinta Nuuradiin

Sidoo kale, waxa madasha abaalmarinta lagu guddoonsiinayay 10-ka Arday ee ugu sareeyay Dugsiyada  Nuuradiin Sheekh Maxamed Ismaaciil oo amaanay akhlaaqiyaadka iyo asturraanta Hablaha Nuuradiin, wuxuuna ku hanbalyeeyay Ardaydii ku guulaysatay abaalmarinta.

Dr: Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo sidoo kale ka hadlay munaasibadaa, ayaa amaanay dedaalka dugsiyada Nuurdiin iyo doorka ay kaga jiraan waxbarashada dalka iyo horrumarinta tacliinta, wuxuuna hanbalyeeyay Ardayda kaalmaha hore lagu abaalmariyay ee Dugsiyada Nuuradiin.

Abwaan Xasan Dhuxu l laabsaalax oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasidaa, ayaa ka sheekeeyay sida uu maamulaha Nuuradiin ugu wanaagsanyahay samafalka, wuxuuna sheegay inuu keligii 19 Arday oo danyar ah u keenay si ay waxbarasho bilaash ah u helaan, isagoo sheegay inuu ka aqbalay Nuuradiin oo Ardaydaasi maanta ka mid yihiin kuwa halkan fadhiya.

Gebagebadii waxa munaasibadaa  laga xaadiriyay magacyada 10-ka Arday ee ka galay kaalmaha ugu sareeya Dugsiyada Sare ee Nuuradiin iyo Dugsiyada Hoose/Dhexe, waxaana gabadhii kaalinta koowaad gashay la gudoonsiiyay Gaadhi cusub oo kuwa raaxada ah iyo Dakham Dahab ah,  Ardayga kaalinta labaad galay oo ahaa Wiil, ayaa la gudoonsiiyay Gaadhi iyo Labtop, waxaana Ardayda kale hablaha la gudoonsiiyay Dakhamyo Dahab ah, halka wiilashana la gudoonsiiyay Labtopyo.

mid ka mid ah Hablaha Nuuradiin oo la gudoonsiinayo abaalmarinta
mid ka mid ah Hablaha Nuuradiin oo la gudoonsiinayo abaalmarinta

Maamulka Nuuradiin oo hore ugu caanbaxay inuu  sannad walba Ardayda Kaalmaha hore ka gasha Dugsiyadiisa oo safka hore kaga jira Imtixaanada Dalka gudoonsiiya Abaalmarino, ayaa sanandkan Abaalmarinaha uu bixiyay ahaayeen kuwii ugu qaalisanaa, isagoo doonaya inay dhiirigelin u noqoto Ardayda, iyadoo maamulaha Dugsiyada Nuuradiin horre u balanqaaday inuu sannadkan Abaalmarino ka baddan kuwii horre ay Nuuradiin ugu bixin jireen guddoonsiinayaan Ardayda kaalmaha horre ka galay Dugsiyadooda.

Akhri: Somaliland: Dugsiyada Nuuradiin Oo Weli Haysta Kaalmaha Safka Horre Ee Imtixaannada Iyo Abaalmarinta Ardayda Ugu Saraysa Oo La Kordhiyay