Araweelo News Network

kulankawasiirkaduulistaiyo Hargeysa (ANN)- Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Duulista, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo safar shaqo ku joogtay dalka, iyadoo laga wadahadlay arrimo khuseeya ammaanka garoomada diyaaradaha oo taageero ka hela Ingiriiska.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Somaliland, ayaa lagu caddeeyey waxyaabaha ay ka wadahadleen Wasiirka iyo Safiirka Ingiriiska ee kulanka yeeshay.
“Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe oo uu wehelinayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaas Md. Guleed Maxamed Shire, ayaa kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Ambassador Harriet Mathews oo ay wehelinayso Miss. Lizzie Lovett oo ka socotay Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya, kuwaasoo booqasho ku joogay Somaliland, isla markaana dalka dib uga noqday gelinkii dambe ee maanta.
Labada dhinac waxa ay kulankoodan kaga wadahadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska oo ah mid taariikhi ah oo qoto-dheer.
Wasiirka Duulista Somaliland, waxa uu warbixin ka siiyey Safiirka Ingiriiska arrimo la xidhiidha ammaanka madaarrada waddanka, waxaannu ka codsaday in ay kordhiyaan taageeradii ay siin jireen madaarrada Somaliland.
Dhinaca kale, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Somaliland Ms. Harriet Mathews, ayaa ballanqaaday in ay dawladeedu sii wadi doonto taageerada ay siin jirtay Madaarrada Somaliland.
Dawladda Ingiriiska ayaa sida laga war qabo saaxiib dhaw la ah Dawladda Somaliland, waxayna Wasaaradda Duulista ka caawiyaan tababarrada shaqaalaha iyo qalabka ammaanka madaarrada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Mr. Ismaaciil Cali Axmed.