madaxweynexasansheekhKismaayo(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay Ololaha doorashada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ee Koonfurta Somalia oo la filayo inay maalinta Beri ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulkaa.
“Waan soo dhaweynayaa tallaabada lagu dhisay Baarlamanka maamulka KMG-ka ah ee Jubba, waana tallaabo horay loo qaaday. tani waxay muujinaysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ah ee dalkeenna,’’ ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

wuxuu sheegay in hannaan walba oo la dhaqan-gelinayo ay lasoo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kaddibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

“Dowladda federaalka Somalia waxay diyaar u tahay inay maamulka KMG-ka ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xallin lahaa cabashooyinkii ka dhashay markii xubnaha baarlamaanka maamulkaas lasoo xulayay, waxaana ujeedadu tahay in beel walba ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, Baarlamankana uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan,” sida waxa yidhi Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka hadlayay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubba ee Koonfurta Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baaqay bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu hirgelinayo hannaanka federaalka iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo xusay in arrimaha amaanku aanay ahayn kuwo khuseeya Booliska iyo Ciidamada oo keliya, balse dadka shacabka ah looga baahanyahay taageero buuxda inay ka geystaan arrimaha amniga.

Dhinaca kale Ololaha Doorashadda Guddoonka Baarlamanka Jubbaland ayaa si habsami leh uga socota magaalada Kismaayo ee xarunta Goboka Jubbada Hoose,xilli Musharixiintu u tartamaya Guddoonka Baarlamanka iyo Ku-xigeenadiisa ay u gudbiyeen Araajidooda Musharaxnimo Guddiga Doorashadda Baarlamanka Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamanka Maamul goboleedka Jubbaland, waxaa u tartamaya Musharixiinta kala ah;-

Fiidow Isaaq Ibraahim, Cabdi Axmed Qaasim, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Maxamed Cali Yuusuf.

Jagada Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya Musharixiinta kala ah;-

Maxamed Daahir Cabdullaahi, Axmed Iftiin Maxamed, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf Iyo Cabdikariim Cilmi Jaamac.

Guddoomiye Ku xigeenka 2-aad ayaa waxaa u tartamaya Cabdi Baaley Xusseen Iyo Axmed Maxamed Abuukar.

Musharixiinta ayaa maanta oo Isniin ah soo Bandhigay Khudbadahooda Musharaxnimo,waxaana Musharax kasta uu leeyahay 15-daqiiqo.

Maalinta bari oo Salaasada ah ayaa lagu wadaa inay dhacdo Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo Ku xigeenadiisa sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashadda Baarlamanka Jubbaland.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.