albashiirKhartoom(ANN) Madaxweyna Dalka Sudan Omar Hassan Al-bashiir, ayaa ku laabtay dalkiisa kadib markii uu ka badbaaday xayiraad ay saartay Maxkamad sare ee dalka Koofur Afrika, isagoo booqasho ku jooga dalkaa, isla markaana ka qaybgalay shirka Ururka Midawga Afrika ee ka socday Johannesburg.
Maxkamadda Koonfur Afrika oo fulinaysay amar kaga yimi Maxkmadda denbiyada Dagaalka ICC Interentional Criminal Court, ayaa soo saartay amar si ku meel gaadh ah oo lagu xiyirayo Madaxweyne Al-Bashiir, balse waxa amarka Maxkamadda ka dhashay muran siyaasadeed, wuxuuna Madaxweyne Omar Al-Bashiir diyaarad khaas ah maanta kasoo raacay halkaa, isagoo soo gaadhay dalkiisaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Arrinta Madaxweynaha Sudan Omar Al-Bashiir, ayaa muran dhinaca sharciga ah ka abuurtay Hay’addaha garsoorka ee dalka Koonfur Afrika oo isagu xubin ka ah Maxkamadda denbiyada dagaalka ee ICC.
Waa markii Sadexaad oo Maxkamadda ICC dalbato in loo qabto Omar Al-bashiir oo lagu eedaynayo inuu danbiyo xasuuq ah ka geystay gobolka dhinaca Koonfurta ee Daafuur oo ay dagaalo ku dhexmarayeen Malayshiyada Asal ahaan kasoo jeeda carabta ee Jaanjawiit iyo malayshiyada afrikaaanka ah.

Madaxweynaha Sudan Omar Al-bashir, ayaa dalka Koonfur Afrika u tegey si uu uga qaybgalo shirka hoggaamiyayaasha dalalka Afrika, balse Maxkamadda sare ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Madaxweynaha ay waajib ku tahay inuu dalkaasi joogo illaa go’aan laga gaadhaayo dalabka ICC ee ah in lagu wareejiyo iyo in kale.
Hase yeeshee Xayiraada Madaxweynaha Sudan ee dalka Koonfur Afrika, waxaa ka dhashay doodo shinaca sharciga ah, waxaana dooda ugu weyni ahayd Madaxweyne dalkiisa ka tegey oo leh dhawrsanaan dublamaasiyadeed, isla markaana huwan sharafta iyo karaamada qarankiisa sida xayiraad loogu soo rogi karo, ama loo qaban karo, isagoo casuumad rasmi ah ka helay hoggaamiyayaasha dalalka Afrika iyo madaxda Ururka Midawga Afrika ee qabanaya shirka uu ka qaybgalay ee Johannesburg.
Wasiirka Warfaafinta Dalka Sudan Ahmed Bilal Osman, ayaa hore u sheegay in Madaxweyne Omar Bashiir kusoo laabanayo dalkiisa marka uu soo dhamaysto hawsha uu dalka koonfur Afrika u tegey.
Dhinaca kale waxay arrinta Madaxweyne Al-Bashiir abuurtay muran siyaasadeed iyo xiisad ka dhex abuurantay hoggaamiyayaasha iyo Madaxda Afrika ee ku shirayay halkaa, iyadoo Maxkamadda Koofur Afrika ee soo saartay amarka xayiraarada ah doonaysay in lagu wareejiyo Madaxweynaha Sudan Maxkamadda Denbiyada Dagaalka ee ICC, taas oo marar baddan ku guuldaraystay in loo gacan geliyo Madaxweyne Omar Al-bashiir oo lagu eedaynayo denbiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha. Kadib markii lagu eedeeyay daagalo ka dhacay Dafuur oo lagu laayay dad shacab ah.

Ururka Midowga Afrika ayaa hore u diiday inuu arrinta ICC kala shaqeeyo. Laakiin dalka Koonfur Afrika oo xubin ka ah ICC, ayaa lagu amray inuu fuliyo amarka oo waajib lagaga dhigay, balse waxa adkaatay sida ay suurta gal u noqonay in Koonfur Afrika fuliso awaamiirta la doonayo in lagu qabto Omar Al-bashiir mudada uu ku sugnaa dalkooda oo uu kaga qaybgalay shirka Ururka Midawga Afrika, taas oo haddii ay fulin lahayd Koonfur Afrika kala daadin lahayd Ururka Midawga Afrika ee yab-yabka ah, isla markaana saamayn xun ku yeelan lahayd mustaqbalka hoggaamiyayasha Afrika oo aan waxba kala socon Maxkamadda ICC.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.