Araweelo News Network

Cabduqaadir Xassan Hirmooge Cadaan

Dubai(ANN)- Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia, kaa oo sababay khasaare ballaadhan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabduqaadir Xassan Hirmooge Cadaani oo ah afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada Qowmiyadood ku dhinteen tiro ka badan 50 qof.

Dowladda dhexe ee Ethiopia ayay ugu baaqday ONLF in ay soo fara-galiso dagaallada u dhaxeeya Labada Qomiyadood oo haddii aan laga hortagin sida uu hadalka u dhigay yeelan doona cawaaqib aan la mahdin.

Ururka ONLF ayuu sheegay in uu aamin-san yahay in Labadan Qowmiyadood yihiin dad walaalo ah, sidaasi darteed-na ay goor hore ku war-geliyaan Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed in xukuumaddiisu ay wax ka qabato dagaaladan soo noqnoqday.

Dalka Ethiopia waxaa hadda ka jira isbadal xowli badan ku socda oo uu waddo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Ahmed, waana tan keentay in Ururka ONLF oo mid ah Ururrada mucaaradka mintidsa ay baaqani soo saaraan.