Hargeysa (ANN)- Todobaadyadii u danbeeyay waxa sii hobanayay Banigaga Premier Banka. Iyadoo ay si weyn saamayn ugu yeelatay siyaasadda Khilaafka bilihii u danbeeyay ka dhex aloostay Somaliland iyo Soomaaliya ee E-Visa.

Boqolaal qof oo muwaadiniinta Somaliland oo ka cadhooday arrintaa ayaa ciqaab uga dhigay inay kala baxaan lacagaha ugu jiray Akoonada ay ku lahaayeen Bangiga.

Sidoo shaqaalaha xafiisyada qaarkood ayaa iyagana Iskaga tegey xafiisyadii ay ka hayeen, kuwaas oo meelo kale uga digarogtay.

Araweelo News Network, ayaa baadhis iyo dabagal ku waday arrimaha Bangiga oo muddo dheer ka shaqaynayay Somaliland , waxaana soo baxday in aanay jirin wax hanti ah oo asad ah oo Somaliland uu ku leeyahay  Premier Banka marka laga reebo  Dhismaha yar ee uu Burco ka dhistay 2023, kaas oo sida aan xogta ku helay lacag lagu qiyaasay $350, 000 dollar ku baxday, wallow  aan u qalmin hantida uu maamulayo ee dhaqaalaha Bulshada, sidoo kale ma jirto wax damaanad u qalma oo ka yaal Bangigga dhexe ee Somaliland, marka laga reebo sida loo xaqiijiyay baadhista Araweelo News
Qadar aan ka badnayn $2,000,000 (Laba mIlyan) oo dolar, taas oo noqon karta inay hal qof kootadiisa ku jirto.

Arrintan ayaa waxay si cad u muujinaysaa in aanay muuqan meel loo raaco hantida muwaadiniinta ee ku jirta khatarta, waxayna dad baddan xusuusan yihiin xilligii ay muwaadiniin badan ku waayeen hantidooda xawaaladii Qaran, wallow ay inta badan khasaaraha ugu weyn kuwa la kulmay ahaayeen kuwii sida indha la,aanta ah ku galay sheerka, iyadoo markii danbe dhisme yar ay kusoo urureen boqolaal qof oo hanti kaga maqantahay xawaaladii Qaran oo mar keliya la sheegay inay kacday bil ka hor markii Gollaha Amaanka ee Qaramada midobay go,aan xayiraad kasoo saareen.

Araweelo News Network, waxay heshay in xoggaha soo, waxay heshay in xoggaha soo, waxay heshay in xoggaha soo baxaya ee la xidhiidha barigiga Premier Banka Sidaa si la mid ah uu sansaankeedii leeyhay premier Banka oo aan wax hanti ah ku lahayn Somalilamd , iyadoo xafiisyada uu ku leeyahay gudaha Somaliland dhamaantood yihiin kiro, wallow xafiisyada Gobolada uu ku lahaa kusoo ururayaan Hargeysa.

Bangiga oo aan la ogayn saamilaydiisa saxda ah, marka laga reebo qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo ah sababta E-Visa loo mariyay, waxa hore u mamnuucay inuu lacag dhexmariyo Shirkaddaha Zaad iyo E’-Dahab.

Shabakadda Wararka Araweelo News ayaa baadhisteedda ku oggaatay in Macaamiishii ugu tirada badnaa ee kala baxay Premier Bank qaybtiisa Somaliland  lacagaha ka yaalay, ayaa ka dhashay eedaymo la xidhiidha baanka iyo nidaamka cusub ee dawladda  federaalka Soomaaliya uu ku Gacan siiyay E- Visa dal ku-galka Soomaaliya.

Murankani waxa uu isu bedelay qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo weyn, kaas oo salka ku haya muran taabtay  madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya muddo tobanaan sano ah.
Xisbiyada Muhiimka ah iyo Mawqifkooda
Dhibaatadu waxay ku lug leedahay dhowr jile oo muhiim ah oo leh mawqif iska soo horjeeda:
Eedeymaha smaaciil Axmed. Waa: Aasaasihii Adeegga Xawilaadda Lacagaha Adduunka ee WorldRemit, isla markaana si weyn u taageera ictiraafka Somaliland ayaa  si cad u sheegay in nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya waa hab gaar ah. Waxa uu sheegay in lacagaha fiisaha laga qaado Premier Bank ee magaalada Muqdisho, ugu dambeyntiina ay ka faa’iideystaan ​​shirkad xidhiidh la leh qoyska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhiirigelintiisa: Waxaa loo qaabeeyey sidii loo difaaci lahaa qaranimada Somaliland, isaga oo ku doodaya in nidaamka elektaroonigga ah uu yahay “faras Trojan maaliyadeed ah” oo wiiqaya madax-bannaanideeda.

Qaybo kale oo la xidhiidha siyaasada dhiiqada galaatau : Premier Bank la soco