Araweelo News Network

Prince Abdul Aziz bin Fahad

 

Riyadh(ANN)-Prince Abdul Aziz bin Fahad, oo uu dhalay Boqorkii hore ee Suuudiga  King Fahd bin Abdul Aziz, ayaa Xabsiga loo taxaabay.

Sida uu xaqiijiyay Afhayeen u Hadlay Qoyska reer Fahad, waxa amarka xadhigiisa bixiyay Crown Prince Mohammed bin Salman, waxaana amiirkaa laga qabtay Arbacadii lasoo dhaafay gurigiisa oo ku yaal Jeddah, halkaas oo cidamada Ammaanku Ka kaxaysteen.

 

Hooyada dhashay Ammiirka la xidhay, ayaa sheegtay in aanay garanayn meel la geeyay Wiilkeeda oo aanay wax cunto ah u geyn tan iyo maalintii la xidhay, Isla markaana aanay u suurta gelin xidhiidh ay la sameeyeen Qoyska Binu Salmaan ee Xukunka dalka haya si ay Ogaadaan goobta lagu xidhay Wiilkeeda.

 

Si cad looma oga sababta loo xidhay Prince Abdul Aziz bin Fahad, oo ah wiil uu dhalay Boqorkii hore ee Suuudiga King Fahd bin Abdul Aziz, balse waxa  Xabsiga loo taxaabay.markii uu todobaadkii hore ku qoray barta uu ku leeyahay Tweeterka Fariin kooban oo odhanaysa, ” waxa Jira ugaadhsi, waxayna doonayaan in ay  I dilaan'” (hinting that there were attempts to kill him)

Balse wuxuu Ka masaxay bartiisa Tweeterka saacado kadib qoraalkaa fariinta ahaa oo uu sheegay in ay ahayd Fariin si khaldan u gashay bartiisa Tweeterka.

 

Dhinac kale arrintan, ayaa kusoo beegantay khilaaf mudooyinkii u danbeeyay u dhexeeyey Qoyska reer Al-Saud oo Ka dhashay dhaxalka amiirka xukumaya dalka wixii ka danbeeya Amiir Salmaan, iyadoo Wiilka uu dhalay Amiir Salmaan, Maxamed Binu Salmaan meesha ka saaray Amiir Maxamed Binu Naïf oo la filayay inuu Xukunka ka dhaxlo Amiirka hada xukunka haya.

 

Hase yeeshee Amiir Salmaan muddo yar markii uu Xukunka hayay wuxuu inankiisa Maxamed Binu Salmaan siiyay fursado Iyo awoodo dheeraad ah uu suurta geliyay inuu si dadban xukunka ula wareego, waxaana si toos ah dhowaan loo iclaamiyay inuu yahay amiirka iska leh dhaxalka, iyadoo arrintaasi sababtay khilaah sababay in lagu xidho gurigiisa Maxamed Binu Naïf oo ahaa Amiirka la filayay inuu dhaxlo xukunka.

Amiir Maxamed Binu Salmaan, ayaa Xabsiga dhigaya, Isla markaana ugaadhsanaya Mucaaradka Qoyska reer Boqor ee diidan, amma kasoo horjeeda, waxaana xayiraad la saaray qaar badan oo ka mid ah Amiirada reer Al-Saud ee loo tuhmo in ay kasoo horjeedaan Maxamed Binu Salmaan.

 

Mohammed bin Salman, ayaa dhowaan si cad u shaaciyay Awaamiir cusub oo uu sheegay inuu fulinayo, kuwaas oo qaarkood uu durba fuliyay, waxayna qorshayaashiisu wax ka bedelayaan qaabdhismeedka golaha Shuruuda ee dalka astaamaha ay yeelanayaan Dadka Xukunka loo dhiibayo, amma kuwa xukumaya mandaqadaha Iyo mudada ay xilka haynayaan.