Araweelo  News Network.

Prof. Buubaa Oo Naqdiyay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland  Axsaabata Mucaadkana Ku Tilmaamay Kuwo Aan Qorshe Cad Lahayn

 

Hargeysa(ANN)-Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (IBuubaa) oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Aqoonyahanka ugu caansan Somaliland iyo geyiga Soomaalida, isla markaana ka tirsan saraakiisha Xisbiga WADDANI, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo qaab -dismeedka axsaabta oo uu si weyn u dhaliilay.

Buubaa oo maanta la hadlay Telefishanka Codka Bariga Afrika, wuxuu madhalays ku tilmaamay Siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland, isagoo tusaale usoo qaatay xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan.

Sidoo kale, wuxuu Ismaaciil Hure Buubaa dhaliilay axsaabta Mucaraadka oo uu sheegay in ay yihiin kuwo aan majuur ahayn oo ka Shidaal qaata Siyaasada Xisbiga KULMIYE, taas oo uu ku macneeyay mid dadka lagu maameeoinayo oo ku dhisan khiyaal.

 

Waraysiga Prof. Buubaa ee Telefishanka Codka Bariga oo dhammaystiran halkan ka Daawo.