Araweelo News Network

 

#Prof.  Galaydh, Su’aalaha Ka Taagan Sababta Geeridiisa Iyo Xukuumadda Farmaajo Oo Dheggaha Ka Xidhatay Dalabka Qoyskiisa

#Muqdisho(ANN)-Su’aalo aan weli jawaab loo hayn ayaa ka taagan Geerida Prof. Marxuum Cali Khaliif Gaalydh, iyadoo dawladda Federaalka ee Soomaaliya Mayka Marxuumka ka qaaday Jigjiga shalay, isla markaana aas qaran loogu sameeyay halkaa.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa iska dhega-tirtay dalabkii Qoyska Marxuumka ee ahaa in baadhitaan loogu sameeyo si loo xaqiijiyo sababta geeridiisa.

Alle ha u naxariistee Prof. Galaydh oo ahaa Siyaasi aqoonyahan ah oo ka baxay geyiga Soomaalida iyo geeska Afrika, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay dawladdihii isaga danbeeyay Soomaaliya, isagoo dawladdii Carta eek u meel-gaadhka ahayd ka noqday ra’iisal wasaare, waxa loo sameeyay Aas-qaran, iyadoo ka hor intii aan la aasin salaadda janaasada lagaga tukaday garoonka ciidamadda cirka ee xerada Afisyoone, taas oo amaankeeda aad loo ilaalinayo.

AKHRI: Galaydh: Hoggaamiye Ka Baxay Gollayaasha Siyaasada iyo Aqoonta Soomaalida

Aaskan Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh, waxa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee cusub, Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaare kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, (Khadar), Wasiirka War-faafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur iyo wasiiro, xildhibaano labada aqal ka tirsan iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan

Sidoo kale, waxa aaska marxuumka ka qaybgalay, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Ehelada Marxuumka iyo qoyska marxuumka qaarkood, salaadiin, Garaado uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

AKHRI:  Qoyska Marxuum Galaydh Oo Dalbaday In Baadhitaan Dheeraad Ah Lagu Sameeyo Sababta Geeridiisa

Geerida Prof. Galaydh, ayaa si weyn looga dareemay geyiga Soomaalida, geeska Afrika iyo meelo kale oo dunida ah, waxaana ka dhashay su’aalo shaki ku abuuray qaybo baddan oo Bulshada Soomaalida ah, kaddib markii warar is khilaafsan kasoo baxeen sababta geeridiisa masuuliyiinta maamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga iyo saraakiil ku sugan Jigjiga, taas oo keentay in qoyskiisu dalbadaan in baadhitaan lagu sameeyo maydka marxuumka, balse xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ayaa iska dhega-tirtay dalabkaa, waxaana marxuumka la aasay, iyadoo ay weli su’aalo ka taagan yihiin sababta geeridiisa.

Allah ha u naxariistee Prof. Cali Khaliif Galaydh, wuxuu ahaa halgamaa siyaasi, aqoonyahan muddo dheer kusoo jiray masraxyada siyaasada iyo golayaasha aqoonta, wuxuuna ahaa mid kasbaday dhegaha Bulshada Soomaalida inteeda badan.