Araweelo News Network.

“Xisbiyada Qaarkood waa la waayayaa haddii aan la wada waayin marka Ururadii La Furo 2021”

Hargeysa(ANN)-Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (IBuubaa) oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Aqoonyahanka ugu caansan Somaliland iyo geyiga Soomaalida, isla markaana ka tirsan saraakiisha Xisbiga WADDANI, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo qaab -dismeedka axsaabta oo uu si weyn u dhaliilay.

Prof. Isamael Buubaa, waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ee dib u dhaca marar baddan iyo sidoo kale arrimaha ganacsiga xorta ah.

AKHRI: Prof. Ismael Buubaa Oo Ku Taliyay Casriyaynta Iyo Tayaynta Qaab-dhismeedka Xisbiga WADDANI

Waraysi uu siiyay Prof. Isamael Telefishanka Horn Cable, waxa kale oo uu kaga hadlay arrimaga siyaasada iyo qaabka loo qoondeeyo oo sida uu sheegay saamayn ku leh nollosha Bulshada, dhaqaalaha iyo horrumarka dalka, isagoo dhinaca kalena ka hadlay socdaaladiisii u danbeeyay ee Nairobi, Ethiopia iyo Turkiga.

Prof. Buubaa, wuxuu ka dayriyay mustaqbalka axsaabta siyaasada ee maanta ka jira Somaliland, isagoo dhnaca kale iclaamiyay in aannay isaga iyo rag kale ka hadhayn fekredii Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Halkan Ka Daawo.