Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (IBuubaa) oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Aqoonyahanka ugu caansan Somaliland, isla markaana ka tirsan saraakiisha Xisbiga WADDANI, ayaa ka hadlay qaab -dismeedka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI u dhisanyahay xilligan.

Prof. Isamael Buubaa, wuxuu qoraal kooban  oo soo jeedin ah, isla markaana ku tilmaamayo qaab-dhsimeedka Xisbiga oo saluug ka muujiyay kusoo bandhigay soo jeedin uu doonayo in wax lagaga bedelo dhismaha  Hay’addaha Xisbiga uu ka mid yahay hoggaamiyayaashiisa.

Qoraalka soo jeedinta  ah oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay shebekadda facebook, wuxuu ciwaan uga dhigay “Casriyaynta iyo Tayaynta Qaab-dhismeedka Xisbiga WADDANI.”, wuxuu qoraalkaas oo nuqul ka mid ah ay idiinsoo gudbiyeen shebekaddaha Araweelo News Network, u qornaa sidan:-

Hordhac:

Xisbi kasta oo siyaasadeed Qaab-dhismeedkiisu wuxu muraayad u yahay hiiraalka siyaasadeed ee xisbigu hiigsanayo iyo himalooyin kuu doonayo inuu uhorseedo ummaddiisa.
· Hiiraalka siyaasadeed ee Xisbiga Waddani hiigsanayo waa mid ku salaysan dimoqraaddyad iyo xukun daahfuran oo lawada leeyahay oo ka soo maaxaya tartan ka dhexdhaca axsaab kala duwan oo si xor oo xalaal ah ugu loolamay codadka dadweynaha Soomaaliland.

Qaabdhsmeedka xisbigu wuxu u baahanyahay wax-ka-bedel si u hiigsigiisaa uhanto.

Casriyayn iyo Tayayn:

Hay’addaha kala duwan ee Xisbigu waxay u dhisanyihiin si taag-taagan (vertical) oo tigtigan (authoritarian) oo habdhaqankii siyaasadeed iyo maamul ee kelitaliskii ina soo maray ka soo maaxaya.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Waxay na badeen, waxay na bareen baa nagaga daran.”

Qaabdhismeed gudban, ama si siman ah (horizontal) u dhisan, kuwaas oo ka kooban guddiyo ama goobo-hawleedyo (dawaa’ir) oo ka dhisan kana hawlgala heerarka kala duwan ee Xisbiga, sida (1) Guddiyada ka hawlgala xarunta dhexe ee Xisbiga, (2) Kuwa ka hawlgala gobalada Dalka. (3) kuwa ka hawlgala degmooyinka iyo waxa kasii hoseeya.

Xubin walba oo kamid ah Xubnaha Gollaha Dhexe waxay ka mid noqonaysaa guddiyadaa midkood, iyadoo guddi walbana ay iska dooranayso Guddoomiye, guddoomiye-ku-xigeen iyo xog-haye.

Guddoomiyeyaasha guddiyaasha Gollaha Dhexa waxay abuurayaan Guddoonka Golaha Dhexe , waxayna iska dhex dooranayaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe.

Talo-wadaag, daahfurnaan iyo saamiqeybsi miisaaman ayay ku astoobayaan guddiyada Golaha Dhexe.

Gudiyaasha Gobolada iyo kuwa Degmooyinku waxay yeelanayaan qaabdhismeed la mid ah kuwa gudiyaasha golaha dhexe.

Guddi Shaqo;

Ha laga saaro shirkan Guddi ka kooban 9-11 xubnood oo aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ruug -caddaa ah oo soo diyaariya soo jeedin tafaftiran oo mowduucan ku saabsan, kuwaas oo kusoo dhameeya muddo min seddex ilaa lix bilood ah gudohood ah.

Guddidu waxay yeelandoontaa Guddoomiye, laba Guddomiye ku xigeen iyo xoghaye.

Soo jeedinra:
Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)
29/09/2019