Prof samatarHargeysa(ANN)Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland, ayaa muxaadaro la xidhiidha maamul-wanaaga ku sharaxay qudbad uu ka jeediyey munaasibad balaadhan oo ay ka qaybgaleen Ardayda Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute) ee Hargeysa.
Prof. Samatar ayaa kula dardaarmay shaqaalaha dawladda inay ka shaqeeyaan maamul-wanaaga iyo dawlad-wanaaga oo qayb ka ah horumarka bulshooyinku gaadhaan, isagoo faahfaahin ka bixiyey sida ay muhiimka u tahay in markasta la horumariyo maamul-wanaaga oo uu ku sifeeyey inuu xudun u yahay nidaamka dawladaha casriga ah.
“Waxa la yidhaah is-xukunku (Good Governance) waa qofku inuu is ilaalinayo oo naftiisa ka adag yahay. Waayo waxa la yidhaahdo maamul-wanaagu waa dad isku tagay in qofku mar kasta iska war hayo oo is xukumi karo oo halka aad marayso is xukumi karto. Hadda Agaasime guud-baad leedihiin (DG) ama wasiir haddii uu jiro, ama haddii Madaxweynaha waddanku jiro, xaqiiq ahaan halkaa xukunku ma yaal marka laga hadlayo maamul-wanaaga iyagu waxbay ka wakiil yihiin, waxaan laga wakiil ahayn waa Ilaahay (SWT) oo wax abuura,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Agaasimaha Mac-hadka Shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixile Boqore, ayaa isna tilmaamay in Prof. Samatar ay ka sugayaan in aqoonta uu leeyahay uga faa’iideeyo ardayda wax ka barata Mac-hadka shaqaalaha, waxaanu yidhi; “Ku soo dhawaaw Mac-hadka shaqaalaha dawladda, waxa lagaa sugayaa aqoonta aad leedahay inaad nooga faa’iidayso, Mac-hadka waxa lagu bixiyaa koorasyo kala duwan oo kala ah Diploma iyo Degree iyo kuwo kala duwan.”
Waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo xusay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka mid yahay aqoonyahanka reer Somaliland ee hormoodka u ah aqoonta, waxaanu yidhi; “Waxbarasho ama tacliin dadka halkii u dambaysay ka gaadhay ayuu ka mid yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar aqoontu ma dhammaato, laakiin dadka Somaalida aqoonta ugu badan kuwa aynu ka filayno ayuu kow ka yahay ee aynu wax weydiin-karno, aynu ka faa’iidaysan karno ee waddanka u dhashay weeyaan. Waxaan idinku dar-daarayaa inaad ka faa’iidaysataan.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa hore khudbado dhinaca aqoonta la xidhiidha uga jeediyey qaar ka mid ah jaamacadaha kala duwan ee magaalooyinka Somaliland, isagoo xoogga saaray sidii uu ardayda uga faa’iidayn lahaa aqoontiisa iyo waxyaabaha horumar lagu gaadhi karo.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com