Garoowe(ANN)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Deni oo ka hadlay sababta kooxda ajaanibka ka dagaalamay Buuralayda Cal-miskaad, mawqifkiisa qalalaasaha siyaasadda Somalia iyo weliba arrimo kale oo saamayn ku leh marxalada siyaasadda Soomaaliya xilligan maray.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay mustaqbalka siyaasadda iyo xalka aragtidiisa, isagoo si duur-xul ah u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilmay jidkii rajada yar ee laga qabay, taas oo sida uu xusay meel xun maraysa, isla markaana keentay niyad-jab inay la kulmaan bulshada Soomaalidu.

Hadalka uu ka jeediyay Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland waxa uu si sarbeeb iyo duur-xul ah uga hadlay mawqika siyaasadda Puntland ee Laascaanood, isagoo tilmaamay in aannay koox iyo in yar toona waxba ka beddelayn qorshaha siyaasadda aan loo baahnayn ee dawladda Soomaaliya ee ku waajahan Laacsaanood iyo dadka reer Sool.


Hase yeeshee hadalkiisa wuxuu ku canbaareeyay duulaankii sannadkii hore ee  dawladda Federaalka ee maamul goboleedka Jubaland, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan loo baahnayn oo muujinay siyaasad faashil ah. Muuqaalkan ayuu kaga hadlay arrimaha iyo kuwo kale oo la xidhiidha dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaallaha, iyo dumuqraadiyada.

 

Halkan ka Daawo.


Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/