Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)-Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay kulamo si gaar ah u dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib markii ay dhowaan shirkii lagaga hadlayay arrimaha doorashadda lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Gobolleedka Galmudug.

Mr. Deni, oo arrimahaa iyo kuwo kale ka hadlay, isagoo ku sugan Magaalada Gaalkacayo, halkaas oo kulan deg deg ah kula yeeshay xubnaha dawladdiisa, wuxuu sidoo kale ka hadlay waxa uu ka ogyahay xil ka qaadistii ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna tilmaamay arrimaha ay Madaxweyne Farmaajo kaga wada hadleen dhawr kulan oo ay si gaar ha u yeesheen mudadii ay ku wada sugnaayeen Dhuusamareeb.
“Shirarkii aan anniga la galay Farmaajo, Madaxweynuhu wuxuu diiradda aad u saarayay in aan kala shaqeeyo ajandaha uu markaa u dhigayay in doorasho qof iyo cod ah (One Preson One Vote), lagu qaban karo, mudada lagu gaadhi karaana aannay cayinayn, waxayna u muuqanaysaa in dowladdu ay rabtay in wakhtiga loo kordhiyo”, ayuu yidhi, Saciid Deni oo aan si cad u qeexin qorshaha Madaxweyne Farmaajo usoo bandhigay intii ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb.

Hase yeeshee, wuxuu ku dooday in arrintaa uu kaga jawaabay Deni sida uu sheegay in uu isku dayay in Madaxweyne Farmaajo uu ku qanciyo in xilligan ay adag tahay in laga shaqeeyo muddo kordhin xuluumadda loo sameeyo, taas oo sida uu sheegay ka hor-imanaysa waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhusamareeb.

“Markii aan arrintaas kala hadlay, waxa ii muuqanaysay in madaxweynaha uu ku qancay ra’yiga ah in doorasho qof iyo cod ah la qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhankiisa, wuxuu ku dooday in doorashada xilligan Soomaaliya ka hirgeli kartaa ay tahay doorasho dadban oo aan gaadhsiisnayn heerka ama Istaandarka (One Person One Vote), hal qof iyo hal cod ee Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee Soomaaliya laga sugayo, balse wuxuu xusay mid taas ka duwan, isla markaana aan ahayn tii 2016-ka ka dhacday dalka Soomaaliya.

Dhina kale, wuxuu sheegay Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlayay aragtidiisa xilka laga qaaday Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ay ahayd mid dariiqa loo maray ahaa mid aan waafaqsanayn sharciga.

“Wixii dhacay wuxuu ahaa wax lagu xagal daacinayo oo la rabo in lagu burburiyo wixii quruxda badnaa ee kasoo baxay Shirkii Dhuusmareeb iyo yididiiladii la qabay ee ahayd in hore loo socdo, ,” ayuu yidhi Deni oo ka hadlayay aragatidiisa xilka laga qaaday ra’iisal waaare Khayre.

Wuxuu arrintaa eedeeda dusha u saaray Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu sameeyey wax ka duwan wixii uu ka sheegay Dhuusamareeb iyo wixii lagu heshiiyey, wuxuuna tilmaamay in Khayre doonayay in la fuliyo, wixii lagu heshiiyay ee Dhuusamreeb lagaga wada hadlay.

“Iyadoo aan mooshin jirin eedayn oo aan aajandaha lagu darin, oo aan loo codayn, ayuu guddoomiyaha Baarlamaanku ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday ra’iisal wasaaraha, Madaxweynihii ku celcelin jiray dastuurka ayaan ilaalinayaa, si deg deg ah ku aqbalay arrintaa sharcidarada ah, wuxuuna jebiyay qodobo dastuuri ah.” Ayuu yidhi, wuxuu sheegay Siciid Cabdullaahi Deni, in aannay cusbayn in ra’iisal wasaare xilka laga qaado, isla markaana Baarlamaanku awood u leeyahay, balse ay arrintan ka duwan tahay.

AKHRI:  Maraykanka Oo Hanjabaad Iyo Digniino Kasoo Saaray Xaaladda Soomaaliya

Sidoo kale, wuxuu sheegay arrinta layaabka kale ah in ay ahayd, markii Madaxweynuhu digreeto kusoo saaray sharcidarada dhacday oo ra’iisal wasaarihii oo ku sugan Dhuusamareeb, isla markaana wareegtada kusoo saaray in ra’iisal wasaare ku xigeenku xilka sii haynayo, “Madaxweynuhu wuxu caddeeyay in uu dalka ku maamulayo wareegto, wuxuuna jebiyay qodobka 103, ee dastuurka, waxaana muuqata in aannu diyaar u ahayn in Madaxweyne Farmaajo dalka doorasho geliyo, waxan ugu baaqayaa madaxda iyo siyaasiyiinta ku jira dawladda Federaalka in caqligu shaqeeyo oo dalku halka uu ku socdo talo intaa ka badan laga yeesho.” Ayuu yidhi. Siciid Deni.