Garoowe(ANN)-Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa doortay Madaxweynaha maamulkaa, kadib loolan adag oo dhexmaray murrashaxiinta ku tartamayay xilka Madaxweynaha.

Lix Lixdan Xildhibaan oo ah xubnaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, waxay 35 xubnood oo ka mid ahi u doorteen maanta  Madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni, halka Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) oo ay wareegii labaad isla soo gaadheen uu helay 31 Cod

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ku hadhay wareegga koowaad ee doorashada, isaga oo helay sideed cod oo keliya, waxaana ku xigeen loo doortay Axmed Karaash.

Madaxweynaha la doortay Saciid Deni, ayaa ah qof aan ku cusbayn siyaasada, wuxuu xilka hayn doonaa shanta sannadood ee soo socda, wuxuuna ka mid ahaa Xukuumaddii Dawladda Federaalka ee Soomaaliya xilligii Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo soo qabtay xilka wasiirka qorsheynta.

Dhinaca kale Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa hanbalyo u dirtay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, iyadoo sidoo kale usoo dirtay wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibbeda oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.