>Jawaabaha kala Duwan ee Gollaha Ammaanka Iyo Midawga Yuurb

>Jaah-wareerka Qoxootiga Ukraine ee Dalalka Yurub.

> Ruushka oo qaaday mowjado weerarro Ah Maalintii Afraad Iyo Maagalooyin Guddaha Loo Galay

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Qaraxyo waaweyn ayaa cirka isku shareeray horraantii maanta oo Axadda koonfurta caasimadda Kyiv, halkaas oo khasaare gaadhsiiyeen dadka ku dhuumanayay guryo iyo geerashyo dhulka hoostiisa ah.

Laxidhiidha: Ukraine Caasimadda La Godoomiyay Millateriga Ruushka Oo Amar La Siiyay Iyo Dhawaaqyadii U Danbeeyay

Sidoo kale, qaraxyada ayaa khasaare gaadhsiiyay saldhigyada tareenada dhulka hoostiisa mara, kaddib weerarro ballaadhan oo ay geystaan ​​ciidammada Ruushka ee ku sugan guddaha caasimadda Ukraine.

Madaafiicda Millateriga Ruushka oo qabsaday Dhisme weyn Magaaladda Caasiamdda ee Kyiv 23 feb 2022, Image, Araweelo News Network,

Ruushku wuxuu qaaday mowjado weeraro ah oo maanta uu ku ekeeyay Ukraine, kuwaas oo lala beegsaday garoomo diyaaradeed iyo goobo kayd shidaal, taasoo u muuqatay wejigii xigay ee duullaanka, kaddib markii ay ciidamaddiisu guddaha Caasimadda kala kulmeen iska caabin adag.

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa Axaddii u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in uu ku qiyaasay in qaar ka mid ah weeraryahanada Ruushka ay ku sugan yihiin meel 20 kilomitir u jirta badhtamaha magaalada, wuxuuna sheegay in uu ka cabsi qabo go’doomin dheer.

“Hadda, waxaan haysanaa koronto, hadda waxaan haysanaa biyo, iyo kuleyliyaha guryahayaga, laakiin kaabayaashii dhaqaalaha ayaa burburay, Waxaan qiyaasayaa in aannan haysan waqti badan,” ayuu yidhi, Klitschko.

Duullaanka Ruushka ee gilgilay qaarada Yurub oo maalintii Afraad galay, ayaa sababay khal-khal si weyn looga dareemayo gebi ahaanba suuqyada saamiyada ee Yurub iyo kuwa caalamka.

Laxidhiidha: Ukraine: Mawjado Weerraro Cir Iyo Dhul Ah Oo Millateriga Ruushka Ku Hafiyeen Caasimadda Iyo Jawaabta Calaacalka Ee NATO

Sidoo kale dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay amniga qaarada Yurub oo ay isdhaafayaan gaadiidka gaashaaman saanadda Millateriga iyo hubka lagu daabulayo Ukraine.

Dagaalka ayaa sababay dhimashada tobanaan qof oo rayid ah, waxaana uu ku qasbay boqolaal kun oo qof in ay ka cararaan, iyadoo xukuumadda Moscow ka dhigtay dagaalka mid caalami ah.

 Hase yeeshee Ukraine, ayaa sheegtay Axaddii inay ogolaatay inay wadahadal la gasho Ruushka ka dib afar maalmood oo collaad bur-bur baaxad leh, barakac iyo dhimasho geystay.

Laxidhiidha: Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa

Xafiiska Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in wefdi ka socda Ukraine ay la kulmi doonaan wefdiga Ruushka ee ku sugan xuduudka Belarus, iyadoo dalka Belarus u ogolaatay ciidamadda Ruushka inay weerarraan Ukraine.

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa diiday dalabka Ruushka ee wadahadalka ka dhacaya Belarus Axadii, isagoo sheegay in Minsk lafteedu ay qayb ka tahay duulaanka Ruushka, laakiin wuxuu furay albaabka wadahadalka meelo kale, iyadoo aannay jirin wax shuruud ah oo ku xidhan.

Aqalka Kremlin, ayaa dhankiisa sheegay Axaddii in wefdigoodu diyaar u yihiin inay la kulmaan masuuliyiinta Ukraine magaalada Belarusian ee Gomel.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo saacaddihii hore ee maanta, maamulka Ukraine sheegay in ciidamadda Ruushka ay guddaha u galeen magaaladda labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, halkaas oo dagaal ba’an ay ka socdaan waddooyinka.

Oleh Sinehubov, oo ah maddaxa maamulka gobolka Kharkiv, ayaa Axaddii sheegay in ciidamadda Ukraine ay magaalada kula dagaallamayeen ciidamadda Ruushka ee ku sugan guddaha magaaladda, wuxuuna dadka rayidka ah ka codsaday in aannay guryahooda ka soo bixin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa amar ku bixiyay in taliyayaashiisa difaaca ay heegan galiyaan ciidamadda ka hortagga Nukliyeerka, sida ay sheegeen Axxaddii maanta saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka, wuxuuna amarka Putin cabsi kusii siyaadiyay dalalka NATO ee Maraykanka iyo Britain gadhwadeenka u yihiin.

Arrinta, ayaa sababtay in Maraykanka iyo Midowga Yurub kaga jawaabaan hub iyo rasaas loogu talagalay dadka reer Ukraine ee tirada badan iyo cunaqabatayn xooggan oo la doonayo in lagu sii go’doomiyo Moscow.

Dagaalka, ayaa u muuqda sii xoogaysanaya, iyadoo Ruushku qirtay in askartiisa qaarkood laga dilay oo ay jiraan dhaawacyo kasoo gaadhay ciidamada Ukraine.

Dalalka Yurub iyo Maraykanka, ayaa weli wada abaabul ka dhan ah Ruushka, waxayna Denmark noqotay kuwii ugu danbeeyay ee oggolaaday in ay ciidamo u diyaan gobolka, kuwaas oo ku biiraya guutada ajnabiga ah ee mutadawiciinta Ukraine, sidaa waxa sheegtay haweenayda ra’iisal wasaaraha ka ah Denmark, Mette Frederiksen.

Sidoo kale, Sweden, ayaa dhaqankii jebisay, waxayna hub iyo saanad Millateri gaadhsiiyay dalka Ukraine.

Midowga Yurub si uu cunaqabatayn cusub ugu soo rogo Belarus ee dhinaca Ukraine: von der Leyen

Midowga Yurub, ayaa qorshaynaya cunaqabatayn lagu soo rogo Belarus, sida uu sheegay Ursula Von der Leyen oo ah Guddoomiyaha Kommishanka Yurub, iyadoo xustay in Midawga Yurub qorshaynayo si loo maalgeliyo hubka la geynayo Ukraine.

Dhinaca kale, dalalka G7, ayaa si badheedh ah u sheegay in guullaha Millateriga Ruushka ee Ukraine aannay aqoonsan doonin.

In ka badan 7 milyan oo qof ayaa laga yaabaa inay barakacaan haddii dagaalka Ukraine uu sii socdo sida ay sheegeen Midowga Yurub, waxaana ilaa xilligan ka qaxay dagaalka ku dhowaad laba Boqol oo kun, qoxootiga ayaa galay dalaka Poland, Slovakia, Romania, Hungary iyo Britain, Moldova, Germeny iyo dalal kale, waxa gaadhay qoxootiga Ukraine.

Alt: Araweelo News
Khariirad muujinay dalalka ay u qaxeen dadka reer Ukarine 27 feb 2022, Araweelo News Network

Dadka kasoo cararay caasimadda Kyiv, ayaa sheegaya in Askarta Ukraine ay celinayaan dadka wixii rag ah ee da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 60 sanno, kuwaas oo aan la ogolayn in ay ka baxaan Caasimadda iyo magaalooyinka kale qaarkood, isla markaana laga celinayo guddaha si ay u difaacaan Magaaladda, taas oo sababtay in qoxootiga ku faafay Yurub ay noqdaan kuwo u baddan haween iyo carruur, waxaana la saadaalinayaa in qoxootiga uu sababo duullaanka Ruushka ee Ukraine uu noqdo kii ugu badnaa, ama ugu baaxad weynaa ee Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka wixii ka danbeeyay.

Dadka reer Ukarine ree qaxaya iyagaoo ka cararaya dagaalka Araweelo News Network, 25 Feb 2022.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 368,000 oo qaxooti ah ay ka tageen Ukraine tan iyo markii duullaanka Ruushka ee sababay colaadda ka bilaabmay dalkaa.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, Liz Truss ayaa sheegtay in dowladdu ay si degdeg ah u eegayso waxa dheeraad ah oo aan samayn karto si loo caawiyo qaxootiga Ukraine ee ka soo cararaya weerarka Ruushka uu ku qaaday dalkooda.

Dowlada ayaa waajahaysay baaqyo isa soo taraya oo ku aadan in laga tanaasulo sharciyada fiisaha ee dadka reer Ukraine ee doonaya inay magan galaan UK.

Sidoo kale, Labour, ayaa sheegay in ku guul-daraysiga dawladda ee ah in ay dabciyaan xannibaadaha fiisaha ee dadka reer Ukraine ay tahay anshax xumo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Labour, David Lammy ayaa sheegay in xannibaaddaha fiisaha ee dadka doonaya inay UK ka soo galaan Ukraine ay yihiin “wax aan la aqbali karin”. Subaxnimadii Axadda, ayuu sheegay in ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Guddaha Priti Patel inay wax badan qabato.

Dhinaca kale, Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniinta kulan ka yeelanaya xaaladda Ukraine, sida ay sheegeen diblamaasiyiin Yurub ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com