Hargeysa(ANN)- Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa ansixiyay Lix xubnood oo ka mid ah Todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo xubintii laga sugayay xisbiga Mucaardka ee WADDANI, ka maqnayd, iyadoo ay weli laantahay, kadib markii lagu celiyay xubin ay hore ugu soo xuleen komishanka ka hor intii aan la horgeyn gole weynaha Wakiiladda Somaliland.


Lixda Xubnood oo golaha wakiiladu maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen, kadib markii mid mid loogu codeeyay, waxa soo magcaabay laba xubnood Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Laba xubnood oo guurtidu soo gudbisay iyo laba xubnood oo Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, iyo Xisbiga Mucaardka ee UCID midkoodba mid soo magcaabay.


Halka ka Daawo muqaalka qaabkii Xubnaha Komishanka golaha Wakiiladu u ansixiyay.