Araweelo News Network

 

 Madaxweyne Biixi Daah-furka Shirka  Iyo Arrimaha Uu Kusoo Qaatay Khudbadii Furintaanka

Hargeysa (ANN)-Xisbiga KULMIYE , ayaa qabtay Shirka 7aad ee Gollaha Dhexe, kaas oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Kal-fadhigga shirkan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Gollaha Dhexe ee cusub ee ka soo baxay shirweynihii afraad ee xisbiga KULMIYE ee qabsoomay 4 ilaa 6 bishan October, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 310 xubnood oo isugu jira 241 xubnood oo ka kala yimaada gobollada, Xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo maayarrada degmooyinka dalka ee xisbiga, guddoomiyayaasha gobollada dalka iyo hoggaanka guud ee xisbiga, waxaanna shirkan oo socday hal maalin ka soo baxay go’aamo kala duwan.

Shirka uu daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu doortay hoggaan uu Golaha Dhexe ee xisbiga hagi doona shanta sanno ee soo socda, iyadoo sidoo kalena waxa lagu ansixiyey Xoghayaha Guud ee xisbiga oo loo doortay Mr. Ibraahim Axmed Raabi iyo Xubnaha Guddida Fulinta xisbiga oo ka kooban 31 xubnood oo isugu jira 25 xubnood oo gollaha dhexe ka yimi iyo 6 xubnood oo hoggaanka xisbiga ah, kuwaas oo Madaxweynuhu horgeeyey magacyadooda shirka, kadibna ergadu cod aqlabiyad ah lagu meelmariyeen.

Hoggaanka cusub ee Golaha Dhexe ee shirka lagu doortay ayaa kala ah; Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo loo doortay Guddoomiyaha Gollaha Dhexe, Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) oo noqday Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Dhexe iyo Mustafe Maxamed Yoonis oo loo ansixiyey Xog-hayaha Golaha Dhexe ee xisbiga, kuwaas oo muddo shan sanno ah hayn doona xilkan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ku hadlayey xubnaha la doortay, ayaa uga mahadceliyey ergada Golaha Dhexe ee shirka fadhiday codka ay siiyeen iyo sida ay ugu aamineen inay shirguddoon ahaan mar labaad sii hayaan maamulka golaha dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo mahadcelin uu u jeediyey xubnaha la doortay iyo ergada Gollaha Dhexe ee shirka fadhiyey kadib waxa uu ka hadlay waajibaadka iyo masuuliyadda Gollaha Dhexe ee xisbiga saaran iyo sida ay tiir-dhexaadka ugu yihiin hawlaha xisbiga, isaga oo hoosta ka xarriiqay shaqooyinka horyaalla gole ahaan, waxaannu yidhi, “Golaha dhexe masuuliyaddiisa koowaad waa inuu hirgeliyo aragtida ama hiraalka xisbiga ee shirweyne guddoomiyey, xeerkiisuna qeexayo, aragtidaas shirweynuhu tilmaamay waxa waajib ku ah Gollaha Dhexe inuu ka sameeyo qoraal uu u beddelo siyaasad, taas oo noqonaysa maanafeestada xisbigu ku galo doorashooyinka.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in mudnaanta koowaad ee xukuumadda uu hoggaamiyaa tahay ilaalinta qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland, islamarkaana aan cidna looga habranaynin difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, “Mudnaanta koowaad ee xukuumaddu waa inay ilaaliso madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland oo aanay culays kasta oo yimaadda, hadduu yahay mid siyaasi ah, mid ciidan iyo mid dhaqaale oo lagu gacan-maroojinayo aanay u dhaqaaqin oo ay lasoo istaagto madax-bannaanida qaranka, xukuumad ahaanna taasaanu isu taagaynaa, nin kasta oo ciidan badan leh, nin kasta oo qumbulo-durriyo leh iyo cid kasta oo lacag badan leh, midna looga habran maayo  Qarannimada Somaliland madax-bannaannideeda,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo  qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somalialnd, isagoo Wakiilka Xoghayaha Guud ee UN-ta uga digay inuu waxyeeleeyo ixtiraamka ka dhexeeya dawladnimada Somaliland iyo Qaramada Midoobay, waxaannu yidhi, “Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay ka mid yihiin hay’ado badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA (Madaxtooyada Soomaaliya) ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.”

Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu digniin culus u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’adaha kale ee ku abtirsada, “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland, waana xaaraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shirka Toddobaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa isla maanta la soo gebogabeeyey, waxaanna hoggaanka cusub ee la doortay iyo golahan cusubiba ay gudo geli doonaan hawlahooda shaqo.