Armed Houthis gather around the wreckage of a vehicle set a blaze by angry protesters after Houthis fired on them in Yemen's central town of IbbSanaa(ANN)Qalalaasaha dalka Yemen, ayaa sii xoogaystay, kadib markii shiicada Xuutiyiinta oo la wareegay inta baddan Woqooyiga dalka isku dayeen inay dhinaca koonfurta u gudbaan, taas oo sababtay dagaal qabaa’ilka Suniga ee u baddan Yemen ku hor istaageen.
16 ka tirsanaa malayshiyada Xuutiga ee shiicada, ayaa lagu dilay magaalada al-Bayda ee dhinaca Koonfurta ka xigta Caasimada Yemen ee Sanca. Kadib markii Suniyiinta deegaanka ay fooda is dareen, iyagoo Malayshiyada Xuutigu doonayay inay u gudbaan dhinaca Koonfurta Yemen oo ay ku taamayaan inay u gudbaan si ay isugu balaadhiyaan qabsashada dalka oo dhan.
Dagaalka, ayaa sababay in dadka deegaanka al-Bayda, ka dhintaan 1o qof, wuxuuna dagaalku kusoo beegmay laba todobaad ka dib markii ay kala direen Baarlamaankii dalkaa, isla markaana sameeyeen gole ay iyagu maamulaan, kaas oo ay ganafka ku dhifteen hogaamiyayaasha siyaasada iyo Odayaasha qabaa’ilku.
Magaalooyinka waaweyn ee sida Sanca ooo ay hore u qabsadeen Malayshiyada Xuutiga iyo deegaamo kale, ayaa mudaharaadyo lagu diidan yahay laga bilaabay, iyagoo malayshiyada Xuutiga ee taageerada ka helaya dawlada Iran iyo Ururka Xisbulaah doonayaan inay dadka ku muquuniyaan cudud Milateri.

Magaalada Ibb, waxa ku dhawaacay ilaa afar qof . kadib markii dad mudaharaadayay oo diidan xukunka Xuutiyiinta Malayshiyada shiicadu rasaas ku fureen, sidoo kale Salah al-Bashiri oo ahaa dadka u dhaq-dhaqaaqa mudaharaadyada lagu diidanyahay xuutiyiinta, ayaa u geeriyooday jid dil iyo ciqaab ay u geysteen Xuutigu, kaas oo markii la xidhay laba todobaad ka hor magaalada Sanca ee Caasimada la geeyay Cubitaal markii xaaladiisa caafimaad xumaatay, balse wuxu u geeriyooday dhaawacyadii ay malayshiyada Xuutigu u geysteen.
Dalalka reer galbeedka iyo kuwa Carabta, ayaa shaqaalihii ka joogay kala baxay dalka Yemen, iyadoo safaaradaha shisheeye la wada xidhay, wadamada Khaliijka, ayaa ugu baaqaya Xuutiyiinta inay ku laabtaan miiska wada hadalka, iyadoo cabsi weyn oo la xidhiidha xaalada Yemen ay soo waajahday dalka Sucuudiga ee ay jaarka yihiin.
Sidoo kale qaramada midoobay, ayaa ugu baaqay xuutiyiinta inay ka laabtaan go’aanka ay ku inqilaabeen xukuumadii dalka Yemen iyo Baarlamaankii dalkaa, balse malayhsiyada Xuutiga, ayaa iska dhega tiray dhawaaqyada iyo digniinaha kusoo burqanaya, waxayna qorshaynayaan inay dhinaca Koonfurta dalka u gudbaan si ay xukunkooda u meel mariyaan, iyadoo qabaa’ilka suniga iyo Al-qaida Yemen doonayaan inay dagaal ku waajahaan,
Si kastaba ha ahaatee xaalada dalka Yemen, ayaa u socota dhinaca qalalaasaha iyo dhabihii ay martay Somalia dhawr iyo labaatan sanadood ka hor.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com